Sannad-guurada 37aad Ee Hawlgalkii Badjeex: Furashadii Miiska Saraakiisha Hargeysa Q.9aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Waxa aynnu maqaalkan ku eegaynnaa Saamayntii Hawl-galku Ku Yeeshay Xigtadii Koodbuur, waana tan:

Waxa hubaal ah in halganku leeyahay natiijooyin togan iyo kuwo taban. Qofku waxa uu u banbaxayaa in la hadimeeyo naftiisa, maalkiisa, qoyskiisa iyo ehelkiisa intaba. Fal kasta oo uu ku tallaabsadaana waxa uu saamayn ku yeelanayaa cidda ugu xigta ee markaas af iyo addin midkood lala gaadhi karo.

Kolkii ay Ibraahin Koodbuur iyo guutadiisu fuliyeen hawlgalkii Birjeex waxa muraara-dillaacii lagula dhacay qoyskii iyo xigtadii ay kaga tageen dalka gudihiisa. Inkasta oo ay ahaayeen dad aan wax galabsan, waxa la gelelafay iyada oo laga galgalanayo guul-darradii iyo weji-gabaxii nidaamka askarta ka soo gaadhay hawl-galkii Badjeex ee sida geesinnimada ah loo fuliyay. Dadka la beegsadayna waxa ka mid ah qoyskii Mujaahid Ibraahin Koodbuur.
Iyada oo aan war iyo wacaal midna haynnin ayay Ibraahin Koodbuur iyo raggii wehelinayay si biime ah u galeen xerada Birjeex, waxaanu Eebbe ku guuleeyay in ay gaadhaan himiladii ay lahaayeen. Intaas kaddibna waxa ay u gudbeen Itoobiya, marka laga reebo laba shahiid oo ku naf waayay hawlgalkaas culus Eebbe godka ha u nuuro’e. Marwo Khadra Xasan Yuusuf waxa ay ka warramaysaa sidii ay ku ogaatay hawlgalka dhacay, dhibaatooyinkii ka soo gaadhay iyo waxyaabihii arxan-darrada ahaa ee ay la kala kulantay kacaankii Soomaaliya.
Waxa ay tidhi “Markii hawlgalka la fuliyay ayay ciidankii Miltarigu gurigayga yimaaddeen.
“Ibraahin mee?” ayay yidhaahdeen.
Waxa aan ku idhi “Ma imannin, sidii uu saaka u lebbistay ee uu dabbaal-deggii 12ka Abril ugu baxay ma soo noqonnin”.
Waxa ay yidhaahdeen “Dagaal ayaa dhacay. Miiskii saraakiisha ayaa rag lagu laayay oo maxaabiisna lagala baxay. Markaa saraakiisha waxa lagu samaynayaa tira-koob. Ibraahin waa in uu yimaaddo. Marka uu guriga soo gaadho waxa aad u sheegtaa in xeradii laga rabo”.
Aniguna “Haye iyo hawraarsan” baan ku idhi.
Sidii ayaanay nimanki igaga tageen. Haddana isla habeenkii markii aan cabbaar joogay waxa ii yimi niman kale oo farabadan oo saraakiil ah. Nimankaas waxa aan ka garanayay oo la socday ninka la yidhaahdo Faysal Cali-Qaafil. Waxa ay igu yidhaahdeen “Ibraahin lama hayo miyaa?”.

Aniguna waxa aan ku idhi “Weli lama hayo’e, mee? Miyaad disheen? Laba goorna waad timaaddeenne, isaga oo dabbaal-deggii u baxay baan ogaaye, sidee wax u jiraan?”. Mid ka mid ah ayaa yidhi “Wallee haddii isagu aanu wax dilin, aan la diline. Haddii uu yimaaddo xeradii ha yimaaddo”. Sidii ayay nimanki ku baxeen. Waxa inyar igu soo hakaday oo socodka kaga dambeeyay Faysal. Inta uu igu soo yara hadhay ayuu yidhi “Guriga iska baadh, ninki wuu baxay’e”. Dabadeedna Faysal Cali-Qaafil wuxuu raacay saraakiishii uu la socday.

Waxa aan bilaabay in aan baadhitaan ku sameeyo gurigayga oo miinaysan, meel walba waxa yaallay hub. Gurigii waxa aan ka helay rasaas, baastoolad, bambooyinka kuuskuusan, qoryo yaryar IWM. Waa saq-dhexe, wixii oo dhan inta aan go’ ku guray ayaan geeyay laagta xaarwada ee marta xaafadda Qudhac-dheer oo dhanka bari naga xigta. Ma tuurin, oo waxa aan ka baqday haddii aan wadhfiyo inay qarxaan. Qunyar ayaan meel dhigay, kaddibna waan iska soo laabtay. Aniga iyo wiilkayga yar oo qudha ayaa guriga joognay.

