Shirweynihii Afraad ee Kulmiye: Doorid Mise Doorasho? (WQ: Cabdifataax Xasan-Barawaani)

Hordhac

Kulmiye oo ahaa, immikana ah xisbigii ugu muddada dheeraa mucaaridnimada iyo muxaafidnimada Soomaalilaan, kaas oo muddo toban sannadood ah haya talada dalka. Bishan Oktoobar 4-6 oo uu magaalada Hargeysa uga socday shirweynihii afraad ee xisbiga, kaas oo ay u bixiyeen ama ugu talagaleen in ay hoggaan cusub ku doortaan. Haddaba, waxa iswayddiinta mudani waxa ay tahay wixii loo fadhiyay saddexdaas maalmood ma doorid buu ahaa mise is doorasho (Election or Selection)? Bulshada Soomaalilaan, madax iyo minjaba intaan shirku bilaabmin baa ay saadaashooda ku wajahan shirkaas sii faalleynayeen. Bulshada inteeda bisaylka siyaasadeed iyo garaad-furnaanta u saaxiibka ahi, xaqiiqo ahaan daah kama saarnayn waxa Kulmiye soo wado ama horeba u sii caddeystay ee shirkaasna qalinka lagu sii adkeyn doono.

In kasta oo aynu ogayn in Kulmiye uu gebi ahaanba iska laalay wixii dunida iyo Soomaalilaanba u taqaannay “XISBI” oo uu ka doorbiday hagbad qabyaaladeysan, kolkii ay bulshadii xeerka iyo dastuurka ku heshiisay ee reer Soomaalilaan, ay laba beelood gaar uga baxeen oo xisbinnimadii iyo dimuqraadiyaddiina ku dul tallaabsadeen. Caddaaladdii, wax-wada-lahaanshihii, sharcigii, ummadnimadii, Soomaalilaannimadii, talawadaaggii, tanaasulkii, xisbinnimadii, iyo wax wal oo bulshadu taqaannayba waa la iska illaaway. Kala fogaanshaha bulshada reer Soomaalilaan maanta dhexyaallana, waxa sababta ugu weyn leh xisbiga Kulmiye, taariikhdaas mugdiga ahna isaga ayaa ku suntanaan doona.

Aan u soo gonda-dage e, shirweynahan waxa ka horreeyay dhawr xiisado siyaasadeed oo aad u cakirnaa oo aynu odhan karno, midi waxa ay u muuqatay ama ahaydba in ay ka dhextaagnayd gudaha Xisbiga Kulmiye, waana xiisaddii Maxamuud-Saajin oo ah wasiirka ganacsiga ee Soomaalilaan iyo madaxweyne ku-xigeenka Soomaalilaan, Cabdiraxmaan-Saylici oo labadooduba isku haystay ama la isugu soofeynayay guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Kulmiye loo doori doono. Xiisadda labaadi waxa ay ahayd middii ka dhex taagneyd wasiirkii hore ee madaxtooyada, Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi. Kolkaas oo dadka qaarkii moodayeen in Xaashi wax laga siin doono talada Kulmiye, iska daa in musharraxa xisbiga la siiye e. Midda saddexaadi waxa ay ahayd iyaduna caydhintii iyo bahdilaaddii lagu sameeyay Maxamed Ibraahin Qabya-tire oo damcay jagada guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Kulmiye.

