Sheeko Iyo Qiso Xanuun Badan ,Hayb-Sooc Iyo Jacayl (WQ: Mustafe Axmed Maxamed Geeddi)

 

Waa salaad hore waxaa caado u ahayd guleed in uu  salaada subax jamac  ku soo tukado masaajidka ,si uu  ugu jarmaaaddo shaqadiisa uguna diyaar garoobo in uu aado meherrad yar oo uu ku dhex leeyahay magaalada Burco, aabbihiis Muuse dhawr sanno ka hor ayuu xijaabtay ama dhintay waa agoon reer currad u ah waana qofka kaliya ee ay ku tiirsanyihiin qoyskiisu oo laga suggaayo wixii dhariga lagu ridi lahaa maalintaas dhariga. adduun kale malaha oo waxa uu ka dhashay qoys iska danyar ah oo maal adduun ka madhan mood iyo nool ” ciddina uma maqna ceelna uma qodna”. Waxaa ka yar oo uu la dhashay walaalihiis Sucaad,Sakariyo iyo Xamse oo ugu yar caruurtooda, hooyo Caasho hadda waa qof isk waayeel ah, waase waalidka hagga ee hoggaamiya Guleed iyo qoyska, si qoysku u gaadho isku filaansho, u jeedka kowaad ee Guleed waa inuu u daryeelo hoyadiis iyo walaalihiis ka yar yar uuna koriyo, waxna uu baro oo iskuul ayay dhigtaan dugsiga hoose/dhexe.

Maaalintu waa khamiis ,saacadduna waa toddobadii subaxnimo, sannadkuna waa 2016 -kii  waa maalin uu jawigu aad u qurux baddanyahay, cirka waxaa daboolay daruuro oo qariyay dhammaan midka buluuga ah ee cirka iyo qoraxdii oo aan muuqeeda daaye, aan iftiinkeedu muuqan maalintan. waa maalin uu dhulku  wadda qurux baddanyahay  jawigiisuna waa mid ay naftu u muhannayso oo ku raaxaysannayso. magaalada Burco waxaa guudka ka qariyay daruuro guuraya,waana subax qofkii cirka sare u fiirashaa u filannaayo roob mahiiggaan ah, dhanka waqooyi galbeed magalaada Burco ka xigta, waxa ka muuqda hiraarka madmadoow ee daruuraha iyo fad cad, magaalada waxa haysa dabaysha uduga baddan ee “Uffada” loo yaqaan.  Guleed waxa uu hoosta ka  leeyahay : jawigu qurux baddanaa,oo udgoon badanaa, oo arragtida  indhuhu daymo wannaagsanaa, wax yar oo tix tiix roob ah ayaa ka jagagc leh jiingadda gurigooda, oo ka kooban qolaal jiingado ah ,inkasta oo uu  jeclaysannaayo roobka Burco dushiisa kasoo madoow in uu ku hooro  oo uu  jeclaysanaayo jawiga iyo maalintaas bilicda-san ,haddana taas baddelkeeda waxa uu ka werwrsanyahay in magaalada roob xoog lihi qabsado oo uu maanta shaqo beelo, roobkuna guriga ku xidho oo aannu u socon karin suuqa , waayo waxa uu cabsi ka qabaa in ay u suurta-galiwaydo inuu  si fudud ku tago meheradisii shaqada ,sidoo kale maalmahan roobka lacag maso shaqeeyo siddi caadada u ahayd oo suuq fiicani ma jiro hadii xareedu burqato.  ” hoosta ayuu jawigan quruxda badan ka jeclaysanayaa ,marna wuxuu hoos u leeyahay waar maxaa kaaga kidhiish ah roobkan iyo jawigan sow shaqadaadii kaa xidhi maayo, midda kale ma xoolo ayaa  caws kuu daaqaya adiga.?.   dee mooji bal adba !.  hoosta ayuu  iska canaanannayaa , waar meesha hore uga labbiso, oo hoggaagee intaan dhibicda roobku ku qabsan guriga hore uga bax.

Si degdeg ah ayuu u labistay, waa nin muqaal ahaan qurux badan da’diisa waa 23 sano jir ,aad ayuu  u xarrago baddanyahay oo labis fiican ayuu kusoo labistay, surwaal madoow iyo shaadh buluug ayuu xidhay, suun madoow intuu shaadhka hoos mariyay ayuu dhexda iskaga xidhay, midab-kiisu  waa nin mariin dhalaal ah, dhabadda suuqa aada ayuu soo qaadday,xaafadda Qasabka ayuu kasoo gudbay ilaa usoo gaadhay xaafada  Afgooye , intii  socodka ku jiray waxa uu wehel kasii dhigtay naftiisa oo uu la shawray oo isla sheekaysanayay, isla xisaabtan hami iyo himilo ayaa saaqday naftiisa,  show saxiib ka wannaagsan maleh markaad naftaada la sheegaysto ,waaxad tahay qof wadda rajo ah wax kastana wannaag ayaad ka filanaysaa, naftu waa saxiib aan ku xaasidayna  hididiilo iyo riyo wannaagsan ayay ku sawiraysaa wax walba wax fudud ayay kula noqonayaan.

