Suxufiga ruug-caddaaga ah Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa maanta barta uu ku leeyahay Facebook ku daabacay faallo kooban oo uu kaga hadlayo xukuumadda Somaliland iyo beesha caalamka oo sida uu sheegay sii kala fogaanaya. Wuxuna qormadiisan kooban cinwaan uga dhigay “Musuqmaasuqii iyo Mudo-Kordhintii Oo Galaaftay Sanduuqii Horumarinta Somaliland”.
Yuusuf wuxu sheegay in Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo qaadhaan-bixiyeyaashu ku soo shubi lahaayeen 120 milyan oo Doollar ay qaadhaan-bixiyeyaashu joojinayaan sidoo kalena Somalialnd u bixiyeen naanaysta ah “Failed Democracy” oo macnaheedu yahay “Dimuqraadiyaddii fashilantay.”
Yuusuf wuxu sheegay haddii Guurtidu kordhiso wax ka badan 6-dii bilood ee lagu heshiiyey in ay beesha caalamka oo Somaliland dhinacyo door ah ka taageeraysay 25-kii sanno ee ugu dambeeyey ay diyaar u yihiin in ay Somaliland ugu yeedhaa maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya.
Qoraalka Yuusuf oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan:
Musuqmaasuqii iyo Mudo-Kordhintii Oo Galaaftay Sanduuqii Horumarinta Somaliland
$62 milyan ayey aheyd miisaaniyad sanadeedkii u dambaysay ee Sanduuqii Horumarinta Somaliland(SDF) ee ay maalgalin jireen Denmark,UK iyo Norway.Miisaaniyadda sanadkan qorshuhu wuxu ahaa in la laban laabo(124 milyan $).Sanduuqan waxa looga dan lahaa in xukuumadda Somaliland ay u adeegsato maalgalinta mashaariic horumarineed.Sanduuqii ma jirto lacag dambe oo lagu soo shubaya 2 sababood daraadood: (1)Musuqmaasuq(2) Mudo kordhinta iyo Cabudhinta Saxaafadda.
Dawladihii Somaliland taageeri jiray 25 kii sanadood ee u dambeeyey waxay haatan u yaqaanaan (Failed Democracy ama Dimuqraadiyaddi Fashilantay).Suxufi ajnabi ah oon dhawaan la kulmay wuxu ii sheegay inu soo maray safaaradii Ingiriiska ee Adis Ababa oo Somaliland-tii ay juhdiga badan galin jirtay sanka ka haysata.Meel fogba ha ka dayin. Waa markii labaad ee mudo sanad gudaheed ah uu madaxweynaha Somaliland booqasho ku tago UK ee aanay u suurtoobin inuu la kulmo cid ka tirsan dawladda Ingiriiska karaani yarna kol ay tahay.Hadii uu Saleebaan Gaal 6 bilood wax ka badan kordhiyana dawladihii Somaliland inay gooni tahay kaga gudbanaa beesha caalamka inteeda kale waxay maanta diyaar u yihiin in Somaliland loogu yeedho maamulgoboleed ka mid ah Somalia.
Bandhige@gmail.com