Sheeko: Curadkaagii Shilin Buu Liqay! (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Gabadh waxbaratay oo jaamacadaha dalka ka baxday, ayaa nolosha la wadaagtay wiil gayaankeeda ah oo qurbe joog ah, meher iyo daddab-gal kaddib nin kii uu noqday. ย Fasaxii ayaa ku adkaaday, ku dhowaad shan sanno ayuu maqnaa xaaskiina way cidlootay oo xaajigeedii u boholyowday. ย Hase yeeshee, codsigeeda ah; inuu yimaaddo “dhag-jalaq u masiin,” way fikirtay oo qorshe ayay keentay kaasi oo ah, in ay tidhaa: wiilkii kaliyaata ee adduunka kuu joogay shilin buu liqay oo cunaha u taagan, dhakhaatiirtiina waxay tidhi waa qalliin culus ilaa aabbihii yimaad na suurto-galimayso.”

 

Gabadhii warqad xambaarsan tiiraanyo iyo dhiillo ayay saygeedii ugu dirtay boosta, shirkaddii ayuu warqaddii u geeyay, fasax iyo lacag ayaa la iskugu daray dag dag ah, soo dhoof gurigiisii markii uu soo gaadhay, ayuu ku yidhi; wiilkii iiga warran?! Intay aayar gacanta qabatay shandaddiina guriga u dhigtay ayay tidhi: “WAAR KU YAR NA SHILIN MA LIQINE ANNAGAA MID IYO LABA BA LIQNAY!.”

 

FG: Ugu dambayn ย waxa aan ku talin lahaa gabdhuhuna in aan shishlaanta liqin, raggooduna in ay dumarka u yimaaddaan ย inta aanay shilimaanta liqin!