jawiga burco oo rooban iyo quruxda maalintaas ayaa darreen quruxbadan masakaxdiisa mushaaxisay ,isla xisaabtan iyo isla sheekaysi ayuu lugta kusoo tiiriyay, markii u maraayey suuqa dhexdiisa ayuu  soo xusuustay lacag uu rabay inuu dayn ku bixiyo oo boqol dollar ahayd ,oo uu rabay inuu Telesom kala soo baxo iyadda oo doolar . dib ayuu usoo noqday ilaa uu soo gaadhay xarunta shirkadda, halkani waa meesha baddali doonta noloshiisa, wax wayn ayuu kala kulmi doonnaa balse boqolka loo sarifayaa wuxuu maquursiin doonaa mawjado nololeeed oo leh maalmo farxad u eeg iyo kuwo kale oo murugo leh.

Qaybta hoose shirkada ayuu soo gaadhay waa minna-subax dhawr qof oo soo jarmaadday ayaa is dabo taaggan oo ilaa lix qof ah, kadib wuxu ku yar nastay ama fadhiistay kuraasta loogu talo-galay nasashadda dadwaynaha ,hal cabaar ah markii u fadhiyay ayaa waxa u maqlay sanqadha kabaha dumarka oo baxaysa “qub qac, qub qac leh” ,wuxuu darreemay jaanta qof dumar ah in ay gaddaal danbe kasoo socota,oo waxa uu darreen ahaan qaatay kabaha dhaadheer ee ay inta baddan hablaha dhalinyarada ahi ku xaragoodaan, oo marka lala dulmaraayo meel marmar ah sameeya sanqadh cajiib oo soo jiidasho saamaysa, oo marka kowaadba kusoo jeedinnaaya, markalena sanqadha iyo socodka ayaa qalbigaaga ruxaaya, ma jinbaa kabbahaas darreenka nocaas ah u sameeya mise waa wax dabiici ah oo ina rag oo dhan saamayn ku yeesha ayuu is waydinnayaa!.?. ,dhankii ay sanqadhu kasoo socotay ayuu dib u jalleecay, mise wa gabadh aad u labisan oo dhalin yaro ah oo dheer oo dhuuban oo midabkeedu casaan xigo , da’  ahaan waa 21 sanno jir, dhar wadda madoow oo uu  cabaayad ka fahmay ayay ku labisantahay  ,sanqaroorka dheer, indhaha wawayn, suuniyaha is galay ee jiitintaa, socodka iyo hub-qaadka marka ay laafyoonayso qalbiga ayaa dubaaxiyay oo qaadmay guleed, eeggis iyo aamusnaan ayay indhihii la takhlameen. markaad nin doob ah tahayna waxay ka dhiggan tahay Aar-libaax oo gaajaysan oo Deero hor boodboodayso hamuun iyo hillow baddanaa ayay naftu muhushada jeclaysanaysaa in ay gabadhaasi usoo gacan gasho  ,hoosta ayuu ka leeyahay makhluuq rabi abuurray oo ka qurux baddan, tan ka hor maan arkin, sidiisa oo kale ayay iyaduna u socotaa in ay lacag kala baxdo  mobile-keeda, gulleed wuu qaboobay wuxu is waydiinayaa su’aal.?., maxay horta ragu cabsida iyo baqaha u darreemaan marka ay arkaan gabadhaha quruxda baddan ee ay ka heleen, darreeenka nocaas ah, hore ayuu isagu arkay mase hubo in uu ina rag la qabo arinkaas ,maanta se wadnuhu wuuba dhacsanyahay oo jidhidhico ayaa roortay jidhkiisa, markii u daymooday gabadhaas qabow  ayuu u dareemayaa oo waxa uu noqday sidii qof caag ah , gabadhu waxay taaggantahay meesha lacagta lagala baxo, lkn shirkada Telesom waa shirkad hubin baddan oo shuruudo baddan, si ay u saxdo una hubiso wixii macmiilku u socday waxay qaaddan wakhti, sido kale nidam file ah ayaa la galaa waxaana dadka loogu addeegaa sidii ay usoo kala horreeyeen, sidaa awgeed Guleed waxa u hubaa in isaga iyo gabadhu ay wakhti sii wadda joogi donaan Xarunta Telesom ayna fursad u tahay isaga. gulleed-na waxa kale oo uuis waydiinnayaa tolow gabadhan nasiib ma u heli dontaa in ay xataa kula hadasho.?. Alloow halkan yaa soo fadhiisiya. mar kaliya ayay Gabadhi soo dhaqaaqday iyado gacanta tuuraysa sida hindida oo kursi ku xiga ayay fadhi iyo salaan is raacisay ,Guleed salaantii ayuu sidii qof sasay u celiyay ,waxay tidhi ;- walaal waxaan rabaa inaad i caawiso, kaadhkan ii fadhiisi wuu iga dhaqaaqaye ,guleed oo naqas kasoo fuqay oo aad moodo in uu cadow gacanta ugu jiray , ayaa ugu warceliyay maxaa ku dhacay walaal kaadhka !.?. wuu iga yar dhaqaaqay walaal ayay ugu warcelisay ee bal ila haggaaji.

