Hebel xiniinyo ayaa shidaya!” ayaa la yidhaahdaa marka la arko wiil dhimbiilo ka duulayaan.
Sharmarke Xagaa-dheere se waxa uu ahaa ilbax ka faano horreeya Soomaalidii uu la noolaa horraantii qarnigii 20aad.
Ina xagaa-dheere waxa uu ahaa abbaanduule kibraanni ah. Xoolo badan, dumar badan iyo ubad wiilal u badanna Alle ayaa ugu deeqay.
Beri dembena waxa uu caaqil u noqday jilibkiisa xilligii Somaliland Ingiriisku caaqillada shaqaalaysiiyey.
Gebiley dusheeda ayuu safar xoolo iyo subag wata ka kaxeeyey si ay uga soo magaalaystaan magaalo xeebeedda Bullaxaar oo berifaas ahayd bender cammiran.
Markii safarku magaalada sii gelayey ayuu Sharnarke meel kayn ah kaga leexday oo dhulka inta uu qoday wax ku aasay, iyada oo raggii safarka la wadeyna sheedda ka arkaan.
Magaaladii markii ay galeen ee safar suuqa geeyeen ayaa niman dillaaliin ahi subaggii ubbooyinka ku jirey ku nashqac baadheen go’yaal cadcad oo ay soo miiqeen ama dhuubeen si afka ubbooyinka u galaan.
Go’ kastaa waxa uu ubbo kasta ka soo qaaday subag badan.
Sharmarke oo ahaa abbaanduulaha safrayaasha iyo raggiisiiba way arkaan khiyaanadaas caddaanka ah. Dan se laga ma gelin oo wixii laga siistay bay iska iimaansadeen, Ina Xagaa-dheerana ishaa lagu gubey kolkii uu dillaaliinta u juuqi waayey.
Dib looga laabey Bullaxaar. Halkii uu maalintii hore ku weecday ayuu mar kale Sharmarke ku leexday. Wuu qodqoday oo wax buu ka soo saaray iyada oo raggi safarka la wadey haddana sheedda ka arkaan!
Markii uu u yimid ayay ku yidhaahdeen “halkaas shalayto iyo maantaba waad ku leexatayoo dhulkaad qodqoddaye, maxaa dhacay?!
Ku yeh “magaalo xiniinyahaaga la la ma tago!” Halkaas waxa aan shalay ku sii aastay xiniinyahagii oo iyagii baan haddertana kala soo baxayey. Haddii aan xiniinyaha sidan lahaa miyaynu reer Bullaxaar kala bixi lahayn, saw iskuma aynu rogmanneen!
Adduun Caaryaale! Ma ninkaas ayaan ilbax ahayn? Ma magaalaa la isu waalwaalaa, saw kaa saa’id calayn mayso?!
Sharmaarke Xagaa-dheere waxa uu lahaa halqabsiyo badan oo xigmadi ka buuxdo.