Xaashi iyo Biixi

Maxamuud Xaashi, oo hore u soo noqday wasiirradii duulista iyo madaxtooyada ee xukuumaddii Axmed-Siilaanyo, waxa uu isu tusinayay in uu heli doono shirweynaha afraad jagada guddoomiyaha/musharraxa xisbiga Kulmiye. Hore, waxa u jirtey in afar wasiir oo ay Siilaanyo is xigeen oo Maxamuud Xaashina ugu cadcaddaa in ay Muuse Biixi jilbaha u laabteen madaxtooyada Hargeysa. Muusena uu kaba caagay siyaasad, oo beertiisii iskaga nefisaad doontay. Waa se tii la xalliyay arrintaas oo la dhawray xeerjajabkii hagbadda qabyaaladeysan ahaa ee la magacbaxay “Jeegaan”. Muuse kolkii uu gacanta ku wada dhigay xisbigii, xinkii iyo ciilkiina calooshiisa ayaa uu ku qarsaday. Xaashina waa kii ugu ololeeyay, ugu dambeynna Muuse kursigii madaxtooyada gacanta ku dhig.

In kasta oo Xaashi wareysi uu siiyay Horn Cable TV ku sheegay in uu han madaxweyne leeyahay, rabana guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, haddana waxa uu ku lammaaneeyay isaga oo labalabeynaya in aan cidna la tartami karin madaxweyne haddii uu is sharraxo. Balse, in muddo ah oo uu kolba dhinac wax ka dayo, dhaqan, buuq, siyaasad, waa uu tahli kari waayay in uu shaanina ku dhex qarxiyo Hargeysa, xataa sheeg ama taayir waa uu gubi kari waayay uu kursiga ka xodxoto Muuse Biixi. Talo waa ay ku caddaatay, halkaana waxa ka muuqatay in xisbigii laga dhacay Maxamuud Xaashi, hadal iyo hawl kalena aysan ugu hadhin. Samiryaa ama diidyaa, garowshay in aan shirweynaha soo socda waxba u oollin. Waxa u soo baxday laba waddo mid ahaan; in uu shirweynaha iyo Kulmiyeba faraha ka qaado, iyo in uu malxiis ka noqdo xataa iyada oo aan loo yeedhin shirka. Waa se siyaasi cabqari ahoo, iska diid minxiisnimadii Muuse Biixi la damcay.

Sebtember 08, 2020, ayaa uu shirjaraaid ku qabtay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, khudbad saacad badhkeed ah ayuu ka jeediyay halkaas. Taas oo uu kaga cowday sida loo boobay xisbigii hagbadda ahaa ee uu ka sugayay Kulmiye, iyo eedaymo iyo dhalleecayn sida mutulka tuullan oo uu uruuriyay. Maxamuud waxa uu halkaas ka sheegay in uusan shirweynaha soo socda ahayn madal xor ah ee uu yahay bogcad Muuse Biixi si keli-talisnimo ah u maamuli doono. Beeni waa xaaraan e, sidii baana uu shirweynihii u dhacay uu sheegayay Xaashi. Balse, Xaashi waxa uu iska indha tirayay in Kulmiye uusan hadda baabi’ine uu hore u baaba’ay, kolkii hagbadaha xaaraanta ah kuraasta lagu kala boobayay.

Caydhintii Qabya-tire

Maxamed Ibraahin Qabya-tire oo hore u ahaa wasiirkii qorshaynta qaranka ee xukuumaddii Axmed-Siilaanyo, oo rabay in uu ka mid noqdo tartayamaasha hoggaanka xisbiga Kulmiye, gaar ahaan jagada guddoomiye ku-xigeenka saddexaad. Si foolxun oo bahdilaad iyo sharafdhac ka muuqdo ayaa lagu sameeyay kolkii uu isku dayay codsiga arjiga ee tartanka, iyada oo xaruntii xisbiga laga soo xidhay, lacagtii iyo arjigiina laga qaban waayay. Welibana askar lagu dalbaday. Bal suureyso masuul ka tirsan xisbi, wasiir hore ahaa, deegaan ahaan saameyn weyn ku lahaa xisbiga, welibana ka mid ahaa dadkii ololaha ballaadhan uu galey Muuse Biixi, in sidaa loo galo.

