Foolka xabiibkeedii ay Axaddii hore ugu danbaysay ayey is tidhaa suuree qaab kii uu u ekaa, way yara suurayn kari waydaa. waxa ay tidhaa: “caawa marka aad kulantaan ayaad si fiican u eeg, dareen keeda nafsaaniga ah ayey kuwada aadisaa intaa ay wada fadhiyaa si il-buusi leh ayey nateeda kula shawrtaa in ay caawa basar uga bogoto”, marak ay kal tagaan ee is macasalaameeyaan ee hal mitir lakala dhaqaajin ayaa suuradii wajigiisu si qunyarqunyar ah maankeeda uga libdhaa, kama daba cararii karto si mar labaad il kalgacal ugu eegto Il-mugeedna kasoo qaadato, xishood ayaa gala, samir caalwaa ayey caloosheeda galisaa.
Haday fikir iyo aragti durugsan noqoto, haday hilaad iyo ufiq sare noqoto, haday dabci iyo dareen noqoto, haday dulqaad iyo samir noqoto, haday toosnaan iyo taqwo noqoto, haday xishood iyo xayaa noqoto, haday hami iyo horrumar noqoto, haday maamuus iyo milgo noqoto, haday fool furan iyo faraxti noqoto, haday joog iyo jamaal noqoto, haday niyad wanaag iyo laab furnaan waafiya noqoto, haday karti iyo hufnaan shaqo noqoto, Rabbi ayaa guudkeed ku gangaamay, waa galad Eebbe cidda uu dhamiba intaa isku raacsho.
Dabci ahaan bar bilawgii nolosjeeda waxay abuur ahaan u dhalatay dhiiranaan adkaan walaw aad mooday kurayo, Marka ay hablaha aynigooda ahi ku yidhaahdaan: “hebaalo wiil ayey jeclaatay oo jacayl ayey la il darantahay, barigii hore waa la yaabi jirtay mukur iyo matalaad ayey u arki kirtay waligeed cimrigeeda cinda kumay qabay maalin ayaad jacayl ciil kugu gadhoodhin tin iyo cidhibna ku saaqi”.
dhibta shay marka uu ku taabato ayaad miir iyo masgax wayn u yeelataa, inta hore fakaag-masgaxeed kaagaba kuuguma jiraba.
Mar waxa ay ka fikirtaa dharkii kulanka ay xidhan lahay, shamdadeeda ayey gacanta galisa kolba mid ayey kor u qaadaa oo hadan galisaa hadan kor u qaadaa, botonka laga daaro inta ay is tidh daar shaw nalkuba waa maqan yahay, dabadeed daaha daaqada lasbtay daaqada furtay ayey falaadhaha casar jooga ah ee cadeda kana soo galaya jihada galbeed ayey ku eegtaa diraca bilicda leh ay Xabiibkeeda ay aadka u jeceshay ugu tagi lahayd habeenka Axadda ah ee uga ,udan ayaa,aha kale, iyada iyo nafteeda ayaa iska hor yimaad, kan iga daa, bal kawaran kan isaga? kann isaga Axaddi hore waa tii aad xidhatay ee uu ku lahaa labiskan aad ayaad ugu qurxoontahay ma kiibaad kunoqon? maya intaa nafteeda ayaa u hawaawi waramaysa.
Halkan hoose ka akhriso qormadii koowaad:
Ma la cuntay jidiin wali? Q1aad