Sannad-guurada 37aad Ee Hawlgalkii Badjeex: Furashadii Miiska Saraakiisha Hargeysa Q.8aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

“Gun-gaadhka Dacwaddii Dhacdadii 11kii Abril, 1983kii” Qoraal Noocee ah ayayay soo saareen guddidii baadhitaanka furashada Birjeex?

Haddaba hawl-galkaa kaddib, wuxuu maamulkii Maxamed Siyaad Barre magacaabay guddi dembi-baadhiseed oo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo kala ahaa:
1. Gaashaanle Dhexe Yuusuf Axmed Sarreenle oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliiska, isla markaana ahaa Guddoomiyaha guddida,
2. Laba Xiddigle Cabdirashiid Yaasiin (NSS),
3. Laba Xiddigle Cabdicasiis Xaaji Cilmi (NSS),
4. Saddex-xadhigle Maxamed Ashkir Cigaal oo ka tirsanaa Ciidamadii Hangashta loo yaqaannay iyo
5. Saddex-xadhigle Yuusuf Cabdillaahi (Booliiska).

Guddidaasi, geba-gebadii baadhistii ay sameeyeen waxay ka soo saareen qoraal ay ugu magac-dareen “Gun-gaadhka Dacwadda Dhacdadii 11kii Abril, 1983kii”. Qoraalkaas oo ay soo saareen 12/5/1983, dushana ay kaga dhufteen shaambad muujinaysa inuu yahay qoraalkaasi sir culus, waxay ku yidhaahdeen guddidu oo ay ku bilaabeen sidan:
“Sida aad ula socoto, isla mar ahaantaasna aad tallaabadii ku habboon uga qaaddaan, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynnaa gun-gaadhka dacwadda ujeeddada kor ku xusan la xidhiidha, waana sidan hoos ku qoran:

Ex. Gaashaanle dhexe, Cabdillaahi Askar, waxa gacanta lagu dhigay bilawgii Abril 1983kii, kaddibna isagoo ku xidhan Miiska Saraakiisha Ciidanka X.D.S, ayaa lala baxay 11kii Abril, abbaaro 18:30kii galabnimo.
Haddaba, arrintaa taariikhdaa dhacday waxa baadhis lagu sameeyo ugu horraysay 28kii bishii afraad, 1983kii, guddida baadhistuna markuu eegay dacwaddaa, wuxuu gartay in arrintu ka dhacday Qaybta 26aad ee X.D.S gudaheeda, dadka argagixisannimadaa sameeyayna ay yihiin isla Ciidanka Qaybta 26aad ee X.D.S ee Hargeysa.
Guddidu, si uu baadhista u socodsiiyo wuxuu abaanduulaha Qaybta 26aad u qoray warqad ay ku xusan yihiin in uu abaanduuluhu, tilmaamo cad ka soo siiyo guddida lixda qoddob ee ku qoran waraaqda Guddida (eeg lifaaqa kowaad), hase yeeshee abaanduulaha qaybta 26aad iyo colalkiisu may soo siin guddida jawaabaha su’aalihii la weydiiyay, wax marag-muujin ah oo ay ku soo wareejiyeenna ma jirin.

Sidoo kale, guddidu wuxuu u soo gudbiyay Taliyaha Gaaska Labaad ee Qaybta 26aad, qoraal ku saabsan soo gudbinta caddaymo la-xidhiidha alaabooyin marag-muujin ah oo laga helay goobtii dembigu ka dhacay, hase ahaatee ilaa hadda aan gacanta guddida la soo gelin. Waxaa kaloo jirta in aanu guddidu helin wax baadhista uu u tixraaco, sida warbixintii uu ka amba-qaadi lahaa, marag-muujin, sawirro iyo raadad kale oo baadhiseed iyo dekumenti waxtar u leh toona.
Waxa qudha ee gacanta guddida soo galayna uu yahay warbixin lagu tilmaamay in laga qoray Ex. Gaashaanle dhexe, Eedaysane Cabdillaahi Askar oo aan wax nuxur ah lahayn, si sharci ahna aan loogu aqoonsan karin warbixin laga qoray eedaysanahaa.
Waxa kale oo guddida loo soo gudbiyay, qoraallo laga helay eedaysanaha markii la fatashay oo aan baadhista waxtar u lahayn iyo koox eedaysanayaal lagu tilmaamay oo aanu arrimahooda mid-mid u qeexnay, kalana ah sidan:

