Kulanka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Agaasime waaxeedyadda kala duwan ee Wasaaradda.

Hargaysa-22-12-2024- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta kulankiisi u horeeyey la qaatay, agaasime waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo qayb ka mid ah la taliyayaasha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.

Kulankan ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayay, Wasiirku xigeenka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Marwo, Samsam Maxamed Saalax iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, Kulankan oo ahaa mid isbarasho ah, ayaa Masuuliyiinta cusub ee Wasaaraddu waxay warbixino kala duwan, oo ku aadan habsami u socodka hawlaha shaqo ee waaxaha wasaaradda ka dhagaysteen agaasime waaxeedyadda kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

 

Bandhige@gmail.com