Quruxda ka muuqata joog iyo jamaalka rabi u abuuray ayuu la ashqaraaray oo naftiisa qancisay, daymada indhaha ayuu ku xadday ,wajigeeda bilicsan ,suunniyaha madow iyo sanqaroorka shuban waxaa u weheliya indho waa wayn oo aad jaleeco qurxuun wuxuu niyada ka yidhi tani waa xuuralcayntii.

Nasiib wanaag wuu  hagaajiyay oo kaadhkii waa  u hagaaggay, waxayna ugu war celisay mahadsanid walaal lkn isaga intaas ma deeqdo ee wuxu si dabo dhigay labo hadal oo kala ah “addaa mudan walaal iyo barasho wannaagsan ,waxay ugu warcelisay barasho wanaagsan walaal. intaa ka dib magaceeda ayuu waydiyay waxayna u sheegtay in la dhaho Barwaaqo , annigana Guleed ayaa la i dhahaa ee barasho wanaagsan ayuu yidhi iyadda oo aan waydiin-ba :- cabaar yar oo kaftan ah kadib waxa si gaar ah qof waliba ula baxay lacagtii u shirkada kala baxayay ,intaas kadib isku mar ayaa xarunta laga wadda baxay, Barwaaqo waxay u sheegtay in ay ku socoto magaalada Hargaysa oo ay hawl u gaar ah u tagayso balse ay kasoo laabannayso ,waxaa laka qaatay numbarada teleefanka ,johoradii Guleed xiskiisa iyo maankiisa qaadatay way boqooshay ,isagana isagoo luudaya jawigiina ka qasmay ayuu aadday dhankii meheraddiisa ,goobta ay ku taalo meheradu waa badhtamaha magaalada Burco waana meherad Timo-jarre ,hadii aan yar sawirno waa goob aad u qurux baddan oo uu galiyey hanti baddan, waxaa kala shaqeeya ilaa lix dhalinyaro oo uu isagu maamule u yahay, goobtii shaqada markuu yimi wuxu darreemay xogaa werwer ah, maskaxadiisuna waxay is waydiinaysaa su’aalo baddan!. Malaha dabayl jacayl dhab ayuu darreemayaa oo waa nin wax caashaqay.

Kursi ayuu dhigtay meel cidlo ah,oo kasoo horjeeda meheradiisa wuu isla sheekaysanayaa wuu awoodi waayay inuu shaqada galo maaalintaas ,wuxuu dareemayaa diiqad baddan ,waxaa maankiisa buuxshay ruuxdii qalbigiisu raacay, waxaanu  is waydiinayaa su’aalo xanuun badan oo  ay ka mid yihiin.

Adiga waxaad tahay qabiilka reer “Hebel” gabadhan sida aad aqoonsatay waa  qabiilka reer’ Hebel” waligiin ismaydinaan guursan dhexdinana hayb-sooc ayaa ka jira , maxaad ugu faraxsantahay markaa gabadhan u qalbigaagu raacay !.?.

Haddi aad gabadh qabiilkaaga u sheegto sow kaa tagi mayso.?. Hoh iyo hoheey!.  ileen jacayl indho maleh ,maxaa i geeyay Telesom ayuu ka qoomameeyay.?.

