Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa shaaca ka qaaday inuu hawlo muhiim u ah qaranka Somaliland ka wado dalka Ingiriiska, isla markaana deelqaaf ku tilmaamay warar lagula xidhiidhiyey Soomaaliya, iyo kuwa loo jeediyey Madaxweynaha JSL, kulana taliyey dadka baahinaya inay ka xishoodaan.
Dr. Maxamed Cabdillahi oo ahaan jiray Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda, xilligana ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar dhowaanahan warbaahinta Soomaalidu ku sheegayeen inuu olole ugu jiro xil uu ka qabto Soomaaliya.
Weriye Maxamuud Walaaleeye oo Dr. Maxamed Cabdillahi kala xidhiidhay khadka telefoonka, kuna weydiiyey siduu u arko wararka ku xidhiidhiyey Soomaaliya ayaa yidhi:
“Waxaan joogaa dalka Ingiriiska oo aan hawlo shaqo u joogo hadda, waxanan dardar galinayaa hawlgalada xisbiga Kulmiye ee dibadda.”
Dr. Maxamed cabdillahi ayaa sheegay in wararka ku xidhiidhinaya Soomaaliya yihiin kuwo aan waxba ka jirin, waxaanu yidhi,
“Warkaasi la xidhiidha dawladda xamar waa kuwo aan waxba ka jirin oo ah dacaayad raqiis ah. Qolayaha wada waa la yaqaanaa, waxaanan leeyhay ka xishooda dadka baahinaya wararka adeelqaafka ah.”
Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed cabdillahi Cumar ayaa ugu baaqay dadka hadalada deel-qaafka u jeedinaya Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo, ka xishoodaan, isagoo sheegay in la garanayo dadkaasi, waxaanu yidhi:
“Wararka kale ee sheegee ee la xidhiidha in madaxwaynuhu Siilaanyo, waa war aan sal iyo baar lahayn, lana mid ah warka hore.”
Hadalka Dr. Maxamed Cabdillahi ayaa meesha ka saaraya warar dhowaanahan warbaahinta qaarkood ku faafinayeen inuu xilal uu ka qabto xukuumada Soomaaliya ololaheeda ku jiro.
Xigasho: Somalilandspan.com