Sheekaddii Ninka Reer Laascaanood iyo Abtiyaashii Reer Hargeysa (WQ: Jamaal Cali Xuseen)

Xilligii sideetamaadkii ayaa waxaa jiray nin asal ahaan ka soo jeedda magaaladda Laascaanood oo ku dhashay kuna soo barbaaray magaaladda Hargeysa. Wuxuu ahaa shaqaale dawladeed oo inta badan galabtii kolkuu qayilayo wuxuu la fadhiisan jiray abtiyaashii oo reer Hargeysa ahaa oo iyagu majlis ay ku wada qayilaan isugu iman jiray gelinka danbe xilliga shaqooyinka laga soo rawaxo. Berigaa Kookaha (Cocacola) qabow ayaa lagu qayili jiray oo waxaabay u ahayd sune muqayiliinta. Markuu abtiyaashii u yimaado ayeey dukaan u dhow oo Talaagad ama qaboojiye leh ayeey Kokakole qabow uga soo iibin jireen. Berigaa Hargeysa xataa warshaddii Pepsiguna way ku taalay magaaladda Hargeysa oo labadabba Pepsi iyo Cocacola waa lagu cabi jiray. Maalintii danbe ayaa qolooyin kale oo ay isku reer Laascaanood ahaayeen la kaftameen oo ay ku yidhaahdeen waar dee imika abtiyaashaa ma soo dhaaftid oo qolooyinkan reer Hargeysa ee abtiga kuu ah uun baad la fadhiisataa, waar nacasyahow tolka soo dhex gal oo la fadhiiso oo noo kaalay.

 

Maalintii danbe ayuu bilaabayaa inuu la fadhiisto qolooyinkii ay Tolka ahaayeen oo uu abtiyaashii reer Hargeysa u jarayaa. Sidii berigaasi caadadda ahayd Kookihii lagu qayli jiray ayeey qolooyinkii Tolkuna u keenayaan. Laakiin dukaanka u dhow qolooyinkan Tolka u ah waa mid aan Talaagad ama qaboojiye lahayn oo Kokakola kulul ayeey u keeneen ninkii. Wuxuu ninkii reer Laascaanood muddo iskaga adkaysto Kokakolahaa kulul ee reer Tolkii siinayeen dhinacna ka tebayey Kokakoolahii qaboobaa ee abtiyaashii siin jireen, ayuu maalin danbe u tegayaa abtiyaashiisii uu la fadhiisan jiray. Halkii bay abtiyaashii xoog u soo dhaweeynayaan oo sidii caadadda u ahayd ayeey Kokakoolihii qaboobaa u keenayaan. Intuu xabad qaboow oo Kookakola ah isku qabtay ayuu cabaar qudhqudhinayaa kolkaasuu intuu hareeraha eegay oo afka masaxday odhanayaa “Aaax aax abtiyaal Alla qabyaaladdu kululaa!!!”. Imika ma systemkaa qaldan mise qabyaaladdu kululaa baynu maraynaa. Alla maxaa masaakiin lasyku diray.