Shaybaadhka Wadaniga soomaaliyeed (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Aduunyadda aynu ku noolahay gebigeedda marka koone walba lagaga soo wareego , qayb kasta umadda ku nooli waxay leedahay waxyaabo ay qiimayso oo aan xageed lagga marin kuwaasoo afka shisheeye laggu yidhaahdo ( Values).

Dadyowga Aduunka ku noola waxaa ka mida kuwa u nool nidaamka qabaa’ilka sidda Soomaalida , Carabta , Shiinaha Afqaanistaan iyo meelo kale.

Hadaba , dadyowgaas qabaa’ilka ahi waxay taariikhiyin ahaan jireen kuwo ay inta badan iska horyimaadaan maamuladii Aduunka soo maray , inta badana waxaa adkaan jirey qabaa’ilka siddii Rooma ay qabaa’ilkii Jarmalku u burburiyeen oo kale.

Sababta Qabaa’ilku u guulaystaan isagoo Kitaakiisa loo yaqaano Al-Muqadimaha kagga hadlaya Ibnu Khalduun wuxuu yidhi ” Qabaa’ilku waxay leeyihiin xidhiidh adag oo ka dhaxeeya oo la yidhaahdo Casabiyad (group solidarity) , Casabiyadaas ayaana guusha u horseedda ”.

Nuxurka qoraalkan aynu kusoo noqonee , Umaddahaas qabaa’ilka marka la qiimaynayo heerkooda daacadnimo waxaa laggu shaybaadhaa dareenkooda qabiilnimo , hadii qofka ka dhashay umadahaas qabaa’ilka ihi yahay mid qabiiliya , shaqooyinka kale ee uu qabtana wuxuu ku noqdaa mid kusoo baxa , hadiise aan qiyamkiisa qabiilku adkayn shaqooyinka kalena kama soo baxo.

Waana sababta Bulshadii Carbeed markii Nebiga ay waydiiyeen siday u kala khiyaarsanyihiin , uu ugu yidhi ” siddii aad jaahilyadii u kala khiyaarsanaydeen ayaa Islaan nimadana ugu kala khiyaarsantihiin ”.

Sharaxa arrintaasina wuxu noqonayaa , qabaa’ilku wuxuu ka siman yahay , Qab , isla wayni , Amaan jacayl , is dhawris iyo daacadnimo wayn ( Higher loyali)ty ).

Intaa hadii aynu isla fahanay , Xisaabtaada ku darso , sababaha aan Yemen iyo Afganistan aan weligood loo gumaysani in ay tahay , Qabiilka oo aqbali waayey gumaysi.

Dhinaca Soomaalidda , Beelaha reer guuraaga ah , ayaa ugu qabyaalad badan , kuwaas ayaanay u badnaayeen , Hogaamiyeyaashii SYL iyo Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed , iyo Daraawiishtii ina Cabdle Xasan ,sababtuna waxay ahayd , aaminsanaantii qabiil ayuun baa loo balaadhiyey oo loogu badlay Qaranimo, iyadoo Astaana looga dhigay Hashii Maandeeq ee ay yaqaaneen.

Sidaa markay tahay , shaybaadhka Soomaaligga laggu shaybaadho karro , heerkiisa Wadaniyadeed , ama Aragtiyeed waa Qabiilka , hadii maxsuulkiisa kasoo baxaa yahay mid positive ah , waa posative , hadii uu Negative yahayna waa Negative , Maxaa yeelay Soomaaliggu arrinta ugu saraysa ee uu daacad u yahayba waa Qabiilka , qofka Soomaaliyeed ee aan qabyaaladiisu sax ahaynina wax kalena daacad u noqon maayo.