Sannadihii lays Khiyaamaynaayay (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Guri ayaan dhawr arrooryood hor maray, maalintii hore waxaan arkay iyada oo dayr jiingad ah loo sameeyay oo midab leh, dhawr cisho ka bacdi ayaan hadana soo hor maray waxaan arkay jiingadii oo dusha inta laga gooyay shabag laga dhigay, hadana dhawr cisho ka bacdi ayaan soo hor maray waxaan arkay jiingadii oo midabkii hore laga badalay oo midab kale loo sameeyay, gurigana islaan ayaa leh, markaas ayaan maahmaahdii soomalida xusuustay ee odhanaysay habar dhali wayday alleelo ku waalatay.

Imika waxaa ka dhigan soomaliland, illaa yaraantii uun bay kuwan siyaasiyiintu nagu odhan jireen barwaaqo iyo badhaadhe ayaynu gaadhaynaa hadii aynu koonfur iska dul qaadno, dadkii naf iyo nafiis ayay hureen si ay u gaadhaan dhallaan habaabistaa loo sameeyay, markiiย  koonfur layska kiciyayna waxay yidhaahdaan uun nabada inoo illaaliya,iyaga oo iyagunaย  sidii gofanaha ay ka soo haageen hantidiii umada.ย  Bal u fiirsada imika heshiisyadaa wada gurcan ee ay leeyihiin koonfur ayaa ka soo horjeeda maalgashigeena, ula jeedad koonfur laguugu tilmaamayaa waxa weeyi si aad indhalii dhagalii aad ugu daba faysho. Illayn koonfur ayaad sas ka qabtaa eh.

Nin maraykan ah oo islaam ahaa oo la odhan jiray Malcom X ayaa yidhi yuhuudu had iyo goor waxay u doodaan xuquuqda dadka madow, hadana markay dadka madow xaafad cadaan ah soo dagaan kuwa ugu hor guuraa waa yuhuuda.ย  Buug ka sheekaynaayay siyaasada maraykanka ayaa yuhuudu waxay dhexdooda isku lahaayeen ย labada xisbiba inaga ayaa haysana, qaar ayaa ku fikiraayay inay xisbi sadexaad samaystaan, waxay yidhaahdeen kaana waynu qabsan.

Inaga xaalkeena hadaynu usoo noqono, siyaasiyiinta hore ayaa layskaga lahaaย  ina jaahwareeriyay. markaasaa dhalinyar illaahay u kiciyay waxadada la odhan jiray, kuwiina way qabsadeen kuwa laynagu dhex beeray oo ay danahooda ku adeegtaan. Maxaa yeelay siyaasadooda ayaa ah dadku waa dameero anaga naloo abuuray, marka uu mid nagu ciyo waanu iskaga dagnaa oo mid kale ayuunbaanu fuulnaa.

Hadaba waa maxay siyaasadan ay nimankan yuhuudu isticmaalaan, ee ay gaal iyo muslim kaga guulaysteen?ย  Hubkooda ugu wayn waa (deceย  ption) khiyaamo, waxay ku leeyihiin mooyee, qorshe kale ayay wataan.ย  Rasuulkeenuna scw sida uu inoo sheegay aakhiru samaanka waxaa dhicidoontaย  sanado khiyaamo ah, bal falastiin u fiirso, iyagoo dadkii lahaa dhulkoodii dhacay ayay hadana caalamka ugu sawiraan in muslimka ku xeeran ay doonayaan in ay yuhuuda tirtiraan.

Markaa waligaaba eryo dhallaalan habaabistaa ay kuu sameeyeen.ย  Nin gaal ah ayaa wuxu yidhi sadexda diinood ee samaawiga ahba way afduubteen yuhuudu, waa runtii (baadha taariikhda maxamed cabdi wahaab iyo aalusucuud).ย  Afkaartan la af garan laayahay oo dhan iyaga ayaa dajiyay ee muslimkii kala irdheeyay.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com