Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye waxay ka digeen mudaharaadka Saldhigga Berbera ee Imaaraadka lagu diiddan yahay oo laga abaabulayo London

 

Haween-weynaha heer qaran, heer degmo iyo heer gobol ee xisbul-xaakimka Kulmiye, ayaa si adag uga digay mudaharaadka lagaga soo horjeedo mashruuca labada gole ansixiyeen ee dalka Imaaraadka saldhigga Militeri lagaga siiyey madaarka Berbera, kaas oo ay shakhsiyaad dano gaar ah lihi ka abaabulayaan safaaradda uu dalka Imaaraadku ku leeyahay magaalada London ee carriga Ingiriiska.

Shir jaraa’id oo ay haweenkani maanta ku qabteen Hoolka shirarka Cali-maarshaal ee xarunta guud ee xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayey shacabka reer Somaliland ugaga digeen inay wax lug ah ku yeeshaan mudaharaadka lagu diidan yahay saldhigga Imaaraadka laga siiyey magaalada Berbera, waxana ay diidmadaas ku sheegeen mid lagaga soo horjeedo horumarka dalka, isla markaana cadowga lagaga farxinayo.

Haweenku waxa ay si adag u dhaliileen shakhsiyaadka heeganka ugu jira ee korkacaya mudaharaadka maalinta berri ah safaaradda Imaaraadka ee London horteeda laga abaabulayo, iyaga oo ku adkaystay inaanay tallaabadaasi wax caqabad ah ku noqonaynin tallaabooyinka maalgashi ee dalka laga wado iyo abuuritaanka saaxiibada cusub ee ay Somaliland caalamka ku yeelanayso.
Xubnaha ugu sarreeya degmooyinka magaalada Hargeysa ee xisbiga Kulmiye iyo hoggaanka heer qaran oo dhammaantood halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah u cambaareeyey tallaabada liddiga ku ah horumarka ee lagu abaabulayo mudaharaadka diidmada ah, iyada oo madaxweynahana ku dhiirrigeliyey inuu sii wado horumarka iyo ibo-furka istaraatiijiyadaha waxqabad ee uu dalka ka wado.

Marwooyinkii halkaas ka hadlay, ayaa waxa kamid ahaa Xusni Maxamuud Warsame, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Kulmiye, Canab Muxumed Ismaaciil oo ah guddoomiyaha garabka haweenka ee degmada Ibraahim Koodbuur, guddoomiye-ku-xigeenka degmada Gacan libaax ee xisbiga KULMIYE Marwo Rooda Siciid Amarre, Guddoomiyaha Washinton ee xisbiga Kulmiye Marwo Nuura Axmed Waris iyo xubno kale oo badan oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa xubnaha Somaliland ku abtirsada ee mudaharaadkaas ku lugta leh ku sheegtay Calooshood u shaqaysteyaal aan danta qaranka wadin, waxana ay maamulka Xamar oo iyaguna dabada ka riixaya uga digeen inay kusii socdaan hagardaamada qaranka Somaliland.

Marwooyinkii kale ee halkaas ka hadlay, ayaa waxa kamid ahaa Marwo Samsam Maxamed Ibraahim, Xaliimo Xaaji Cabdi Nuur iyo Nimco Aadan Cabdilaahi oo dhammaantood katirsan xisbiga Kulmiye, ayaa mudaharaadkaas ku tilmaamay mid lagu diidan yahay horumarka dalka, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inuu madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu ku dhiirrado tallaabo kasta oo uu u arko inuu waddanku ku horumari karo.

Ugu dambayntii Marwo Canab Cumar Ileeye oo ah guddoomiyaha garabka haweenka ee heer qaran oo hadalka soo gunaanadday, ayaa nasiibdarro ku tilmaamay shakhsiyaadka reer Somaliland ee u hanqal taagaya mudaharaadka, waxana ay caddaysay in tallaabada wanaagsan ee taageerada u baahani tahay middii ay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranku hore u qaadeen ee ay maalgelinta Berbera ku oggolaadeen, waxana hadalladeedii kamid ahaa,

“Aad baan uga xumahay qolada weli quusan la wixii lasoo dhaafay hadal haya, kuwa Somaliland ku abtirsanaya ee tallaabooyinka cadowgu wado u dhololaya ee la dhacsanina waa u ayaandarro oo waanu cambaaraynaynaa ilaahayna waxanu uga baryeynaa inuu wanaagga garan siiyo, go’aankuna waa kii uu madaxweynaha iyo goleyaasha qaranku gaadheen oo ah midka ay danta umaddu ku dhacdo.”

bandhige@gmail.com