Wuxuu go’aansaday madaama u yahay naf wax jecel in u gabadhaasi uu ka qariyo qabiilkiisa ,waayo waxa u aaminsanyahay in ay ka foggaan doonto. Maalintaas oo dhan waxay u ahayd werwer iyo feker , gabadhi ayuu wacay habeenkii wada sheekaysi badan iyo is-faham ka dib, waxa la isla gartay in la abuuro xidhiidh jacayl, gabadhii barwaaqo waxay u sheegtay Guleed in ay ka heshay isaga laftiisa aadna uu usoo jiitay, oo aanu kaligii wax jeclaan, waxayna tidhi maan-dhoow waan kula qabaa dhaawaca qalbiga, sidoo kale waxay ka heshay hab-dhaqankiisa muuqda ,sidaa ayuu  xidhiidhkoodii ku bilaabmay xili kastana waa la isa soo wacayay, xidhiidh qurux badan iyo sawir jacayl oo aad u qurux badan ayaa dhexdooda ka abuurmay, waxay ab-qaaleen Ubax jacayl oo si wada jir ah loo waraabiyo lkn Guleed ma garannaayo in ubaxaasi midhihiisa u calfan doono oo la intifaacsan doono , waxa u bilaabmay Guleed iyo barwaaqo xidhiidh jacayl oo ku dhisan rabtiaan dhab ah, waxaana la wadda gallay axdi iyo balamo wacadku ku qabay ah. waxayna noqdeen labo qof midba midka kale ka fekerraayo oo aannu  ka maqnaan karin , waxaa marwalba lagu wadda xidhiidhayaa telefannada ama aalada interniteka ,saacaddo lama kala maqnaan karo, hadii lakala maqanyahayna qalbiyaddaa laga wadda jooga oo mid walba waxa u ka fekerayaa kan kale , si kasta way isaga heleen oo isu qanciyeen oo isu dhexgaleen, waxayna abuurteen nolol jacayl ku dhisan  farxad iyo isu boholyoow,midba ka kale xusuustiisa ayuu ku noolyahay , markii la isu  soo xiiso, waa la kulmaa, isagoo mid waliba sidda ubaxyo jacayl iyo hadyado qaali ah. waxa lagu kulmaa ama lagu balamaa Hotel ama Guri.  guleed se ma jecla Hotel-da wuxu jeclayahay guryaha sababo baddan awgood, isagoo cabsi ka  qaba haddii ay Hotel kusoo wadda caweyaan ,in la isku arko oo cadawgu dhexdooda soo galo.!. Waxaa lagu kulmaa jawi farxad leh qosol iyo sheeko ,xiiso aan dhamaanayn oo kashka iyo laabta kaso go’ay ayaa la isku qaabilaa marwalba ,qalbiyo aan kala xiiso beelayn oo boholyoow isu qaba, waxaa la wadda qataa jawi qurux badan oo ku dhisan jacayl iyo farxad aan dhamaad lahayn mudo seddex sano ah ayay socotay farxaddaa jacayl ee dhextaalay Guleed iyo barwaaqo, waxayna hilaadinnayaan in ay yagleelaan qoys iyo mustaqbal, si uu culayska  maskaxeed ee ka haysta uu isaga rogo ,wuxu la hadlay Jacaylkiisa Barwaaqo wuxuna u sheegay in ay si dhakhso u kulmaan, uuna rabo in u sheego arrin cusub , habeen isniin ah ayaa la balamay ,waxay u ahayd guleed habeen u aad uga walaacsanaa jawaabta u ka heli doono barwaaqo, Gurigii uu ku balamiyay oo uu lahaa inadeerkii Faarax  ayay ku kulmeen, soo dhawoow janadii aduunkaay iyo waan dhawahay gacaliye ee wax khayr leh sheeg ayaa hadalka lagu ibo furay.

Guleed ayaa hadalka bilaabay ,waxaa uu yidhi:- waxaan rabaa inaan caawa ku sheego wax aan in baddan ka qarinnaayay oo ah cidda ama qabiilka aan ka dhashay, jacaylku qabiil ma yaqaan ,qolo ma yaqaan ,anigu waxaan ka dhashay qabiilk reer “Hebel ” oo aad idinku hoyb-soocdaan ,waan kaa qariyay, sababtuna waa jacaylka aan ku qabay iyo inaan rabin inaad noloshayda ka foggaato, intii u hadalka wadday indhihiisa waxaa kasoo qubatay ilmo wuuna aamusay!. wuxu yidhi intaas ayaan rabay inaan kuu sheego.

Barwaaqo oo yaaban.!. ayaa tidhi :- miyad igu ciyaaraysaa guleedoow, maya ayuu yidhi guleed waase reerka  aan ka dhashay anigu.,

Barwaaqo waxay tidhi :- waad i khiyaantay qalbigaygiina waad jabisay Guleed ,waxad i sheegtay been, waad ogtahay in aan qabaa’ilkeennu is guursan, anniguna waan ku jeclaadday qalbigaygiina waad jabisay kadibna ilmada ayaa ka qubatay indhaheeda Barwaaqo, guleed isaga oo ilmaynaaya, waxa u yidhi:- ma waxaan kugu khiyaamay qabiilka u rabi iga abuuray, ma waxad igu nici kaliya reerka aan ka dhashay, walaal waxaan ahay islaam iyo addoon rumaysan allaah iyo rasuulkiisa SCW, waxaan ahay somaali aad waddaagtaan dhaqan,diin iyo dhul.

