Sheeko gaaban: Dhuljiif iyo Maayir (WQ: Khadar Faarax Siciid)

 

Dhuljiif dhagarqabe ah ayaa jid irmaan oo uu saqdambeedka ka qawlaysan jiray dhiniciisa dhabbacanayay. Mindi isku daabanna kilkilada hoosteeda ayuu ku haystay. Mindida ciddii u soo gacan gasha ayuu ku baqegeliyaa, kuwa baraqnuglaan waayana wuu dardaraa! Nin higaagan (cayilsan) oo maryo qurxoon ku hooshaaraya ayaa hadda ku soo aaddan, aagga oo dhamina waa dhaag oo sanku neefle kale oo soconayaa ma muuqdo.

dhuljiifkii Inta uu is uruuriyay oo mindidiisiina soo dhowaystay ayuu damal jidka qarkiisa ku yaalla isku loohay, oo Baraadlaawihii buurnaa oo soo dhowaanaya dhawray! Wuxuu soo socdoba geedkii dhuljiifku foodsaaraysanay markii uu hal tallaabo uun dhanka bari ka xigay ayuu ku soo haaday oo qadaadka darayo ka soo sudhay, mindidiina dhuunta ka saaray.

“Allaylehe caawa ayuun baan haagay! Allaylehe caawa ayuun baan haagay!” isaga oo ku celcelliyaa ayuu ninkii cuslaa cabbaar kolba dhan u dudduucyay. mindidiina cunaha iyo kalxamaha kaga xagxagay. Dabadeedna ku yidhi “Xaaji xaydhow, baruurtaada iyo lebbiskaaga ayaa mar horeba iiga warramay inaad xoolalay tahaye, caawa, hantidaadii wixii aad ka sidato isku furo”.

“Aaaa…aaa, Waar miyaanad i garanaynin…waar mindida…waar mindida…” ninkii kediska lagu qabtay ayay naxdintii ka yeedhsiisay.

“Garashadaadaba ma danaynayo e, hantidaadii wixii aad ka hayso isku furo ayaan ku idhi. Haddii kale dee aan hanaqa ku gooyo oo amalydaa wadnaha kaaga arooriyo” dhuljiifkii oo kax iska dhigaya ayaa ku celiyay.

“Waar miyarka beele dhagarqabe yahow, maayirkii magaalada inaan ahay miyaanad ogayn! Bi’waaye qabiidyohow, dadka  xasaanadda sita sidaa looma xafuujiyo e, iga xishood oo xuurtadana iga sii daa, mindidan aad igu xaagxagtayna ha igu dooxine iga daa! Belaayo kugu habsataye!” la haystihii ayaa u sheegay qawlaystihii.

Dareenkii dhuljiifka ayaa dorsoomay! Habaarka iyo maagga iyo canjarafaynta ninkani isugu darayna wuu u qaadanwaayay! Kadibna xuurtadii iyo amlaydii uu dhuunta kaga hayayba inta uu ka sii daayay oo qummaati usoo horjoogsaday ayuu ku yidhi “ Adigu, miyirka iyo maankaba beel oo masiibooyin xidhiidh ahi kugu habsade e, haddaan dhagarqabe ahay saw adigu igama sii dhagarqabnimo badnid? Haddaynu laba dhuljiif nahay oo weliba adigu aad iga sii orogbsantahay maxaad fal aynu wadaagno iigu canaanan! Hororyohow, hanti aad leedahay oo aad isku furato ba mahaysatide, bal tii ummaddaba isku furo oo wax aan berri suuqa iskaga celiyo iga sii”

Maayirkii oo dhidid iyo naqas buurbuurani kasoo booday ayaa jeebka gacanta geliyay oo kuus  lacag ah oo goordhowayd qolo ku laaluushtay midigta ka saaray.

Labadii dhagarqabena halkiibay ku kala dhaqaaqeen.

 

WQ: Khadar Faarax Siciid