Safraddii Aan Hudheelka La Galay: Saabuun La’aantii iyo Saabaankii Aan Ka Shakiyay! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Safraddii Aan Hudheelka La Galay: Saabuun La’aantii iyo Saabaankii Aan Ka Shakiyay!

 

“Dareenkii Ka Dhashay Koronofayras Oo Daruuraha Ku Dhaw”

Beryahaa hudheel waxba kama cunin, waxaas guriga lagu sameeyo ayaan bisinka u qabtaa. Xitaa gaadhi dadweyne lama raaco. Maalin aan shir wacyigelin Koronofayras ah kaga qayb galay wasaaradda warfaafinta, oo aannu hoolka 100 qof malaha isugu nimi, midkaayana aanu xidhnayn fool-dhawr (facemask) ayay bacdu igu bilaabantay.

Habeen dhawayd ayuun baan ku leeday hudheel iyada oo igu qiiqaysa, weliba inay rawaxeen baan moodayay. Sidaas awgeed ayaan gudaha hore u mushaaxay. Goor dambe ayaan arkay mudalabyo ag taagan cunto-kariyaha.

“Cashadii ma haysaan?” ayaan idhi

“Haa. Noocyo badan maxaan keennaa?” ayay yidhaahdeen

“Haafayn”ayaa aan idhi

Halkii faraxalka ayaan tegay, saa waxa aan ka waayay agabkii lagu faraxalanay ee casriga ahaa, xitaa taydha ayaa gabaabsi ahayd. Markii aan qasabadda biyaha furay ayaan dareemay inaan bir taabtay “Ka daa, yaa, ha taaban ha taaban” ayay digniinihii Koronofayras yidhaahdeen iyo xasuustu.

Judhiiba haddana waan walaacay. Waxa aan ka fekereyay imaka ma saxan (bilaydh) dad kala duwan wax loogu ridayay, sufur la iskaga wada cabbayo iyo madiibad giddiga manta maraq la darayay ayaad ku cuni? Hortaa yaa ku cunay? Billee meesha uu kii Shiinaha soo maray?

Haddana miiskii aan fadhiyay iyo wixiiba mooyi, waan ka shakiyay. Billee kuwii sadhaysnaa ee is dhex qaadayay meesha kaaga soo horreeyeen. In aan bad ku jiro ayaan dareemay.

Anigii buu walaac degdeg ahi igu dhashay. “Walaal waan sii soconayaa, safari (take away) iiga dhig” baan idhi. Aniga oo dhegaha nabaya oo la haadaya nafarkii ayaan soo galay. Qasabaddii xumayd ee aan gacanta saaray ayaan ka fara-xashay.