Shaqooyinka iyo doorka ha’yadda lacagta Adduunka u qaabilsan iyo Bangiga Adduunka (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Hayaddahan kor kuxusan,  waxaay ka mid yihiin kuwa ugu awoodda badan dhanka maamulka dhaqaalaha adduunka, nidaamka dhismaha siyaasadda dhaqaalaha, kala xadaynta iyo qorsheeynta lagu maamulo dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha, gaar ahaan jaangooynta dhanka lacag sameeysiga iyo xeerka kala bedelashada suuqyada ganacsigs lacagaha addunka, waxa labadan hay’adood qabtaan maalgalin iyo taageero dhanka koboca dhaqaalaha, kaasoo la rabo in lagu horumariyo wadamada aay ka jiraan fakhriga baahsan  iyo wadamada soo kobcaaya labadaba, waxaay  dhisaan xidhiidhka wadamada soo koraaya iyo kuwa horumaray. Labadan hay’adood aan midkasta  gaarkeeda u eegno.

  1. HAY’ADDA LACAGTA ADDUUNKA (International Monetary Fund – IMF)

IMF, waxa la asaasay kadib markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee adduunka, waxaay inta badan qabataa taakuuleeynta iyo dabagalka lacagaha adduunka qulqulaaya, isla markaa waxaay sameeysaa maamulista iyo indho-indhaaynta suuqyada lacagaha adduunka ee mid togan iyo mid taban ba.

Hayaddani waxaay qabataa saddex qodob oo aay u aragto: in dhaqaalaha  dunnidu wax lagaga bedeli karo sidoo kale  ku kobcaayaan dhaq-dhaqaaqa dhaqaale iyo jaangoonyn-tiisa, sadexdii qodob waa kuwan:

  • Dabagalka lacagaha adduunka la daabacay, ilaalinta iyo ka hortagga sixir bararka lacagaha ee ka jira gudaha  wadamada adduunka midkasta gaarkiis, sidoo kale in la ilaasho qiimaha lacagta aay soo daabacaan wadamada dunnidu iyadoo laga duulaayoo qiimaha kala bedelashada iyo jaantusaha u yaala dunnida(dahab ama doolar), waana hay’adda laga helo ogalaanshiyaha lacag samaysiga . Sidoo kale waxaay nidaamka iyo hanaanka u yaala Hayaddani ku tababartaa, dhamaan hogaamiyayaasha waddamada iyo shaqaalaha u qaabilsan maaliyadda waddankaas,  waxaay na xoojiyaan siyaasadda maamul ee dhaqan dhaqaale, si looga hortago dhaqaale buruburka ku iman kara gudaha waddankaas.
  • Dhanka kale IMF, waxaay adduunka siisaa amaah/daayn aay ku caawiso wadamada hoos u dhaca dhaqaale soo food-saaro iyo dib u dhaca dhanka horumarka, ujeed-kuna waxa weeyaan in la yareeyo faqriga,  kaaso laga cabsi qabo inuu saameeyn ku yeelan karo adduunka intiisa kale isla markaas  la sameeyo ka hortagga arimaha bani’aadamnimo ee ka dhici kara waddamada saboolka ah,  ama kuwa soo koraayaa.  Sidoo kale hay’adda IMF waxaay isu dheeli tirkaa ganacsiga adduunka.
  • Ugu dambaayn waxaay Hayaddani IMF, ka taageertaa dunida awoodda kor u qaadka iyo kaabista dhinacyada tababarada, agabka dhisidda hanaanka dhaqaalaha gaar ahaan dhinacyadan:
  • Dhaqaalaha (economy), in la tayeeyo xirfadleeyda ku foolan dhaaqaalaha si’aay iskood isugu taagaan una maamushaan nidaamkooda dhaqaale.
  • Raadsiga cilmi baadhista dhaaqalaha ku saabsan (research.
  • Ururinta xogaha la xidhiidha dhaqaalaha (statics).

Haya’adda IMF waxaay saxeexdaa  heshiis laba geesood ah oo ku dhisan nidaam daawli ah,  kasoo lagu fuliyo hanaan dawladnimo oo ku dhisan qaan/daaymeed, (lateral agreements) sidoo kale waxaay wadamada qaarkood ka caawisa qaadhaanka iyo caawimooyinka gaar-gaarka degdega ah.

  1. Hayadda horumarinta dunida –World Bank.

Hayaddani waxa la asaasay sanadkii 1948, sababta loo asaasay waxaay ahayd in lagu horumariyo dunidii uu sida xoogan u saameeyay dagaalkii labaad,  gaar ahaan EU- Yurub, waxaana inta badan laga fuliyay mashruucii la oran jiray (EU-marshal project) ee Waddanka Maraaykanku ku taageeray aduunkii sida xooggan u saameeyay dagaalkii labaad.