Waa waxyaabaha caddeynaya burburka ku habsaday dimuqraadiyaddi Soomaalilaan iyo xisbiga Kulmiyeba; iyo in dadku xisbi moodaayaan, se uusan ahayn xisbiyadii la yaqaannay. Dhinac kale, deegaanka uu ka soo jeedo Qabya-tire oo hore u lahaa xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye, waxa laga dhigay jagadaas mid uu Muuse Biixi soo magacaabo oo aan la soo dooranin. Kolkii jagadaas ay waayeen deegaankaasi, hoggaankiina Qabya-tire waa loogu quusgooyay in uusan xaq u lahayn. Beesha deegaannada Balligubadle iyo Axmed-Dhagax ee gobolka Maroodijeex, gebi ahaanba wixii ay ka sugayeen ama se xaq ugu lahaayeen xisbiga Kulmiye waa laga qadiyay, maqaamkii iyo mudnaantii ay lahaayeenna lama marsiin, xaqiiqatan.

Haddaba, falkaas lagu sameeyay Qabya-tire ayaa ujeedka uu Muuse Biixi ka lahaa waxa ay tahay in uu deegaan kale isleeyahay ku kasbo, taageerradooda. Waaba haddii cid dambe taageeri doonto Muuse, oo hore kuwii u taageeray ay fartooda eedeene. Shirweynihii afraad ee xisbiga Kulmiye, waxa guddoomiye ku-xigeenka saddexaad uu Muuse Biixi u doortay Xuseen Aadan Cadde, oo ka soo jeeda gobolka Sanaag, ama si guudba deegaannada Khaatumo (SSC). Isaga oo raba in uu ku garaaco Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo shirkii Golaha ku Dhexe ee xisbiga Waddani loo doortay jagada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ilaa shirweynaha laga qabanayo. Oddoroskayga se, u maleyn maayo in Muuse Biixi ay shaxdaasi iskugu toosayso, oo ay ilaa heerkaas reer Khaatumo ku hodmi doonaan Muuse, iyaga oo horeba u diiday.

Saajin iyo Saylici

Inqilaabyada kale ee aan dhiiggu ku daadan, kuwaas oo dhacay shirweynaha afraad ee Kulmiye hortii waxa ugu weynaa midka dhexmaray Maxamuud Saajin iyo Cabdiraxmaan Saylici oo isku deegaan ka soo jeedo. Saajin iyo Axmed Muumin Seed waxa ay doonayeen in ay Cabdiraxmaan-Saylici kula tartamaan, waaba haddii uu tartan noqon lahaaye, kursiga guddoomiye ku-xigeenka afraad ee xisbiga Kulmiye. Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye waxa ay shirka ka hor soo jeediyeen shuruudaha looga baahanyahay musharrixiinta, waxaana ka mid ahaa in uu toban sannadood ka tirsanaa xisbiga. Balse, si Axmed Muumin Seed oo aan xisbiga muddo shan sannadood ah ku jirin daaqadda looga saaro. Sidii baana dhacday oo Axmed waa laga hor leexiyay Saajin. Waxa isku soo hadhay Saajin iyo Saylici oo keliya.

Maxamuud Saajin ayaa bishii Sebtembar 16, 2020, waxa uu shirjaarid ku weeraray Cabdiraxmaan-Saylici, isaga oo ku eedeeyay in uu kursiga ku abaaday, diidayna in uu ka kaco. Ayna tahay xilligii isaga (Saajin) uu meteli lahaa reer Awdal. Oktoobar, kowdeedii ayaa waxa la heshiisiiyay Saylici iyo Saajin, oo tolow maxaa lagu heshiisiiyay? Waxa lagu heshiisiiyay in ay isu tanaasulaan, oo weliba Saylici u tanaasulo Saajin. Sidaasna Saylici waxa uu isaga dhaafay tartanka guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Kulmiye. Waa yaabe, Sayliciyoow maxaad u tanaasushay? Sowdigii lahaa han baan leeyahay. Waa ta kale e, ma waxa aad aragta han loo seeteeyo han kale. Isu tanaasulku maba xuma, oo waxa qaramada iyo dunida lagu socodsiiyo, laguna horumariyo, balse adigu ma Saajin oo aad ogayd sida uu kuu weeraray ee laguugu direy baad aayar isaga tanaasushay? Waa su’aalo horyaalla Cabdiraxmaan-Saylici.

