Shiish-ka aan u Saxno Dooda Kusaabsan Booliiska (Dr. Abdikarim D Hassan)

Sheekada ku saabsan Booliiska somaliland ee maalmahan la hadal hayo, waxaad moodaa in dadka inta Booliiska dhaliilaysa iyo inta difaaca isleh ba ay ku kacayaan qaladaad marin-habaabinaya Dooda, oo fogaynaya natiijo wax ku ool ah.

Sideen u Samaynaa Dhaliil Wax-dhista ” Constructive Criticism?’

Ugu horayn dhibta ugu wayni waxa weeye in dhibka laga dhigo mid caam ah oo baahay (Generalisation). qolyaha wax dhaliilayaa waxay soo horaysiinayaan weedhaha Booliisku waa bahalo, waa tuug, waa budh-can, waxa loo baahan yahay in la burburiyo oo dib loo isugu rakibo!! iyo wax lamidd.

Kooxda wax difaacaysa waxay ku bilaabayaan; Booliisku wa Innamadeen,Iinagay inoo soo jeedaan, Iyagaynu ku seexanaa, way dulman yihiin, Way bakhtiyayaan oo waxba ma qaataan iyo weedho la halmaala.

Shidaalka dooddan hurinayaa waa Caadifad iyo Qaan-gaadh la’aan wacyiga iyo garaadka ah. Labadii kooxood iyagoon isla gaadhin Qeexida dhibta jirta- hadiiba ay dhibi jirto- ayay isku beer dilaaceen, qadiyadiina ka weecdeen. Intay labada kooxood isku fakiir-naayeen, ayaa eedaysanniina faro-muruxsaday.

Marka Caadifad iyo hubsiimo la’aan lagu howl galo,waxay keentaa bulsho isku muruqta oo madaxa isla gasha. Qoka garaadkiisu bislaaday waxba iskama liqo ilaa daliil cad lagu qanciyo, qofna maskaxdiisa uma balaqo bilaa shuruud.

Qaladka labaad waa shakhsiyayna dhibta; waxay ahayd in dhibta jirta, sababteeda, inta ay gaadhsiisan tahay, cidda ku kacday, duruuftooda, nooca dhibanayaasha, iyo waxa lagu xalin karo la’ iswaydiiyo. Laakin labadii kooxood waxay ukala jabsan yihiin weerarka iyo difaacida ash-khaas.

Hadii ash-khaastaasi ay ku cadaato gabood fal iyo gurac ay ku kaceen waa in lala xisaabtamo iyadoo ay qayb ka tahay xalinninta mushkulada.

Qaladka saddexaad waxa weeye Iska-indho tirka duruufaha mujtamaca iyo deegaanka inagu xeeran. Inagoo og aqoonta, xirfada, hantida, dhaqanka, garaadka, bulshada uu u adeegayo iyo habmaamulka Booliska ayaynu doonaynaa in uu la sinnaado oo la howl-karsanaado booliiska England iyo Sweden.

Kadib waxaynu ku dhololaynaa hadh iyo habeen England ayaa sidaa looga dhaqmaa iyo booliiska Sweden ayaa sidaa yeelay.

Booliisku wuxuu ka midd yahay mujtamaca. dhaliilaha uu leeyahay waxay kala yimaadeen bulshada. Laaluushka, musuqa, ku xad-gudubka awooda mas’uuliyada, qaraabo-kiilka iyo qof-jeclaysiga; intaas iyo in ka badan oo jirtaaba Booliska uun u gaar maaha

Waa aafooyin mujtamaca oo dhan haysata, hadii aad si gun-dheer looga doodin, oo loo axadhin oo sidii mujtamaca loo bedeli lahaa laga howl gelin, natiijo fiican keeni mayso hadii Booliska uun layska laalaadiyo oo inta yar ee kalsooni ah ee masaakiintu ku qabto lakala daadiyo.