Barwaaqo iyadda oo qaylinnaysa aadna u ooyaysa  ayay tidhi:  reerkaygu isuma keen oggola ee xidhiidhkeeni halkaas ayuu ku dhamaaday ,walina waan ku jeclahay ma garannayo sida aan ku ilaawi  karo ama kaaga maarmi karo jacaylkaygii aan seddexda sano iyo badhka aan soo wadday ,waa khasab inaan kala foggaano kadibna albaabka ayay boobtay oo ka baxday isagana qolkii yaraa ayuu ka dhex ooyayaa oo hiqleeyahay ,xanuunka jacaylka waxa garan kara qofkii uu soo maray oo kaliya ama raad ku yeeshay noloshiisa. maalinkii labbad ayuu wacay ,waxaase loo  sheegay in ay xanuunsanayso barwaaqo oo ay jiifto mana awoodo inay kula hadasho ayaa lagu yidhi, isaguna waxa uu la jaal noqday ilmo buuxisay indhihiisa , maalin danbe oo ay ka qabatay taleefanka  waxay ku tidhi:- fadlan ha iso wicin mar danbe !.,aan kala foggaano taleefankiina way ku dhigtay ,xidhiidhkoodii wuu yaraadday telefankeediina ma qabato, isagana maalin walba wuu wacaa, bishii ayay maalin qabataa isagana werwer uur-kutaalo iyo murugo ayay noloshiisi gashay ,dhulka ayuunbu xar-xariiqayaa feker iyi werwer ayuu ku maqanyahay, xanuun badanaa jacaylku oo hiirtaanyo iyo ciil badanaa ,caloolyoow iyo  cibaaro baddanaa.

mushkilada ugu wayn ee dhaawcday isaga qalbigiisa waa takoorka iyo haybsooca qabiil ee sunta iyo waabbayda ku noqtay noloshiisa ,waa sababta uu hadh iyo habeen u fakaraayo ee maskaxdiisa iyo maankiisa foorarisay ,wuxu is waydiiyaa mar walba jacaylkii ma waxa uu ku geeyay kuwii ku hayb-sooci jiray dumarkoodii ,kuwii kugu dhago hadli jiray iyo kuwii idinka oo masaajidka kasoo wadda baxay kuna soo wadda tukaday, haddana ku yasi jiray, ee isirkaaga wax ka sheegi jiray ee aad ka tirsanaysay gafka aan garawshiiyaha lahayn , wuxuu soo xusuustay xiligii uu kubada ciyaari jiray iyo waaggii iskuulka, sida uu in baddan uurka iyo caloosha uga ooyay, waxa uu la ooyay dhacdooyin uu kala kulmay bulshadii u la noolaa. Maalin ayuu xasuustaa isaga u ciyaaraayey kooxdisii kubad cagta ee “Halgan ” in qaar ka mid taarabuunkii daawannayay ay ku cayeen isirkiisa ama qabiilkiisa kadib markii uu hal gool ka dhaliyay kooxdii kasoo horjeeday ,isaga garoonka ku jira ayay ilmo indhihiisa ka qubatay, qalbiga ayuu ka ooyayaa, wuxuuna ahaa intii uu garoonka ku jiray maqane jooga, markii ciyaartu dhamaatay ayuu isaga oo boodhwayn oo indhihiisuna casaadeen oo ilmo kusoo taag-taagantahay aadday dhankii gurigooda ,cayda iyo aflagaadada lagu hayo xataa mararka qaar saxiibadii ay cid isugu dhawyihiin ayaa markay isku xanaqaan ku caaya jiray qabiilkiisa, maalintaas waxay ahayd maalintii ugu danbaysay in u garoon danbe kubad ka ciyaaro kadib niyad-jab wayn oo ku dhacay qalbigiisa.

Dhacdooyinka xanuunka badan ee indhihiisa kasoo quba ilmada waxa kamid ah in xiligii iskuulka ee u yaraa ciyaalku ay ku caayi jireen oo u kala kulmi jiray aflagaado badan iyo haybsooc, magac ay ugu yeedhaan waa mid ay ku yasayaan qabiilkiisa sida  “kii waxaas ahaayoow”, kaligiina reer ahaan ayuu iskuulkaas dhigan jiray, xanuun badan ayuu dareemi jiray marka la haybsooco ,mararka qaar ay is dilaan mid kamida ardayda waa la isugu tagi jiray , waana lawada caayi jiray si nafsaani ah ayay tani u curyaamisay noloshiisa  ,waxa uu xasuustaa xili uu imtixaanka iskuulka ka gallay kaallinta kowaad in ay qaar baddan oo ardayda ahi ay ku dhaheen maxaad adigu waxbarashada ku fallaysaa  sow reer hebel ma tihid.?.

Wuxu is waydiiy bulshada sidaas idiin hayb-soocday idinaka oo wadaaga somaalinimo, islaamnimo, dhaqan iyo dhul haddana muslimka  ay sheeganayaa waa maxay diintoodu.?. Allah dadka waa simay ,rabi waxa loogu kala dhoowyahay  allaah ka cabsiga iyo taqwada.