1. Cali Jibriil Ibraahin (Tagsiile), waxa noo soo gudbisay Hangash, waxaana la sheegay inuu gaadhigiisa wadan jiray Gaashaanle Ibraahin Koodbuur.
2. Yaasiin Xasan Jaamac (Ganacsade), waxa noo soo gudbiyay Hangash, waxaana la sheegay in ay adhiga wada iibsan jireen Yuusuf Xaaji Cabdi Xandulle (Haliil), oo baabuur ammaano ku ahaana u gudbiyay Ina Koodbuur, baabuurkaas oo dembiga lagu galay.
3. Soofe Beeg Jareex (Dillaal), waxa soo gudbiyay Hangash, waxaana la sheegay inuu adhiga u iibin jiray Haliil.
4.Qaasin Cismaan Kaahin (Bakhaarle), waxa soo gudbisay Hangash, waxaana la sheegay inuu ahaa Xisaabiyaha Haliil.
5.Xasan Faarax Askar (Ex. Shaqaale), waxa soo gudbisay Hangash, waxaana lagu soo eedeeyay inuu Haliil aqalkiisa tegay Subaxnimadii 12kii Abril, 1983kii
6. Ibraahin Cismaan Qaalib “Fayax” (Ganacsade), waxa soo gudbisay Hangash, waxaana la sheegay inuu baabuurkiisa ammaanaysiin jiray Gaashaanle Ina Koodbuur.
7.Cabdi Jaamac Nuur “Ina Dhallaax” (Ganacsade), waxa soo gudbisay Hangash, waxaana la sheegay inuu baabuur uu leeyahay ku wargelinayay Haliil, saacado yar ka hor hawl-galka.
8.Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Xaashi Madar.
9. Laba-Xadhigle; Ismaaciil Xuseen Diiriye
10.Laba-Xadhigle; Maxamed Xuseen Maxamed,
[Saddexdan Nin oo ka tirsan Qaybta 26aad, uma haynno wax ceeb ah]
11. Cawil Xirsi Cawaale, waxaanu dib ugu celinnay NSS, kaddib markii ay noo caddaatay in ay arrintiisu ku xidhiidhsan tahay Xabsiga Mandheera.
12. Ismaaciil Sheekh Ibraahin Sheekh Muuse (Ganacsade), waxa la qabtay 14kii Abril, 1983kii, isagoo lagu tuhmay inuu arrinta ku lug lahaa, maxaa yeelay? Saacad kaddib, markii ay arrintu dhacday ayaa isaga oo bastoolad gacanta ku haysta, baabuurkana si xawli dheer ah magaalada ugu dhex wada ay soo qabteen Saraakiil Xoogga Dalka ka tirsani, dhibaatana kala kulmeen soo qabashadiisa, waxa aannu u haynnaa eedayn ku filan, anaga oo u gudbinaynna Maxkamadda Badbaadada Dalka.
13.Cabdi Muuse Maxamed (Kirishboy), waxaa noo soo gudbiyay Saldhigga Booliska Hargeysa, laakiin dib ayaanu ugu celinnay saldhiggii, kaddib markii ay noo caddaatay in lagu soo xidhay kiis batrool suuq-madow ah.
Talo-bixin
1. Guddidu markuu arkay in goobta dembigu ka dhacay tahay, goob ciidan,
2. Guddidu markuu arkay in dembi-falayaashu ka tirsan yihiin X.D.S ee Qaybta 26aad.
3. Guddidu markuu arkay in guddidii ka koobnaa Madaxda Hay’adaha Nabadgelyada Gobolka ee loo xilsaaray baadhista dacwadda inuu mid waliba ku mashquulsan yahay hawl-maalmeedkiisa caadiga ahaa, duruufo jira awgood.
4. Guddidu markuu arkay in ay ku adag tahay dhex-galka iyo baadhista Q. 26aad oo dhammaan waxyaabahaasi khuseeyaan.

Wuxuu go’aamiyay:

1.In Baadhista dacwadda guddidaasi ka joogsado, loona magacaabo guddi Wasaaradda Gaashaandhiga ka socda oo ka kooban Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo Haayadda Nabadgelyada Gaashaandhigga (Hangash).
2.In eedaysanayaasha ku xusan lambarka 1aad ilaa lambarka 10aad oo guddida ula muuqday in aanloo haynnin eed ku filan oo Maxkamad lagu hor taagi karo, tuhunka loo hayaana aad u jilicsan yahay la sii daayo, haddii aan dembi kale loo haysan”.
La soco qormada 9aad haddii Alle idmo.