Hayaddan waxa hoos yimaada ugu yaraan shan haayadood oo kala duwan,  kuwaasoo qabta shaqooyin kala duwan,  waxa ugu horeeya:

  • The International Bank for Reconstruction and Development– Baanka dib u dhiska iyo horumarinta caalamiga ah: waaxdani waxaay u qaaybsantahay shaqada ah: daawladaha adduunka in laga taageero soo ururinta iyo maamulista dhanka  dakhliga kooban ee dhexmarayaa wax soo saarka iyo cashuuraadka,  si dhaqaaluhu iskii isu koriyo loona dhiso kaabayaasha dhaqaalaha, waxaay aad culaayska u saartaa inaay dabagasho ama warbixin kasoo ururiso sida aay u shaqeeyaan suuqyada waxsoo-saarka loona ogaado dhaliilaha ka jira, aakhirka na looga taageero tabashooyinka suuqyadaas, gaar ahaan in la sameeyoo nidaam hufnaan iyo isla xisaabtan leh.
  • The International Development Association- waaxdani waxaay qaabilsantahay taageerada wadamada dhaqaale ahaan hooseeya, taasoo aay toos u siiyaan dhaqaale iyo lacag bilaash ah.
  • The International Finance Corporation- Hayadani waa waaxda ugu balaadhan ee hayadda horumarinta dunida leedahay, waxaay si gaar ah ula shaqeeysaa ganacsiga gaarka loo leeyahay (private sector), sidaay sheegaan waxaay culaayska saaraysaa in la helo dhaqaale joogto ah dhinacyada maalgalinta, si laays kugu  dubba-riddo hantida caalamiga ah ee dunida taala,  iyo in dunida la siiyo taageero dhaqaale iyo mid taloba  dhinacyada ganacsiga, gaar ahaana wadamada soo koraayaa.
  • The Multilateral Investment Guarantee Agency- Hayaddan waxa si gaar ah loo sameeyay 1988kii, waxaana loogu talagay in lagu xoojiyo Lana dhiiri galiyo maalgashiga caalamiga ah ee wadamada kala duwan sameeynayaan ama wadamada horumaray maalgashtaan kuwa soo koraaya, loona dhimo awooda faqriga ee adduunka.
  • The International Centre for Settlement of Investment Disputes- hayadani waxaay ka shaqeeysaa inaay yareeyso ama xaliso khilaafaadka dhanka maalgalinta ee adduunka ka dhacaaya, lana dhimo dagaal hosaadyada maalgalintu keento.

Dhamaan shantaas hayadood ee kawada tirsan Hayadda horumarinta dunida waxaa logu talagalay inaay dhaqaalaha dunida ka qaayb ahaadaan.

Ugu dambaayn,  waddamada soo koraayaa waxa la gudboon inaay bartaan sidaay uga faa’iideeysan lahaaayeen unugyadaas/qaaybahaas kala duwan ee labadaas haayadood.

Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qoray Xasan Cabdi Shire:

Fulaynimada iyo dulqaadka!

Qabiilku waa wadaag caaymis ah dhanka gashiga, magta iyo guurka

Qofkasta oo dadaalaa maaha siyaasi ama hoggaamiye

Dunida xidhiidh-keeda waxa hagaya baahida dhaqaalaha!

Hambalyo ku socota dufcaddii sadexaad ee Maakhir University, Badhan

Qofkasta waxa uu leeyahay xuquuq iyo milgo dhaawrsan

Nidaamka hub-ka-dhigista, kala-daadinta iyo is-dhex-galka

Uddub-Xujo: Sheeko

Ma Dameer baa, mise waa libaax?

 Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q1aad

Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q2aad

Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q3aad

Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q1aad

Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q2aad

Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q3aad

Saxaafadda: Xor mise xaddid

Jaangoynta diblomaasiyadda

Jooji Cabashada, Iskaa wax u qabso!

Anaaniyaddu waa cudur dilaa ah

Imaamka Masaajidka

Qaarada cagaaran iyo xidhiid-ka cusub ee dunida horumartay

Daawlidnimada iyo xatooyada xoolaha dadwaaynaha

Waayo-aragnimo

Af qalaad

Doorka Sekaddu ku leedahay bulshada iyo dhaqaalaha

Awoodaha is kaaba

Ha rajo dhigin!

Guducur aan caddaba jirin: Siyaasiga maanta

Ciil-Qabe

Xasan Cabdi Shire