Shahaado Sharaf

Editable Certificate Of Appreciation Template | Editable with Best Certificate Of Appreciation Template Free Printable - Amazing Certificate Template Ideas

 

Haddii aad eegto Shaqaale weynaha dunnida iyo Madaxdaba xafiisaadka ay bulshaddooda ugu adeeggaan waxa saaran shahaadooyin badan oo abaal-marin iyo sharfid loo gudoonsiiyey,sidaa si la mid ah gidaarada maqsinadda guryahooda iyo goobtooda shaqadaba waxa sudhan oo ka soo lusha tiro badan oo shahaado sharafyo qaarkood ku gaboobey oo ku dhasku ka buuxsamey.

Shahadooyinkii Dugsiyadda ka dib waxa mar kale gacanta bahda shaqaallaha iyo aqoonyahanka gacantooda soo galeysa lana gudoonsiiin doona shahaaddooyin abaalmarino loogu maggac darey .Tolow maxaan u shaqeyneynaa,Ma lacag,ma Sumcad helid,Ma caanimo,Mise xaqiijinta Guusha nolosha.Midkeenba wax gaar ah ayuu u halgamayaa una socdaa.Xirfaddo badan oo nolosha ku jiraa dadka ka shaqeeya in ay lacag ka sameeyaan ayaa ah qorshahooda kowaad,halka in badan oo kalena ay u socdaan sidii ay waxtar uga geysan lahayeen adeeggyada bulshadda una heli lahaayeen sumcad iyo taariikh.Maalqabeen noqo Xirfadlayaal badan muhiim uma ah.Aqoonyahanka dalkeenu wuu ka tagi karaa Daaro dhaadheer oo maggaalada camira,wuuna ka tegi karaa aragtiyo cilmi-baadhiseed,buuggaag,ururo la dhiso iyo taariikh cilmi oo mustaqbalka lagu xasuusan doono.Saynisyahankii ugu qiimaha badnaa waad u tartami kartaa,ganacsadihii ugu taajirsanaana in lagugu xasuusto cid ku diidani ma jirto.

Abaalmarinaha iyo Sharfida waxa hellay kuwo badan oo inaga mid ah sida Macallimiintii ugu wanaagsanaa taariikhda kuwaasi oo shahaado sharafyo iyo abaal marino badan ku hellay xirfaddooda, kuwo kale oo maalqabeenadii ugu wanaagsan ee bulshadda ayaa sumcad iyo sharaf ku hellay maalkooda,in badan oo inaga mid ah ayaa asaasey shirkado waxtar leh,kuwo badan oo kale ayaa ciyaaraha kala duwan ee dalka sumcad iyo sharaf ku                           helay,halka      in                      badan                              oo                 kale                      ay                  fanka                 iyo suugaantaa,jilitaanka,hogaaminta,xornimada,Dhaqaalaha,Askarta,Siyaasiyiin,qorraayo         iyo         Isgaadhsiinta dedaalkii ay ka geysteen lagu abaalmariyey.

Jaamacaddaha ka dib waxa badan ayaa loo tartamayaa,Abaalmarinta iyo Shahaado sharafyada badan ee la gudoomaana keliya waxbarasho kama turjumayaan,waase kuwo si dhab ah inoo tuseya in wax ka baxsan lacag loo tartamaayo sida,halgan,akhlaaqad,sarreyn,karti,dedaal  iyo tayooyin badan oo kale oo qofku muteysanaayo.sameynta dhaqaale lacageed maaha hamiga ugu weyn ee sumcadd iyo caanimo bulshadda looga dhex raadiyo.

Waxa ay tahay in aan ogaano dhanka kale in dad badan oo dedaal aan ku yareyn haddana aaney weligood ku guuleysan wiixii ay ku taamayeen.waana ta keenta in shahaado sharafta iyo abaalmarintu aaney mararka qaar aheyn laba si raasmi ah loogu qiimeyn karo tayada shaqaalaha iyo aqoonyahankaba maxa yeellay kuwo badan oo wanaagsanaa ayaan weligood helin shahaado sharaf.sumcad,maal,iyo caanimo kuwaasi oo aad wax wada barateen oo aanad waxba ka wanaagsaneyn qadar rabina ka baajiyey.haa kuwo badan oo xirfaddooda dedaal iyo wakhti badan ku bixiyey ayaan haddana helin aqoonsi iyo abaal marin midna.

Helida iyo bixinta Shahaado sharafyada iyo abaalmarintu waxa ay sidoo kale u baahan tahay daacadnimo,u marida jid sharci,ilaalinta caddaalada iyo xaqnimada,si looga fogaado eexdaiyada oo hab xikamadeysan oo sax ah loo maraayo dadka         la sharfaayo.abaal marinta iy sharfidu ahmiyada ay nolosha u leedahayna waxa aad ku xaqiiqsaneysaa kuwa badan ee aan lacag sameyn ama dunida ka tagey iyaga oo danyar ahaa haddana taariikhdu ilaa dhammaadka ay xusi doonto aragtiyahoodi qiimaha laha awgeed.

sannad kasta dad badan oo dedaallay ayaa noloshu caan ka dhigtaa,kuna taxtaa billado,shahaado sharafyo iyo abaalmarino qaali ah.sumcadaasi oo ay ku kasbadeen kartidoodi waxqabad dalkooda iyo dibaddaba.iyada oo ay qiimeeyaan shirkadahooda,ururadooda iyo haayaddo gaar u ah bixiinta abaalmarinaha sannadlaha ah.mana haboona in dad aan u qalmin sumcad iyo shahaado sharaf dadka si aan xaq aheyn loogu taxo darajooyin aaney kasbanin xaqna u laheyn taasi oo guud ahaan dal kasta ka dhacda in wakhtigu saacido kuwii bulshadda ugu liiitey ama haadoomiyinka u geystey.

Maxaa ka fiican in adiga oo boqollaal dhex fadhiya inta lagaaga dhex yeedho in lagu gudoonsiiyo shahaado sharaf iyo abaalmarin hal mar nolosha ah.inta aan maqaalkan qorraayey waxa aan daawanaayey shahaado sharaf saarneyn miiskeyga iyo kabadh agteyda ah maqsinka gurrigeyga ee aan dhex fadhiyey,kuwii bixiyow abaal-baan idiin hayaa.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com