Sheeko fanneed: Gaal-daranyoobay (WQ: Axmed Ismaaciil Ducaale “Axmed Rasiin”)

Guhaad waa kuray dabo dhoon ka ah xero geel ah oo aabihii uga tagay kal hore oo xaqii Eebbe ku oofsaday deegaanka Gargooray , โ€œGargoorey waa deegaan dhaca wooqooyi galbeed gobalka Awdalโ€. Nolosha xoolo jirnimadda iyo naxariis daradda looga bartay geel jiraha dhallaanka ficiisa ah, Rabbi waa ka nasahay guhaad. ย Tan iyo af-barashadiisii waxa u ku loofarey barashadda diinka iyo qurโ€™aanka, kitaab yar oo baal case ah oo qiiqa ku baxaya dhigaha la sudhayo uu casaan ย iyo mugdi kale ugu sii darray ayuu maallintii oo dhan daba sitaa geella u daajinayo dooxyadda iyo gebbiyada gargoorey. Deeganku malahayn culimmo waawayn oo cilmiga laga qaato, marka lagga reebo dubbad oo kutub dhawr ah oo uu ka mid yahay kitaabka mawliidku ย dusha ka qabtay akhriska iyo subciska faraha badan ee munaasibadaha ducadda, dabbiibka, mawliidka iyo siyaaro dhigga uu hogaanka iyo muruudkaba uga yahay deegaanka awgii. Markii uu guhaad guntaday cilmiga ibbo furka ugu noqday barashadda diinka ee uu ka qaatay dubbad waxa ku abuurmay hammuum iyo hansarre oo uu ku baadi goobayo ka biyo gaadhista hilaaca diinneed ee u baxaya.

 

Guhaad waxa uu u hayaamay magaaladda Herar oo saldhig diimmeed u ahayd dhallinyaro badan oo xerrow ah kana soo boqooley meelaha muslimiinta geeska Afrika degan tahay oo ay ka mid tahay deegaanada soomaalidu. Subixii uu ka baxayey gargooray hooyadii dhilan oo ahayd dhaabeel ilaahay u dhalliyey hawlkarnimo iyo ad adayg laguna naanaysi jiray kabboraglay ayaa sahay iyo subraar uga dhigtay joog muqmad( oodkac) ah oo ay wan gallaalan oo 3 jir ah hillibkiisa ka samaysay, joog subag ย ah oo karrantii hore xoolihii dhalay caanahooda ay ka saartay, darmo ka samaysan saan loโ€™aad, xidhmo asal ah, waysaddii uu waddaadkeedu ka dhintay, tusbax dheer oo uu xajadda uga keenay aabaheed Nadiif oo ka gudbay kannaalka suways dhallaanimadeedii, fandhaal iyo jabcad laga qoray geedo ย dhebi iyo barde ย ah, ย tallo waalid iyo ย tabbo nololleedba way iskugu dartay. Cagta waxa ย uu kusii daray rag ay ka mid yihiin kalliil iyo guurre oo muur ku daabuli jiray cusbo laga keenay toqoshi una iibgeyn jiray herar iyo dhulkasii fog fog ba.

 

Intii guhaad ku maqnaa raacashada diinka jawigga guud ee gargooray waa is badalay, deegaanka magac rag mooyee waxgaradkii, guurtidii iyo geeddo yaqaankiiba ย waa hoyatay, kaalintoodii waxa baneeyay oo aad loo tabay rag uu ka mid yahay qurโ€™aan ruuggii dubbad kabadhe ahaa, haybe oo ahaa hoggaanka gollaha xeer beegtidda gargooray, ceelaabe oo ahaa gabyaa iyo murtiyaqaan afmaal ah oo caan ka ah gargooray iyo nawaaxigeedda, tarax oo takhasus rabbaani ah u lahaa daawaynta ย kabka dadka iyo xoolaha, bahallo qanniinka, simbiidhka, geed saraha, gubka xididadda, iyo daawo dhireedka lagula tacaali jiray jeermisyada gudaha jidhka gala. Haweenkii lagaga kaaftoomi jiray samaynta kabadda, rarrada, xadhkaha, haylaanka, cullida dhiilaha iyo hawl dumareedkii oo dhanba waxa ka nool suubban oo cimrigeeddu cagaha saaray siddeetan(80), arag haggaagsan iyo indhona aan haynin. Masiibada ku habsatay foolaadka deegaanka waxa u dheer abaaro rabaani ah iyo cudurro uu ka mid yahay sombab oo xoolihii dhaafiyey. Waa halkii abwaan Cali Jaamace.

Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama’ la’aantayda.

Goggoshaan ku jiifsaday hurdadda goodkii igu yaacay.

Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey.

Dar guryii ka yimi baa war baas iila soo galaye

Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene

Goblamooyin waxay ii wadeen guuldarriyo hooge.

Gabbal baa u dumey reerihii geliga Booc yiille.

 

Gabbal iyo habeen ayaa u galay gargooray, waayo arragii, farsamo yaqaankii, dubbigii iyo weligii diinyaqaanka ahaaba waa galbadeen. Masiibooyin rabaani ahna way ugu biireen, dhallaan badan iyo bilisyo baylahsanaaba hebed ayey u noqdeen indho beelka bulshadda ku dhacay iyo awoodaha rabbi ee kala haadiyey waayeelkii gollaha ku kala warqaadan jiray, haweenkii kebadda ku heesi jirey iyo doobabkii iyo gashaantimihii heeladda guuraha usoo galli jirey goor la seexday.