Wuxu is waydiiyey  Barwaaqo oo ay waddaageen jacayl qurux badan iyo farxad sababta ay maanta u tidhi:- haddii aad reer hebel tahay isma guursan karno, haddana ay u leeddahay waan ku jeclahay maxay tahay sababtaasi sow reernimo kaliya maaha ayuu is waydiiyay, waxay i tidhi:- waad i khiyaantay!. maxaan se ku khiyaammay ma qalbiilka rabi iga abuuray ayaa khiyaamo ah. Jacaylku indho malaha ,arragti malaha mana aqbalo xaqiiqo kasta, sidii qof fallan ama la sixray ayuu Guleed noqday noloshiisii way is badashay, wuxuu noqday nin ku nool uurku-taalo iyo ciil ,waxaa go’ay xidhiidhka isaga iyo jacaylkiisa ,wuxu galay nolol kale maalintii wuxuu dareemaa werwer iyo murugo ,waxaase ugu xanuun badanaa habeenkii oo uu marka Uummiyuhu wadda seexdo u ku dul fakaro goggoshiisa, wuxuu darreemaa xusuusihii quruxda badnaa ee isaga iyo jacaylkisii oo uu caawa ka joogo faro madhan, mudo dheer habeen walba xiligii u jacaylkiisa weheshan jiray ayuu darreemaa cidlo iyo kalinimo,waxaa sidan noloshaada ka dhigay ee lagu colaaddiyay ee dadnimadaadii iyo diintaadii lagu ilaaway ma qabiilka aad ka dhalatayba ! ayuu is waydiiyaa ilbidhiqsi kasta.?.  Dadkani xumaa oo gunsanaa ,isaga oo sidaa isula sheekaysannaaya ayay habeen walba ilmadu kasoo qubataa indhihiisa waaguna ugu baryaa , hurdo way kala haajireen waase nin allaah ku xidhan oo wuxuu u istaagaa inuu uu tukado “Salaatu Layl” habeen kasta kadibna uu ducaysto ,allaah wuxu ka baryaa in u werwerka ka kor qaado, xaaladiisu way sii xumaatay,waa nin la dhiibtooday arramida  jacayl, ee aannay cidi ka caawin karin wakhtigiisana waxa uu ku qataa oohin,ilmo iyo murugo.

Barwaaqo gabadha jacaylku ka dhexeeyo Guleed, mararka qaar ayay soo salaanta iyaddoo xidhiidhkii jacayl u go’ay lana joojiyay haddana waxaad moodaa inay xoogaa soo dibicday ,waxayna ku dhahdaa Guleed waxba kuma qaban karo.!. Xayaati  reer hebel ayaad tahay!. waan ku jecalahay, jacaylka aan ku qaaddayna oontii waan ka go’ay ,hurdo waan is daynay waxaan ku noolahay welwel iyo murugo lkn waxba kuuma qaban karo, sida Guleed habeen walba gogishiisa dusheeda uga ooyo ee uu uga dul hiqleeyo ayay barwaaqo-na habeen walba gogosheeda uga dul ooy-daa. arramida ku taalana cidina lama ogo, reerkoodu se waa ogyahay, in waxwayni kusoo kordheen oo ay is baddashay ,waxayna u haystaan in jin durreeyay ama dardaray ,  dhibaatada jacaylka si wadda jira ayay u waddagaan balse ma jiro qof kamida labadooda wax xalin kara.

Guleed oo xaalkiisu sii xumaaday  aadna ula daala dhacaaya dhibka iyo diifta nololeed ee haysata. ayaa xaalkiisa uga waramay jacaylkiisa barwaaqo una sheegay in uu halis ugu jiro in uu waasho oo waayo xiskiisa, xaalkiisuna u yahay halis ,sidaa darteed waxa uu ka codsaday in u aabbaheed u tago oo dhaho waxaan kaa soo doontay gabadhaada barwaaqo, iyaduna way diiday arrinkaas markii hore balse mar danbe ayay oggolaatay in u nasiibkiisa kasoo qaado aabbaheed oo lagu magacaabo Yoonis una taggo , oday wadaad ah ayaa dhalay oo salaad badan, masaajidka ayayna ku wada tukadeen salaadii cishe, guleed wuu u tagay odaygii salaan iyo is barasho kadib arrinkiisa ayuu si wannagsan ugu sheegay in uga fadhiyo gabadhiisa barwaaqo yoonis.?. Odaygii wuxuu yidhi :- waa la is odhan jiray adeer arinkaasi e, lkn qolama ayad tahay!.?. Su’aal naxdin leh ayay Guleed ku ahayd, wuu se aammusay cabaar . odaygii dee haddal adeer !.?. Guleed waxaan ahay reer hebel . Odaygii :- dee iga daa ciyaarta adeer miyaadan nin wayn ahayn , waan ahay adeer waase qabiilkayga oo dhab ah , odaygii  adeer isma gayno ismana guursano, hadii ay sidaa tahay ,haddalkaasna mar danbe ha i celin !. adeer waxan ahay nin somaaliyeed oo muslim ah , waar muslim lahayn warkaas mar danbe ima cilin kartid gabadh aad leeddahay waanu is jeclnahayna waan waydiinayaa arrinkaaga, hadii ay dhahdo wuu jiraa ,summa wallaahi waan biraynayaa !!!!!. Guleed oo ooyaya  ayaa ka soo luudday albaabka Masjidka, inta uu wadada kuso jirayna dhawr gaadhi ayaa jiidhi gaadhay, oo hoon badan garacaayay balse uu mar danbe ku naxayay .

