Garsoorennimadu 67% waa camal cadaabka lagu mutaysto! (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Axaadiis aan tiro ahaan yareyn oo Nebiga ka sugnaatay ayaa dhammaantood ka dayriyey shaqada qaadinnimada, isla markaana ka digay.

Sidaas oo kale ayay culimadii salafku uga fogaan jireen shaqadan garsoorannimada khatarta ku xeeran awgeed.

Qaarkood waxa la sheegaa -sida Abii xaniifa oo kale – in loo xidhay oo loo ciqaabay ka dib markay diideen in ay xilka garsoorka qabtaan!

Bal ka waran qof loo ciqaabayo oo loo xidhayo si uu xil u oggolaado, weliba wakhtiyadaas mansabka qaadigu waxa uu ahaa darajo ku dhow darajada khaliifka guud ee muslimiinta, isla markaana waxa uu ahaa mansib madaxbannaani buuxda leh.

Nebiga -SCW- waxa ka sugnaatay: Qaaddiyadu waa saddex laba waxa ay gelayaan Naarta (67%), midna waxa uu gelayaa Jannada (33%).

Nin xaqa gartay oo ku xukumay, kaasi Jannaduu gelayaa, qaadi xaqa gartay oo aan ku xukumin, xukunkana ku takri falay, kaasina naarta ayuu gelayaa, nin aan xaqa garannin/barannin, dadkana jahli ku xukumay, kaasina Naartuu gelayaa.

الْقُضَاةُ ثَلَاثَةٌ: اثْنَانِ فِي النَّارِ، وَوَاحِدٌ فِي الْجَنَّةِ. رَجُلٌ عَرَفَ الْحَقَّ، فَقَضَى بِهِ، فَهُوَ فِي الْجَنَّةِ. وَرَجُلٌ عَرَفَ الْحَقَّ، فَلَمْ يَقْضِ بِهِ، وَجَارَ فِي الْحُكْمِ، فَهُوَ فِي النَّارِ. وَرَجُلٌ لَمْ يَعْرِفِ الْحَقَّ، فَقَضَى لِلنَّاسِ عَلَى جَهْلٍ، فَهُوَ فِي النَّارِ” والحديث في صحيح سنن الترمذي.

Garashada xaqa ee jannada lagu mutaysanayo ama naarta lagu kasbanayaa waa xukunka Alle ee kiiskasta la xidhiidha, ma aha barashada qawaaniinta iyo xeerarka Aadmigu dhigteen.

Marka laga yimaaddo caddaalad darrada maxkamadaheenna taalla, xorriyad la’aanta qudaadda iyo faragelinta dawladda, waxa maanta fursadda badbaado ee dadka maxkamadaha ka shaqeeya sii yareynaya oo rajadooda fulinta caddaaladda god ku sii ridaya sharciyada iyo xeerarka ay wax ku xukumayaan oo marka horeba intooda badani shareecada baalmarsanyihiin.

Xadiis kale oo saxeex ah ayaa odhanaya: (Qofka garsoore laga dhigaa waxa uu ka dhigan yahay sidii qof la gawracay middi la’aan) yacnii sidii qof la dilay oo dilidda lagu silciyey.

Muhimmadda sidaa u halista badan haddii gudashadeeda la wanaajiyo waxa lagu kasban karaa ajar aad u fara badan, waxase shardi ah qofka masuuliyaddaas qaadaya in shuruuddan laga helo:

1- Waa in uu yahay qof aqoon u leh xilka uu qaadayo/shareecada.

2- Waa in uu noqdaa qof xalaalmiirad ah oo Alle ka cabsi leh.

3- Waa in uu sharciga Alle wax ku xukumayo, madax bannaanina u leeyahay gudashada shaqadiisa.

Intaa haddii aanad haynin, ogow kasbiga meeshaa laga helaana waa cudur, magaca laga shaqeystaana waa ceeb, cidhibtiisa danbena waa cadaab.

Madaxda sare ee garsoorrada magacaabayaa ajarka iyo ismigaba/denbigaba way la wadaagayaan qaaliyada ay xilalka u dhiibanayaan ee ha u meeldayaan, hana ku korjoogeeyaan cidda masuuliyaddaas loo dirayo.

 

Dr-Abdulqani Hussein Beder