Aduunyaddu horumarka ay gadhay iyo xadaaradeeda waxaa qayb wayn ka qaatay dadaalka ay la yimaadeen shirkadaha ganacsiga ee ka hano-qaaday , dhaqaalaha, aqoonta iyo ilbaxnimada la is dheer yahayna waa uun sidda loo kala shirkaddo iyo jaamacaddo wanaagsan yahay .
Sanadkii 1990 xaafadayaddu waxay degenayd Magaaladda Dire-dhabe , aqalka aanu ku jirey oo uu lahaa nin Amxaar ahaa , waxaa u yaalay Telefoon Land line ah , Telefoonkaas wuxuu ka kirayn jirey dadka , sidoo kale dadkana waa lagala soo hadli jirey , sidaa darteed qolka uu Telefoonku u yaalo markuu subaxdii ka shaqo wuxuu telefoonka kaga tegi jirey daaradda si dadka lala soo hadlayo ay uga faaidaystaan , kuwa hadlayana xaafaddu ugu kirayso , Telefoonkaa dartiina dad badan ayaa uga iman jirey meelo aad u fogfog oo ah wadanka Somaliland iyo kililka soomaalidda iyagoo aan muraad kale lahayn , ilaa beri dhawaydna sidaas uun bay iska ahayd oo Djabouti ayaa la tegi jirey iyo Itoobiya .
Tan iyo intii shirkadda Telesom soo baxday , waxay muujisay karti iyo dadaal ay ku gaadhay waxaan waligeed horre loo gaadhin Gobolka geeska afrika , waxaanay suurta gelisay guri kasta , geed kasta iyo goob kasta in ay ku xidho aduunka dacaladiisa dhib la’aan.
Marka lagga tago adeega is gaadhiisneed ee shirkadaasi suurta gelisay iyo faaidooyinka dhaqaale ee tira badana , waxay horseeday 4 faaido oo waawayn oo dhaxal gal ah .
1- Shirkaddu waxay ina bartay in dadka Soomaalidda oo ah dad ay ku adagtahay wax wada lahaanshaha iyo wax isku darsigu ay wax wada yeelan karaan , wadana guulaysan karaan .
2- Shirkaddu waxay dhiiri gelisay hala-abuurka iyo carinta maskaxada , waxaanay sumcad wayn usoo heyisay geyiga oo dhan .
3- Shirkaddu waxay door wayn ka qaadatay ilbixinta iyo furfuraanta suuqayda ganacsiga , waxaanay fududaysay fidinta suuqyada , xogta iyo wax kala iibsiga .
4- Ugu danbayn shirkaddu waxay kaalin wayn ka qaadatay Kobcinta garaadka bulshada iyo ilbaxnimada , maxaa yeelay Teknoolajiyaddu waa macalinka koowaad ee maanta aduunka waxbara , shirkaduna waa wadada inagu xidha teknoolajiaydda aduun waynaha
Dhinac kasta oo lagga eegana , shirkadda Telesom waa Taaj dahaba oo madaxeena saaran iyo tusaale wanaagsan .
# Telesom, guulayso waligaa .