Habeenku intuu dednaa oo dhan waxa aan baadhayay guriga. Wixii agab ah ee suuliga lagu ridi karo, suuliga ayaan ku ridaa. Wixii waraaq ah ee aan gubi karana dab ayaan qabadsiiyaa. Sidii aan habeenkii oo dhan wax u kala gurayay ayaa waxa hiirtii waaberi ii yimi hooyaday iyo reer Koodbuur oo dhan oo yaaacaya, waxaanay soo maqleen falkii ka dhacay miiska saraakiisha. Waxa ay yidhaahdeen “Ibraahin mee?”. “War kama hayo” ayaan ku idhi.

Iyaga oo leh “Miiskii saraakiisha ayay wax ka dhaceen” ayaa waxa ii soo galay niman kale oo dhabar-jebinta ah oo dharcad ah. “Xaaskii Ibraahin Koodbuur ayaanu rabnaa” bay yidhaahdeen. “Waa aniga” ayaan ku idhi. “Immisa carruur ayuu lahaa?” ayay yidhaahdeen. Waxa aan ku idhi “labadaas carruur ah”. “Wax dhibaato ah oo ku gaadhayaa ma jiraan haba-yaraato’e, laakiin su’aasha aanu ku weydiinno saani uga jawaab” ayay yidhaahdeen.
Waxay fadhiisteen makhsinkii fadhiga. Markii aan u galayna suaashii kowaad ee ay i weydiiyeen waxa ay ahayd “Maxay isku yihiin Ibraahin Koodbuur iyo Cabdillaahi Askar?”. Waxa aan ku idhi “Maba garanayo Cabdillaahi Askarka aad sheegaysaan”. Anigu markaas ninkaas (Cabdillaahi Askar) waxa aan u aqaannaa Cawil. “Maxay isu ahaayeen ninkan uu jeelka kala baxay?” ayay yidhaahdeen. Waxa aan ku idhi “Ma garanayo nin jeel lagala baxayba”. Haddana “Maxay Habar Awal u tahay Ibraahin?” ayay yidhaahdeen. “Waxba” ayaan ku idhi.
“Hooyadii ma Habar Awal baa?”
“Maya”
“Hagaag. Ibraahin yuu la saaxiib ahaa oo raaci jiray?”
“Ciddii uu Ibraahin la saaxiibka ahaa iyo ciddii uu raaci jiray midna ma garanayo. Laakiin rag dirays leh oo saraakiil ah, oo Gaanni leh, oo cid walba leh ayay is-raaci jireen. Aniguna magaalada waan ku cusubahay, oo dhawaan ayaan imi. Waxaanan ahay reer Beledweyne”
“Haddii aad si fiican u warrami weydo, adiga iyo carruurtaaduba waxa aad gelaysaan xabsiga” ayay yidhaahdeen”

Dhibaatada gaadhay qoyska Ibraahin Koodbuur kuma ekayn waraysi, caga-juglayn iyo hanjabaad. Waxa xabsiga loo taxaabay ooridiisa, walaalladii iyo eheladiisa qaar ka mid ah. Marwo Khadra Xasan Yuusuf ayaa si faahfaahsan uga warrantay tacaddigii ka baxsanaa bani-aadannimada ee ay goobjoogga u ahayd.

Marwadii Ibraahin Koodbuur oo ka warramaysa xaaladihii xabsiga ee ay gashay waxa ay tidhi “Aniga oo isla gurigii jooga ayay galabnimadii ii yimaaddeen niman kale oo gaadhi Tiyoota ah wataa. “Warran?” ayay yidhaahdeen. “Warba ma hayo” ayaan ku idhi. “Waa lagu xidhayaa” bay yidhaahdeen. Waxa la is saaray xagga sare ee gaadhigii Tiyootaha ahaa. Hooyaday iyo dumar ila joogay baa yidhi “Aanu carruurta ka reebno”. Waxa la yidhi “Kama reebaysaan”. Aniga iyo labadii carruurta ahaaba waxa nalagu xidhay Saldhigga weyn ee Hargeysa. Markii aan habeen ku jiray waxa la iga daba keenay saddex nin oo Ilma Koodbuur ah kuwaas oo kala ahaa Xaashi Koodbuur, Cabdi Koodbuur iyo Maxamed Koodbuur IHUN oo imaka geeriyooday.

Saldhiggii ayaanu muddo ku wada xidhnayn, habeen walbana waa la i waraysan jiray “Sheeg raggii uu Ibraahin la saaxiibka ahaa haddii ay ganacsadeyaal yihiin, haddii ay askar yihiin iyo qolo walba, adigu cid uun noo sheeg. Adigana waanu ku sii deynaynnaa” ayaa la odhan jiray. Anigu markaas cidna waan sheegi waayay. Markii aan juuq iyo jaaq midna odhan waayay, waxa la bilaabay in la i jidh-dilo. Waxa laad halkaas laabta igaga dhuftay nin Saldhigga haystay oo Sarreenle la odhan jiray. “Maxay ahayd naagtan yar ee aan waxba sheegayni” ayuu yidhi.

Saacado kaddib markii uu laadka igu dhuftay ayay fooli i qabatay, markaasna waxa aan lahaa uur lix bilood illaa toddoba bilood ah. Waxa aan ku umulay suuliga ku yaalla saldhigga booliska dhexdiisa. ……………………………………………………

La soco qaybta 10naad haddii Alle idmo.