 

Guhaad wuu iskala qabsaday nolosha herar, wuu la qabsane, marka horeba duruufo adag iyo nolol baadiye oo ay u dheertahay markii uu socodka adkeeyay xoollo raacid uu ku soo Korey waaba imika oo fadhi iyo nolol magaalo oo ay u dheer tahay kutub raacasho uu ku jirro. Usii ceellalyowgii, waraabintii, daajintii, doon doonkii hallahii ambaday, seetayntii, soomaalistii iyo golle u hurudkii geela waxa u badeley lugo laabasho meel hadhac wayn leh, barashadda fiqiga iyo axkaamta kale ee diinta iyo tafsiirka qurโ€™aanka. Dhawr gu oo uu ku jiray nolosha xerrownimada ka dib, waa bogey barashadii diinka oo ka cilmi qaatay wadaad oromo ahaa oo caan ka ahaa herar laguna magaaci jirey Abdii.

 

Waxa uu u soo boqoolay deegaankii gargooray, waxa raacay suufi kale oo ay edeg wadaag ahaayeen mudadii lagu jirey barashadda diinka. Ujeedka safarka labada suufi waa in guhaad ku nagaado gargoorey sigadna horey usii waddo qaalin geela oo ka hadhay abaarihii ku dhuftay gargooray oo mudaba ay baxnaaninaysay kaboragley hiyigana ku haysay maalinta wadaadka yari soo guryo noqdo in abaal gud loo siiyo waddaadka wayn ee tacabka diimmeed geliyey guhaad. Markii sitimaan si fiican loo sooryeeyey wadaaddada cabqariyiinta ah ee xerrownimadda ku maskax guurey, subaxii xigayba sigad waa ambabaxay isagoo eryaya qaalliintii abaal gudka loogu tallo gallay. Imaanshaha gargoorey ee guhaad loogama horaynba. Dhulkii waa barwaaqoobey, beelihii waa tarmeen, is halleel waagii iyo ambadkii waa laga baxay. Waxa u yimid suufi ay markii danbe ula baxeen reer gargooray โ€˜weli Eebbe noogu deeqayโ€™.

Kabboraglay(waa dhilane) marka horeba geesinimada ku jirtay u dhalasho ayey ahayd, maadama ย wadaadkii yaraa soo laabtay, indhuhuna kusoo daaleen kitaab raacasho, waxa ay maanka ku haysaa si uu maan iyo muuq ahaanba u dego xerowgani , iyada lafteeda oo cimrina hayo itaalna yaraysay ay u baahan tahay bilis afo u noqota xerowga iyadana ciidan iyo caawiyeba u noqota in ay u hesho guhaad. Gashaantimaha gargoorey jooga waa wada taqaan gabadhkastaba waxa ay gasho iyo waxa ay guddo, garasho ahaan, hawlkarnimo,qurux, akhlaaq iyo mansabba.

 

Dayaxo qayaad oo maalmahaas xiisad ay abuurtay gabadhnimadeedu ka taagnay gargooray ayey kabboragleyna kusoo biirtay damaca hanashadda dayaxo. Doobabkii gargooray ayaa labbaba dhan is ku haystaan, Tarax iyo Quulle waxay ka gaadhay in ay is kula billaawe baxaan, Canlaad iyo weyrax saddex gu ayaa gartoodu taaley, Bayle laftiisu ma shiddo yarayn, waa kii soo qadimey xayn is kugu jirta Adhi iyo Lo uu ku sheegay yaradkii dayaxo. Midkastiba anaa heellada ka tuman oo hannan ayuu ka kale ku qaniinay. Kabboragley oo aan dareensiinayn wadaadka yar kaalinta aabonimo ku bannaan ayaa goor galab gaaban ah qayaad oo shiniyeynaya qooddi arabikhi ah oo ku yaalay duuleedka reerka dul baxday. Salaan iyo bariido ka dib, waxay u daadagtay muraadka wadda wakhtigan gabbalku sii dhacayo. Hadal Alle kuma dhibine waxay si xirfadaysan uga dhaadhicisay in dayaxo loo guuriyo wadaadka yar ee agoonka ah, iyadoo dhawr astaammood oo dhalinta kale kaga haboon yahay ka sheegtay meesha, lashaanshaha cilmi diimeed, wadaadka oo ahaa maddi, afgaabni iyo dayaxo iyo guhaad oo ahaa ilmaadeertii afaraad. Qayaad waa ku raacay dalabka dhilan soo jeedisay. Dayaxo oo qurux iyo caddaan loo yidhi dayaxo, sidaas ayey ku noqotay ooridii guhaad, xiisaddii colaadeed ee deegaankunna ku damtay.

Fiiro gaar ah: ismalaha magacyada jilayaasha iyo deegaan nololeedka jilayaasha sheekadu, waxaan ku saleeyay dookhayga shakhsiga ah.

W/Q: Axmed ismaaciil ducaale ( axmed rasiin)