Shir jaraa’id mise shil jaraa’id (WQ: Cali Cabdi Coomay)

 

Waxa la yidhi” Indheergaratadu waxa ay ku wada hadlaan figrado, maangaabkuna wuxuu ku wada hadlaa dadka. Wuxuu ahaa keligii socde aan cidna xidhiidh bulsho la lahayn, hadalkiisuna wuu koobnaa, oo dadku waxa ay ku xaman jireen’ amuume’. Bulshada wuu ka oodnaa, weligiina lama arag isaga oo la socda qof iyo wax ka badan, markuu soo fadhiisto makhaayadaha intuu kursi qaato ayuu meel cidhif ah fadhiistaa oodnaan awgeed. Dadka isku daya inay wax su’aalaan, wuxuu ku qaabilaa weji xidhan iyo hadallo qallafsan, oo ay weheliso dabeecad aradnaani, markaasuu qofku ka qixi jiray, waa tii la yidhiUli way qabowdaa, balse eray xuni ma qaboobo. Marka laga yimaado odnaanta dabeecadiisa, saaxiibadii sidiisa ayey kula socon jireen, oo sida macaanka loola noolaado ayey ula noolaan jireen. Markii uu dhammeeyey dugsigii sare ayuu u gudbay jaamacadii, ileyn waa qof xidhxidhane qof ashaahaata kalamuu tashan wuxuu doonayo inuu jaamacadda ka barto wuxuu go’aansaday inuu barto aqoonta beeraha, sidii ayuu ku bilaabay waxbarashadii. Dan iyo muraad kama laha inuu magaciisu dhinto, sow la yidhi” Intii magacu bi’i lahaa maalku ha ba’o.

Wuxuu jaamacadda kula saaxiibay akhyaar cusub oo bal amarka Ilaahay ay isku dabeecad yihiin, yacnihii dad oodan ah oo isa soo urursaday, waxa ay si wada jir ah u fadhiistaan meel ka baxsan meesha ay ardaydu ku sheekaystaan wakhtiga nusasaacaha. Is-fahamkooda wuu isla jaan qaaday, qosolkoodu wuu yar yahay, hadallada qallafsan iyo jikaarkuna waa u dhaqan joogto ah, maalin ayuu si lama filaan ah u dhexgalay nin aan aqoon u lahayni, wuxuu kaga soo booday muddo laba daqiiqo ah, markii uu u adkaysan waayey dhaqankooda iyo xidh-xidhnaanta maskaxdooda, ninkani wuxuu ku sifeeyey inay yihiin ‘Rag ay maskaxdu taagan tahay’. Aqoontu waxba kamay beddelin, oo mid kastaa markuu hadlayo, waxaad moodaysaa qayladooda in aad joogto xero jaadii, waa tii hore loo yidhi’ suxuunta madhani way qaylo badan yihiin, suxuunta wax ku jiraana qaylo ma leh’, sidaasi oo kale qof kasta oo qaylo badan maskaxdiisa ayaa madhan.

Jaamacaddii wuu dhammeeyey, ka dib wuxuu ka helay dusgi waxbarasho inuu ka noqdo macalin dhiga ciyaaraha (P/E Teacher), markii uu muddo dugsigii ka shaqaynayey, ayey arrin shaqo isku maandhaafeen maamulihii dusgisga, ileyn maaha qof afkiisa isku daw bixinayee, markiiba jiq ayuu noqday. Ayeyday aabahay oo Hufan la odhan jiray ayaa halhays u lahayd’ Afkaaga oo eed kaa celin waaya, la’ goo ayaa la yidhaa’. Markii uu jiq noqday, haddana wuu booday oo hadallo qallafsan iyo jikaarkii uu dhaqanka u lahaa ayuu oodda kaga qaaday maamulihii, isna wuxuu go’aansaday inuu shaqada ka joojiyo, sidii ayaa shaqadii lagaga eryey. Markii uu in muddo ah bilaa camal ahaa, ayuu la kulmay suldaan iyo ganacsade beeshiisa ah, shir dheer ka dib waxa ay isku raaceen inay madaxweynaha xil uga doonaan, waanu ku guulaystay in boos loo magacaabo, oo xil agaasmie ayaa loo magacaabay.

Hadaba waxa ay balaayo ka dhacday siduu u xamilaayo xilkan, wuxuu xilkii kala wareegay masuulkii hayey jagadan, markii lagu jiray xaflada xil-wareejinta ayuu markiisii bilaabay hadalkii, wax aliyaale wax uu ku hadlaayo ayaa la fahmi waayey, waa tii hore loo yidhi. Shaqaalihii iyo madaxdii ka saraysay ayaa si hoose isu-eegay, xitaa waraaq waxba kumuu soo qoran, sidii oo uu la hadlaayo ardaydii ayuu bilaabay hadallo aan munaasib ku ahayn xaflada oo u badan hantaatac. Shaqadii gudagal, waxa ay dhibtii ugu weynayd timid markii ay wasiirkii ka sareeyey isla-garteen inuu shir jaraa’id qabto, oo uu kaga hadlo arrimo ay warbaahintu ka qortay wasaaradda uu agaasimaha ka yahay.

Shaqaalihiisii hoose ayaa xafiiskiisa ku casuumay warbaahinta madaxa bannaan kuwooda ugu tunka weyn, agaasimihii ayaa soo fadhiistay miiskii oo ay hor-dhoobnaayeen makarafoonnada wararka gudbiyaa, hadalkiisii ayuu bilaabay, wuxuu ugu horrayn sheegay in aanay wasaaradu shuqul ku lahayn waxa ay sheegeen warbaahintu, wuxuu si badheedh ah u bartilmaameedsaday qaar warbaahinta ka mid ah, oo uu ku yidhi hadallo ahaa kuwii lagu yaqaanay, wuxuu adeegsaday erayo ad-adag oo oo qallafsan oo gebi ahaanba ka baxsan luuqada dublamaasiyada iyo siyaasadaba, wuxuu si jees jees ah ugu yidhi wargayska hebel” hidh iyo haraati ayaanu kala daali doonaa, waxa aanu afka jebin doonaa weriyeyaasha afka dheer ee biyaha lagu cabbo leh, ee maalin kasta wasaaradda la horjooga, aakhiro ayaanu u dhaadhicin doonaa kuwa khaatiga aanu ka joogno, isku helimaayaan inay lacag naga qaataan iyo inay wax naga sheegaan.

Ugu dambayntii kabaha ayaanu la dulmari doonaa, kuwa naga dhammaan la’. Dadka aan aragtidooda difaaci Karin, aamuskaa u roon. Mid ka mid ah suxufiyiintii shirka jaraa’id ka qaybgashay ayaa isku dayey inuu su’aal weydiiyo, wuxuu si aan gabbasho lahayn ugu jawaabay maahmaah aan khusayn mowduuca laga haleyey, oo uu yidhi” Dameer aan fuushanahay maxay dhuusadiisu iga qaadi” suxufigii fajac iyo yaab ayuu la aamusay. Hadallada noocan ah marka dhanka siyaasadda laga eego, iyada oo kooban waa “ Shil jaraa’id, balse shir jaraa’id maaha”. Ilaahay xilka ha ku asturo inta xilka laga qaado, ileyn dhaqanka noocan ahi wuxuu dhaawacayaa haykalka dawladnimo.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

 Calicoomay@hotmail.com