Sheekho gaaban: Mucjisaddii Maxaabiista ( WQ: Ahmed Nur Guruje)

Sanadihii 1976 ilaa 1981 waxaa jirey dagaalo kala danbeeyey oo dhex maray dawladihii Soomaaliya iyo Itoobiya , kuwaasoo wejiyo kala duwan lahaa.

Dagaaladaas oo kala ahaa kuwii Soomaaliya ku qaaday dhulkii loo yaqaanay Soomaali galbeed iyo kuwii Itoobiya kusoo qaaday xuduudka Gobolka Mudug gaar ahaan degmooyinka Gal-dogob iyo Balan-bale ayaa waxa dhacay in labada dhinac ku kala qabsadeen maxaabiis fara badan.

Hadaba sanadii 1988 markii labadii Madaxwayne ee Maxamed Siyaad iyo Mingiste heshiiyeen waxay isku af garteen in maxaabiista la isu celiyo , ka dibna maxaabiista isu celinteedoo oo ay gadh-wadeen ka tahay haayadda Bisha casi ayaa la bilaabay.

Markii hadaba la tagay Ethopia ee maxaabiistii Soomaalidda lagga hayay lasoo saaray , ee loo sheegay waxa ka dhacay Wadankii Soomaaliya , waxaa dhacday in Maxaabiis badan ay codsadeen in aanay Soomaaliya laggu celin , kuwaasoo qaarkood ku biireen jabhadii Snm , halka kuwo kalena wadamo kale codsadeen.

In Askari 1977 la qabtay isagoo Soomaaliya u dagaalamaya , muddo ka badan 10 sanno u xidhnaa uu diido in laggu celiyo wadankii uu u dagaalamayay , waa waqac sugan , waxaana sheekadan inala wadaagay Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ahaa sarkaal ka tirsan Haayadda Bisha cas ee hawshan u xilsaarayd.

Markay sidaa tahay , Soomaaliddu uma baahna qiiro iyo hadba qoom lasoo kaca laab-la kac horle , waxaase loo baahan yahay in si degen oo xikmadle loo wado oo aan la rays dardarin , waayo waxa meesha yaala waa burbur soo taxnaa in ka badan 60 sanadood , kaasoo aan u baahan in la daweeyo damaqashadana lagga dhawro .