Barwaaqo dhankeeda  markii ay Aabbaheed ku tidhi :- arrinkaasi wuu jiraa, wiilaal walaalaheed ah ayaa dilay ,waana la xidhxidhay oo la ciqaabay oo dhib baddan ayaa la marsiiyay, maalintii danbe Guleed oo soo tukadday salaadii cishe ayaa gaadhi Layli Calaawi ah lagu soo hor gooyay  sagaal(9)  wiil ayaa kasoo degay oo inta baastoolad lagu qabtay oo la dilay lana handadday ayaa gaadhigii lagu tuuray , shaadhkisii ayaa laga bixiyay oo indhaha lagag xidhay ,waxa la geeyay meel cidlo ah , gaadhigii ayaa laga soo dajiyay Guleed waa habeen madoow waana meel kayn ah oo cir kaa dheer dhul kaa dheer weeye.  waxaa lagu yidhi :- ma na garannaysaa !.?. Maaxadse naga filannaysaa, Guleed wuxu yidhi :- idin garranmaayo waxaanse ilaahay ka filannayaa wax khayr leh, waxay dhaheen waxaanu nahay Barwaaqo ragii la dhashay !. adiga oo ka dhashay reer Hebel miyaad rabtaa gabadhayadda inaad jacayl iyo been uga sheekayso ,waanu ku dilaynaa ee ashahaado “qudhunyahoow reer Hebel ahi ayay si jees jees ah ugu dhaheen!. “,inta ay qabteen oo si xun dhulka madax uga jareen oo dhiigu burqadday oo inta la isu jabiyay ayaa  gacamahiisa oo dhabarka la geeyay si bilaa naxariis ah silsilad  loogu xidhay, isaga oo jilbaha ku taaggan. kadibna mid wiilasha ka mid ah ayaa si xoog ah uga laadday dhabarka oo laabta ilaa wajiga ayuu isaga oo xidhan ku dhuftay dhulka, oo xanuun badan iyo dawakhaad xoog badan ayuu darreemay ,waxaana markan dhaawac ka gaadhay Madax,Wajiga iyo Adhaxda, intaas loogama tagine, laad iyo jilib aya lala dhacay isaga oo xidhxidhan ayaana dusha lagaga tuntay, waxaa gaadhay dhawacyo baddan, Guleed markaas xanuun badan ayuu dareemayaa oo aannu cid iyi ciirsi toon u  haysan , waxaa wajigiisa qariyay dhiig ,labbada indhoodna ilmo ayaa ka tif leh,ciqaab ayaa la mariyay xanuun badan, khamiis cad oo uu sitayna wuxu u eekaadday ciidii iyo caradii boodhka ahayd ee lagu dul garaacayey, intaas loogama tagin intaa la fadhiisiyay isagoo jahwareersan, ayaa mid kamid ahi” Baaskoolad” iska soo jaray, mid kale ayuu u dhiibay wuxuuna ku yidhi :-  toogo oo shan xabo ku dhufo.!. Guleed markan waxa u si hoose u yidhi:- “ash hadu an laa illaaha illa laah” wuu ashahaatay, wuxuuna ku celceliyay ilaa seddex jeer , markii ugu danbaysay waxay ahayd markii ay dhacday xabbada kowaad, shan xabo ayaa  ka dhacay Baskoolada dhabano casta ahaa.!.  waase la dulmariyay oo midna laguma dhufan lkn qaar ayaa dhinacyadiisa ku dhacay halka ku beegan ruugiisa  ,taasi waxay ahayd in aannay rabin markaas in ay dilaan waxaase looga dhigaayay cabsi galin iyo baqo lagu abuuro ,waxay ku dhaheen maanta kumaani dilin ,waxaanse ku dilaynaa marka labaad ee aan kugu arragno ama aad usoo laabato gabadhayda Barwaaqo.

