Boqorka Sucuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcaasiis ayaa safar bil qaadanay ugu kicitimay Eeshiya isagoo ku horreeyey Malayshiya haatana u socdaalay Indonesiya oo uu 9 maalmood joogi doono. Boqorka waxa safarka ku wehelinaya oo la socda 1500 oo qof.
Safarka boqor salmaan waxa indhaha caalamka si gaar ah u soo jiitay xaddiga alaabta uu sito oo ah 500 oo tan agab culayskoodu yahay nus-milyan kiiloogaraam. Boqorku wuxu ku horraynayaa magaalo-madaxda Jakarta oo lagu dejiyey alaab culayskeedu yahay 69 tan, kadibna wuxu u gudbayaa xeebta caanka ah ee lagu raaxaysto ee loo yaqaan Baalli, halkaas oo alaabta badankeeda lagu rogi doono.
Alaabaha uu Boqorku dayuuraddiisa ku soo rartay waxa ka mid ah laba gaadhi oo nooca ugu qaalisan dunida ee loo yaqaan Mercedes-Benz S600 iyo laba wiish oo kor iyo hoos loo raaci karo.
Magaalada Jakarta ayaa amnigeeda aad loo adkeeyey iyadoo dariiqyada la tubay 10,000 oo askari oo boolis ah.
Bandhige@gmail.com