Shirkii 1997-kii Ee Hargeysa. Wax ka ogow taariikhdan yar ee kooban. Waana xog ka dahsoon badi bulshada.
Shir beeleedkii sannadkii 1997 ka dhacay Hargeysa wuxuu soo af-jaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka socday mudadii u dhaxaysay sanadihii 1994-1996.Inkastoo shirkani uu daarnaa dhiig-joojin iyo in lasoo af-jaro gulufka collaadeed ee Beelaha walaala ah ee kuwada abtirsadda Beesha Dhexe haddana waxaa la odhankaraa wuxuu ahaa shir-Beeleed leexiyeey Hab-maamuskii iyo Majarihii shirkii ka horeeyey ee Beelaha Somaliland u dhanaayeen ee Borama.Wuxuuna shirkani sidii kii Boorama oo kale ku salaysnaa hab-beeleed xubnaha shirka ka qayb gelaya lagu soo xulay.
Waxaana shirkani ka soo qayb galay 350 xubnood oo ay ka mid yihiin 150 kii xubnood ee shirkii Boorama ka qayb galay. Waxaana xusid mudan in odayo-dhaqameedyo iyo Nabadoonado kasoo jeeda Gobolka Awdal ay haddana door laxaadle kaqaateen si loo nabadeeeyo walaalaha dirirsan iyadoo xukuumaddunu ay aad u badhi-taaraysay.
Tiradii Beelaha loogu qaybiyay 82 xubnood ee Golaha Wakiilada shirkii Hargeysa ee sannadkii 1997.
Habar jeclo 11 Gadabuursi 11 Dhulbahante 10 (waxa ku jira tiridan mid Fiqishini ah) Habar Awal 8 Habar yoonis 7 Arab 7 Ciise 5 Ciidagale 5 Warsangeli 3 Cimraan 3
Ayuub 3 Tol-jecle 3 Dadka laga tiro badanyahay 04
Wadarta 82
Hadda sidda ka muuqata Jaantus sare Khaladaadka dhacay waxaa kamida:
1-in mar Beelo wax lagu qaybsaday shirkii Borama, Haddana qaab ku Salaysan Gobollo loo bedellay intaasi oo marxalladoodna Beesha Dhexe Hadba Sidda ay ugu Caano badinayso uxeeladaysan jireen.
2-in shirkii Hargeysa 1997 kii Beel Kamidda -Beeshee Dhexe haddana loo Sadburiyeey iyadoo lagu tilmaamay in lagu maslaxayo Cabashada katimid. Halkaasi waxaa laga Dheegan karaa Beesha Dhexe way is dhagaysataa laakiin Beelaha darifyadda in hab-maamuus ku dhisan, wada lahaashiyo Cadaalladana laga garnaqo ay tahay mid aan loo diyaar ahayn.
3-Beesha-Dhexe waxay isku Ablo-ableeyeen ilaa Sideed Jilib (lafood, ama Hurrin) oo abtirsiimadda beesha la xidhiidha Si ay Qayb-libaax uga qaadato Awood-qaybsiga Golayaasha Dowladda ee muhimka ah, lehna Saameynta Masiiriga ah ee Dalka.
4- Beelihii Darifyadda oo ah Beelo waaweyn oo dalkana xoriyadiisa ama gumaysi la dirirka udub-dhaxaadka u ahaa. Loogu Qaybiyo inayba lamid yihiin siddii Jilib am Laf hoosaad Beesha-dhexe ah, Tusaal ahaan:
Haddaba suโaalo door ah ayaa muddan in lays weydiiyo sidan ayeyna udhacayaan: 1. Maxaa lagu heshiiyey? 2. Sidee xalku udhacay? 3. Beeshe Dhexe Xaq ma uleedahay in kaligeeg ay gaadho guโaamo masiiriya? Yaa Muddan Xil iyo Darajo? Waa Suโaalo aan u Dhaafayno Guud ahaan Bulshaweynta Somaliland ee Jecel horumarka iyo wax-wada qaybsiga Beelaha walaalaha ah ee Somaliand wada Degan.
Wa bilaahi tawfiiq.