Gaadhigii ayay wadda fuuleen dhamaan , isaga oo xidhxidhan, oo dhawaca ahna halkii ayay kaga taggeen, waa habeen saacadu waa ilaa 1:30-kii habeenimo dhaxan baddan oo qaboow ah ayaa dhacaysa waana gudcur, waxa yar markii ay ka dhaqaaqeen ayaa Guleed oo xidhxidhan uu dhinac-dhinac u dhacay, wuxuuna koomo u galay nabaro kasoo gaadhay Madaxa, ilaa labbadii habeenimo ayuu miirsadday isagoo ciiddu ama caradu afka uga buuxsantay dhiigna afka uga buuxo ,halkii ayuu dhinac dhinac u yiillay ilaa markii uu waagu galalac ka yidhi ayuu isku dayay in u istaago ,isaga oo dhacdhacaya ayuu socod isku dayay, halka uu joogo Burco qiyaas ahaan waxay u jirtaa 7km, reer reermi ah ayuu 8:00 subaxnimo kusoo duldhacay,oo lagu soo urur oo biyo la cabsiiyay, oon uu cuno qadadii shalay ayaa ugu danbaysay oo watii xalay lasoo afduubtay ,ragii guriga joogay ayaa ka furi kari waayay silsiladii ,Waxay Guleed ku qiyaaseen nin waalan oo burco kaso baxsaday haddana waxay is waydiyeen ninka cidda sidan u dishay!.? ,gaadhi waddo marraayay ayaa loo yeedhay ,sidii ayaana Burco lagu geeyay oo looga jabiyay silsiladii kadibna dhakhtar ayaa la geeyay laf madax ayaa jabtay , saggaal qodob oo cadka ahna wa la tolay, gacmihiisa waxa jabay kal qayb ilkaha kamida ah oo dhaqaaqdayna waa la xidhay, sidaa ayuu gurigood u jiifay mudo bilo ah dhawacyaddaasi soo gaadhay awgood. Jacaylku waa xusuus miidhan oo  ladh iyo xanuun soo kicisa, maalina xiskiisa iyo maankiisa kama bixin johoradii haweenka uu ka xushay ee Barwaaqo si kasta oo xanuun loo dhadhansiiyay hadana jacaylku indho iyo dhago toona  malaha, ee wuxu  uu ka ooyaa caloosha iyo qalbiga.

Barwaaqo waxaa loo qalqaaliyay si looga foggeeyo Guleed in loo guuriyo nin ay tol iyo qaraabo yihiin oo ka yimi dalka Maraykanka , si khasab ah ayuu meherku ku dhacay, Guleed se wuxu oggaaday maalmo kadib ,waxay u ahayd maalin uu aad u ooyay oo ilmadii indhaha ka qubatay ay laabtiisa qoysay ,sidaa ayaa barwaaqo lagu guursaday oo ay guri ku yeelatay,

Guleed waxa u galay xaalad dhaawac iyo isku buuq maskaxeed ah , wuxuuna noqoday nin aan maalintiina caadi ahayn habeenkiina seexan oo feker iyo faalo uun ku jira, wuxu galay werwer murugo, walaac iyo walbahaar, waxaa xidhantay meheradii uu qoyskooda ka biilin jiray, wuxu noqday maqane jooga, awel hore wuxu ahaa nin qurux u dhashay si qurux badana u labista, hadda se waayaha ayaa baddalay wuu isla hadlaa ,timuhu way ku baxeen, dhar aan qurux badanayn oo jac-tadday ayuu xidhaa ,noloshiisu waxay noqotay mid aan jiho lahayn, waxaana noloshiisii badalay jacayl u marray xanuun kuna dhamaadday guuldaro.

Waxaa uu Guleed dadaalayaa si aan xiskiisa iyo garashadiisu u tagin in uu isku dabiibo Salaad, Sadaqo,Duco waa seddex noloshiisa saldhig u ah, sadaqadu xanuun kasta waa u daawo ,werwer iyo murugo kastana waxa lagu dabiibaa sadaqada , salaadu waa xadhigu lagu badbaado iyo ducadu waana seddexda rabi ka rajaynaayo inuu u aqbaalyo si ay noloshiisu u badbaado.

Hadii aad tahay Gabadh Somaaliyeed oo ay ku dhacday Qisadan Jacayl maxaad Samayn lahayd  adigu.?. haddii aad tahay wiil Somaaliyeed maxaad kula talin lahayd Guleed.?.

Qisadan iyo sheekadan xanuunka baddan waxay ina tusaysaa dhibta loo gaysto walaalaheen aan waddaagno Diin,Dhaqan iyo Dhul  oo aan gafkaas garawshiiyo  laga bixin qarnniyo, akhriste haddii aad ka xuntay dhacdadaas ku dhacday Guleed ,ee bulsho dhan oo dadkeena kamid ah lagu hayb-soocay si sheekadani wacyi-galin ugu noqoto bulshada ku hadasha Afka-Somaaliga lasii waddaag Asxaabtaada” Facebook ama Whatsapp-ka” si ay u gaadho sheekadu dad badan, intaas kusii caawi  walaalka Guleed iyo bulshadiisa la hayb-soocay.

W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

Facebook. Mustafe Ahmed Geedi

Whatsapp. 0659555532

Gmail. Mustafea179@gmail.com

 

Attachments area