Waxa ka mid ah Dhaliisha-wax-dhista in aad tibaaxdo wanaaga iyo waxtarka cidda aad dhaliilayso. Jiritaanka booliishku waa lagama maarmaan, horumar badan ayay sameeyeen, waxa garan kara qofka sagaashamaadkii hargaysa joogay. Shaqo macquul ah oo inta badan bulshadu ku qadariso ayay qabtaan.

Laakiin dhaliilo way leeyihiin, waxay kala siman yihiin Hay’adaha dowladeena oodhan. Sidaa darteed waa in loo qiro wax-qabadka ay sameeyeen si iyaga dhexdooda looga helo cid hufnaanta, kartida iyo maamul-wanaaga hormuud u noqota. Waxa la hubaa Isbedelka ugu fudud uguna sal-balaadhan waa ka qofku ama Hay’adu iskeed u samayso, marka lagu dhiiri geliyo, iyaguna ku qancaan.

Qaladyadaas waxa ka midd ah in marwalba la faaqido oo la balbalaadhiyo oo lagu talax tago mushkilada jirta; iyadoo xalka loo gudbin. Laba arimood ayaa waajib ah in aad soo bandhigto, hadii aad dhibaato jirta ka faalood isleedahay. Sababta ay dhibtu u dhacayso iyo Sida lagu xalin karo.(why the problem happened and how to solve it?). Hadii aanad labadaa keeni karin waxa aad sheegtay waa borobagaandho.

Khubarada maamulku waxay ku taliyaan in hadii aad “dhibka shan sadar ku qeexdo; xalkana shan iyo toban ku qeex”. Taasi oo macnaheedu yahay hadii aanad Xal odorosi karin waxba maad soo kordhin waxa loo baahan yahay “Maskax marwalba Xalka ku foogan”.

Waxa jirta in dadka qaar Mush-kiladaha bulshada ka dhaca
ay ka dhigtaan hadhuub ay ku maalaan Gudaha iyo Dibadaba. ejeedaduna aanay ahayn xal-raadin ee ay tahay manfax raadis. Markan oo kale qofka dhalin yarada ah ee wadankiisa dantii raadinaya waxa lagu gudboon in uu Shaki ku eego dadkaas oo is waydiiyo Su’aalo Muhiim?.

Ogow Su’aashu waa furaha aqoonta iyo xog-ogaalnimada. si fudud yaan laguu duuf-san ama laguu gelin weerar adiga iyo dalkuna ku qasaartaan.

Ugu danbayn, waxa iyaduna qalad kale in lagu boodo gunaanad (Jumping to Negative Conclusions). waxa la yaab leh qof ugu horaynba ku qanacsan in wax waliba xumaadeen oo wax kasoo raynayaana jirin oo hadana ash-katoonaya.

Dadku waa in ay xalinta dhibaatooyinka u halgamaan. waa in ay sidii ay caqabadaha nolosha u fududayn lahaayeen ka shaqeeyaan.

Laakin waxa taas ka horaysa in la xaliyo mashaakilaadka maskaxdeena ka buuxa ee horumarka hortaaagan. In aynu xal u helyo Caadifada xad-dhaafka ah ee aynu yar iyo wayn ka simanahay. Caadifada Ina seejisay fursado badan oo aynu ku hano qaadi lahayn, siina murgisa mushkilado aynu si fudud u xalin lahayn.

Arinta Booliiska iyo dhibka laga sheegaayo sideen u waajahnaa?. Boolisku waa hay’ad wayn oo qof qof inooga awood badan, waa in ay jirto dariiqo sharci ah oo cad oo lagula xisaabtamo iyo cid looga ash-katoodo oo madax- banaani.

Sidaa darteed waa in loo halgamo sidii loo heli lahaa habkii lagu xakamayn lahaa awooda Booliska ee lagu xisaabin lahaa cida ku xad gudubta xuquuqda muwaadiniinta.

Wiilkaa hala siidaayo waa kow; talabaadna waxa weeye halka halgan keenu ku haboon yahay waa Hala-helo gudi (Commission) madax-banaan oo aqoon leh oo dusha ka ilaaliya awooda Booliiska kana garnaqa xad-gudubka ay keestaan.

Allaah Mahadleh.