Ugu dambeyn, shirweynihii afraad ee Kulmiye waxa guddoomiyaha ku-xigeenka afraad loo doortay Maxamuud Saajin. Xaqiiq ahaanna, waa cidda loo badin karo in uu beddeli doono booska Saylici. Dhinaca kale, kolka lagu fiiriyo indhaha oddoroska siyaasadeed waxa ay u muuqataa in Muuse Biixi damacsanyahay isku garaacidda, ama isku liska Maxamuud Saajin (Kulmiye) iyo Amb. Maxamed Cali (Waddani) oo ah musharraxa ku-xigeenka madaxweyne ee xisbiga Waddani. Kuwaas oo labadooduba ay ka soo jeedaan gobolka Awdal, gaar ahaan isku jifo hoose yihiin; oo waa ay iska sii xigaan Saylici iyo Axmed Muuminba.

Gunaanad

Ugu dambeyn, runtii shirweynihii Kulmiye ee muddada saddexda maalmood ah socday, gebi ahaanba waxa uu ahaa meel uu Muuse Biixi inqilaabay hore iyo dambeytaba. Wax dimuqraadiyad iyo tartan is doorasho oo xalaal ah ka dhacayna m ahayn, horena loogama filayn. Hoggaanka xisbiga ee la iclaamiyay laguma tilmaami karo mid la doortay kolka lagu fiiriyo indho cilmiyaysan oo dimuqraadiyad iyo xorriyadi ku dheehantahay. Waxa se lagu tilmaami karaa hoggaan uu dooray (Selected) Muuse Biixi. Farqi weyn baana u kala dhexeeya doorasho (Election) iyo doorid (Selection). Waxa shirweynaha afraad ee Kulmiye ka dhex dhacayna waa doorid ee ma aha doorashooyinkii xisbiyada dimuqraadiga ah ka dhex dhici jirey ee dunida taqaannay, Soomaalilaanna hore ugu soo dhaqantay.

Xaqiiqatan, ma jirto nasiibdarro ka weyn sida loo kufsaday, loo bahdilay ee welibana loogu ciyaaray ee loogu tuntay hannaankii dimuqraaddiga ahaa ee shacbiga Soomaalilaan ku heshiiyay. Sida qabyaaladdii iyo xisbinnimadii la iskugu  maray, sida hagbado xaaraan ah ummadda loogu kala qeybiyay, sida bulshadii u oommanayd nidaam caddaalad iyo dawlad-wanaag u horseeda loogu sii hayaamiyay xin, cuqdad iyo isnac cusub oo aan la garan doonin goorta uu soo afjarmi doono. Waxa aan ku soo gunaanadayaa, ha loo soo noqdo ku dhaqankii dastuurka, sharciga, xisbinnimada iyo dimuqraadiyaddii ay shacbiga reer Soomaalilaan ku wada heshiiyeen.

Ku Saabsan Qoraha:

Cabdifataax Xasan Maxamed (Barawaani), waa qoraa iyo cilmi-baadhe. Waxa uu wax ka qoraa arrimaha siyaasadda, amniga, arrimaha bulshada, taariikhda iyo afka. Waxa uu wax ka bartaa dalka Ugaandha (Kambaalla), gaar ahaan kulliyadda diblomaasiyadda iyo xidhiidhika caalamiga ah. Waa maamulaha iyo tifaftiraha guud ee mareegta Indheergarad. Waxa kale oo uu ka mid yahay qorayaasha majalladda Afrikaan-so.

 

La Xidhiidh Qoraha:

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”

Email: barawaani@yahoo.com

Official Email: barawaani@indheergarad.com