Si xun wax u sheeg sixirna ka daran Gobolka Sool wixii ka dhacay goob joog ayaan u ahaa (WQ: Cabdisalan Axmed Cawed)

 

Reer Laascaanood Maanta Waxay Xisbiga Kulmiye kusoo Dhaweeyeen Waji Furan,Astaanta Xisbiga ee labada Midab iyo Qaabilaad Quluubta ka ah Oo aanay Yar iyo Weyn u Kala Hadhin

Bulsho Tiro Badan Kumanaan Kor u u Dhaafaya ayaa Kulmiye usoo Baxay,Goobta Waxaa Sidoo kale Ku Sugnaa Kooxda Xidigaha Geeska Oo Madashaasi ka Qaadayay heesaha Xisbiga

Dadweynahu Gaar ahaan Dhalinyarada Waxay Xiisaynayeen Heesaha Waxay Kooxda Ka Codsadeen in Marar kale Loogu Celiyo Heesta iyada Oo ay Taagantahay Waqti Danbe Qoraxduna aad u Kululeyd

Dhallinyarada Qaarkood ayaa ka Cadhooday in loogu Celin waayay Heestii waxaanay Shiideen Kooxda,Halkaa waxay Ciidanku Riideen 3 Xabo Oo Rasaas ah intaas Kaliya ayaa Goobta ka Dhacday Khudbadihiina iyo Xafladiina Halkii ayay kasoo Socotay

Waxaan Arkay Qaar Wariyayaal Sheeganaya Oo Xisbiga Wadani u Shaqeeya Oo Yidhi Muuse Biixi ayaa la rasaaseeyay Arinkaasi Aan Tilmaamay Kaliya ayaa Kobtaa ka dhacday

Cabdisalan Axmed Cawed CãBdi GêŗMâny
Cabdigermany11@gmail.com