Meel uu madaxweynaha Faransiisku ka khudbadaynayay ayaa waxa lagu dhaawacay laba qof

 

Mid ka mid ah booliiska shiishka ku takhasusay ee dalka Faransiiska ayaa xabbad ku dhaawacay labo ruux oo ku sugnaa meel uu khudbad ka jeedinayay madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande.

Askariga ayay xabaddu ka dhacday isaga oo saaran meel kore oo 100 mitir u jirta madaxweynaha isaga oo isku dayaya in uu aag badasho, xabadda ayaana labo ruux isku sii martay.

Dhaawaca labada ruux soo gaadhay ma aha mid halis ah.

Madaxweynaha ayaa khudbadda ka jeedinayay teendho laga dhisay magaalada Villognon,

Hollande ka hadlayay munaasabad lagu furayay goob tareen oo cusub markii uu xabbadda maqlay. waxoogaa ayuu hakiyay khudbadda, laakiin wararku waxay sheegayaan in uusan argagax dhicin, wuxuuna yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya:

“Waxaan filayaa in uusan dhib jirin”

Sidoo kale wuxuu weydiiyey dadka in ay jiraan cid waxyeelo soo gaadhay.

Madaxweynaha ayaa goor dambe booqday labadii ruux ee ku dhaawacmay xabadda oo kala ahaa ruux ka shaqeeya huteel deegaankaas ku yaalla iyo qof ka mid ahaa shaqaalaha shirkad dayactir ku samaysa tareennada.

Madaxa dawlad goboleedkaas ay xabbadu ka dhacday Pierre N’Gahane ayaa sheegay in la billaabay baadhitaan arrintaas ku saabsan.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in la waydiiyay in xabbadu kama ahayd wuxuuna yidhi:

“Haa, shakina kuma jiro taas.”

bandhige@gmail.com