Sheeko: Cudur-daar Dil, si aad himiladaada u gaadho (WQ: Shabcaan Muxumed Xasan)

XIGASHO; BUUGA “HIMILADAADA HANO”
Dr: Camilo Cruz buugiisa la yiraahdo “ Once Upon a cow”. Waxa jirey nin xigmad badan oo dadku talo iyo tacliinba u doontaan. Wiil dhalinyaro ah ayaa u yimi oo wuxuu weydiistay xigmad waxtar u leh si uu wax qabsado aduun iyo aakhiroba. Xigmad badane wuxuu ka hubiyey wiilka in rabitaankiisa xigmadu dhab ka yahay, markaas ka dib ayuu wuxuu la galay socdaal kuna yiri, “Anaa ku tusaya waxa xigmaddu tahay”. Maalin la socoy oo maalin labaad la socoy oo tuullooyin badan la mar.

Ka dib, markii muddo la soconayay ayuu ninkii Xigmad badane wiilkii u sheegay in uu raadinayo reerka ugu saboolsan tuulada ay marayaan. Muddo kadib, ayay arkeen gurri doqosh ah oo aan mudulna ahayn cariishna ahayn oo aad u baaba’san. Waxaa guriga banaankiisa ku xiran Sac reerku leeyahay. Reerku waxay ka koobnaayeen sideed qof, sideedaas qofna waxay dhamaantood ka shaqeeyaan Sacaas. Mid lisa, mid caws u dhiga, mid daajiya, mid moorada (xerradda) u ooda iyo mid daryeelkiisa kale u qaabilsanba.

Xigmad badane wuxuu wiilkii yaraa ku yiri “Caawa reerkan baan la baryaynaa”.
Reerkii waa soo dhaweeyeen martida u timi iyaga oo ka cudurdaartay in sacaas caanihiisa maahee aysan wax kale hayn. Wixii ay haysteen ayayna la wadaageen. Xigmad Badane wuxuu reerka u sheegay in ay guure-socon doonaan (gudoodi-socod) socod dheerna sugayo waana nabdeeyey reerka maadama aysan is arkayn subaxdii. Intaan qofna kicin ayuu kacay wuxuuna ku leexday mooradii (xerraddii) markaasuu intuu billaawe la soo baxay sacii gawracay.

Wiilkii ayaa qaylyay oo yiri, “ Saca kaliya ayaa reerku leeyahay ee side uga dili kartaa?”. Xigmad badane qaylada wiilka dheg-jalaq uma siin ee hawshiisa ayuu watay. Markaas ka dib ayay sanqar la’aan guura-socodkoodii (gudoodi-socodkoodii) ku sii wadeen.

Hal sano ka dib ayaa Xigmad badane wiilkii wuxu ku yiri innakeen waa soconaynaaye. Waxay yimaadeen tuuladii uu saca reerka kaga dilay. Marka ay yimaadeen ayaa wiilkii garan waayey gurigii in kasta oo goobtu tahay meeshii uuku ogaa guriga doqoshka ahaa. Waxaa beddelay guri cusub oo dhagax ka dhisan waxaana ku horyaal beer aad u ballaaran oo dadka joogaa ay mashquul ku yihiin in qof waliba hawl gacanta ku hayo. Gurigii ayay yimaadeen.

Waa la is gartey oo la is waraystay.
Reerkii waxay u sheegeen wiilka iyo Xigmad Badane in habeenkii ay ka tageen subaxdeedii mid inkaar qabaa uu sacii ka gawracay. In ay maalmo barooranayeen deriskuna u soo gurmaday. Tacsidaa ka dib, in ay garawsadeen in ay beer tabcadaan maadaama ay qoys ballaaran yihiin, abuurkiina waa dayn qaateen. Xilligii ugu horeeyey markii beertii u soo go’day waxay bixiyeen wixii deyn lagu lahaa.

Waxay iib geeyeen wixii u haray ka dib markii ay la hareen abuur iyo soor xilliga dambe ku sugaan. Xilligii labaad beertii waxaa ka soo go’ay miro fara-badan waayo waxay beerta u yeesheen khibrad waana ballaariyeen.

Badeecaddii ay iib geeyeen waxay ka dhiseen gurigan dhagaxa ah hadana waxay qorsheynayaan in ay soo gataan lo’ badan si ay caanaha uga ganacsadaan. Waxay yiraahdeen, “Inkasta oo markii hore aanu aad ugu barooranay saca, hadana waagii dambe waxaanu ogaanay waxa horumarka noo diidayba inuu ahaa saca kaliya oo aanu ku mashquulay”. Markaas ka dib, Xigmad Badane wuxuu wiilka ku yiri, “ Xigmadda nolosha lagu horumaraa waa adigoo sacaaga dila. Qof waliba waxa uu leeyahay sac ka horjooga inuu himiladiisa gaaro, gaarina maysid himiladaada ilaa aad sacaaga disho”.

Nuxurka sheekadu waa in qof kasta oo nooli leeyahay wax cudurdaar ka dhigto marka aanu hawshii sidii ku haboonayd u qabsan.