Shaqo-Qaran, Faa’iido aan la soo koobi karin! (WQ: Maxamuud Axmed Oday)

Goorta sawirkan la iga qaaday! PTT, PM, SKS, AK47, M14American rifle, SG43, BKM, RBG-7, BKT, SG46, D.Sh. K, D100mm. Intaas oo qori ayaan si fiican u aqaannay ayaga iyo sida loo shiishoba, inta badanna aan ka dab-riday. Anigoo ku niyad-san, in aan Sarkaal-Ciidan noqdo, gaar ahaan Taangiiste ka tirsan Qb-26aad, GT 7aadoo taliskeedu ahaa Dararweyne, oo maanta ah halka lagu xereeyay dufcaddii 1aad ee Shaqo-qaran Somaliland, ayaa maxaa dhacay!!!

Dabrid ayaannu ku samaynay banka Qoryaale ee Cadaadley iyo Derimara, Go’o, ilaa Gadhka Warsame Xaad goglan. Waa qaybtii 26aad ee ex-Xooggii Dalkii Soomaaliya la odhan jiray. Madaafiicda (noocyadeeda kala duwan), Beebeeyada, Jiibabka, ciidanka lugta iyo hubka wixii aan ka ahayn laba dayuuradood oo dab-ridka ka qayb qaadanayey waxaa ka dab-ridaya ama ka qayb ah ardaydaa aan ka midka ahaa.

Marka dab-rid la samaynayo, xero ciidan (difaac) oo wax kastaa u dhan yihiin, oo artificial ah ayaa la soo samaynayaa. Duqaynta madaafiicda goobta ayaa ugu horraynaysa oo garaacaya, dayuuradaha ayaa ku xiga, markaas ayaa ciidanka lugta, taangiga iyo jiibabkuna weerarayaan. Al-muhim, madfaca dab-ridka samaynaya, waxaa la ogol yahay keliya in laga rido saddex xabbadood, laakiin shardi waxaa ah, haddii xabbadda kowaad lala helo halka lala rabo oo ah taliska (heart of the enemy), dabka waa la joojinayaa, si aan loo khasaarin rasaas dambe (rasaastu lacag adag bay ku joogtaa). Koox Madfac 135mm Howitzer Chinese ah, ayaa lagu bilaabay dab-ridka, hogaamiyaha madfacu waa arday, magaciisu waa Cismaan Ibraahim Guuleed. Imika waa Ay-jeel, xabsiga Burco ayuu joogaa. Cismaan yare, xabbaddii 1aad ayuu la helay taliskii xerada mac-malka ahayd. Dabka jooji!

Col. Xasan-qurux (marreexaan): 5/5 Dabka Jooji,
Gen: Aadan-gebyow, ha la soo qaado hoggaamiyahaas/shiishe-ridahaas. Waa la soo qaaday Cismaan-sulux!
Gen. Aadan-gebyow, War Xassan-qurux! Waa Adigii I lahaa, taliye-kooxyaan rabaa! Haddee kan xiddig baan siinahayaa, yuu kaa tegin.
Col. Xassan-qurux: Taliye, dhammaan ardaydu waa asaga oo kale! Haddaan saraakiil rabno, aan kuwaan ka qoranno!
Gen. Gebyow: Waa fikrad fiican!

Arday badan oo aan ka mid ahaa, ayaa go’aansatay in ay saraakiil noqdaan oo sidaa Xamar loogu qaaday! Sidaas ayaannu ku galnay Kulliyaddii Ciidamada Jaalle Siyaad.
Gen. Gebyow (Ogaadeen), Gen. C/laahi Cali Cumar (Carabta Reer Maxamuud Saalax), iyo Col. Cabdi-weli (Marreexaan), ayaa haddana dhammaan ardaydayadii dib uga dareeriyay Kulliyaddii, oo soo qoray dhallin-yaro geel-jire u badan oo ay ku keeneen qaab qabiil. Laba wiil, oo kala ahaa Haybe Suudi Yacquub (Ma-seexato), iyo Haybe kale, ayaa amarka ilaahay ku hadhay.

Sidaa ayaa hankayagii halkaa loogu bireeyay! Laakiin, aqoontii ciidannimo waxay iga anfacday in aan ka mid noqdo ciidankii shadaafaha u laab-laabay qabyaaladdii iyo keli-talisnkimadii arxanka darrayd!.

Xasuus wacan!