Tacab iyo tiigsi (Sheeko)
Qoys sabool ah, sabool ka ah’ maal iyo mood labadadaba. Waa qoys beerlaawe ah, dabcan waa qoys dhaqashada xoolaha-nool ku adkayd, dabci ahaan iyo dad ahaanba labadaba! Maalintii hurdo ayaa lagu ballansanaa; caweeyskii-na ciyaar ayaa la gu ballansanaa, dhabiiq, sacab-tun, jaandheer, wiglo iyo Saylici ayay u guureeyaan habeen wal oo alla soo gooyo. Dhawaaqa jaantu dhankay ka xigto ayaa dhegta u raacirriciyaan, dabadeedna, ay u ย yaacaan iyagoon dheg la qabto lahayn.
Ceeb iyo dhiilo midna laguma canaanto xoolo-xoorka ay caadaysteen, marka laga hadlayo saboolnimada halakaysay miscirirtodda. Caqligooda waxay la ahayd inay waxoodii dad kale raqayaan, gaar ahaan, kuwa la degan iyo ย kuwa la jaarka ah. Mararka qaarkood-na waxay ka shakiyaan kuwo aan dhalan-ba oo waxay u gu duurxulaan hees habeenkii marka jiibta iyo jaanta ciyaarta la isla hello. Tacabkoodu waxa uu ahaa hadal iyo haaraam midba midka kale ku hayo. Hiif iyo hagardaamo waxaan ahayn waqood la iskuma salaamin. Waa lays tuhmayaa.
Dadka la deganna waa iska dhowri jireen, oo dadka qaarkood ayaa oran jiray faraha isaga qaada iyaguun baa fiidkii markay ardaaga isugu yimaadaan wayrax iyo wareer is haraayuubi doona e. Sidaas ayaa loo gu ka la baxaa, cabbaar kadib-na, sanqadha usha, weelka jabaya iyo buuqa ayaa cirkaas isku shareera!!
Tabcashada iyo ย Madhaxa ay galaan waqtiyada badhaadhaha ah’– waa xilliga gu’ga iyo dayrtu hooraanne, waxa uu u dhalaa inay waqtiga abaaraha baryo iyo amaah-qaadasho hadba reer asaagood ah’la dul yuurarsan. Gurgurshaaga ay ku guuraana daqiiqad walba heeryaysnaaddo. Baryaduna waxay ahayd dabeecad ay ka ga tuxsatay.
La soco qaaybta 2aad …….
WQ: Xasan Cabdi Shire