Sicirbararka ma adigaa ka masuul ah? (WQ: Mustafa A. Nuur)

 

Dhaqaalle-yahannadu, sicirbararka waxa ay ku qeexaan in uu yahay “qiimaha maceeshadda iyo adeegga oo si joogto ah kor ugu kaca si xidhiidh ah muddo dheer” Kolka uu qiimaha maceeshaddu kor u kaco, qayb kasta oo lacagtii ka mid ahina intii ay goyn jirtay (lagu iibsan jiray) wax ka yar ayay goynaysaa, duruufta noocaas ah ee ummad ku dhacdaana waxa ay natiijadeedu noqotaa in lacatii ay ummaddaasi lahayd ay waxba ku iibsan kari waayaan qiime ahaan, oo ay  bilaa qiimo noqoto.

Dhaqaalleyahannadu iskuma raacsana sababta rasmiga ah ee keenta sicirbararka. Intooda ugu badani waxa ay tilmaamaan in abuuritaanka iyo keenista lacag ka badan dalabka iyo baahidu ay tahay sababta ugu weyn ee keenta sicirbararka. Waxaa jira halkudhig arrintaa qeexa oo la yidhaahdo “Lacag badan oo baacsanaysa maceeshad yar”. Lacagtii wareegaysay ayaa ka badan, baahidii adeegga iyo maceeshadda (Oversupply of money in the economy)

Tusaale ahaan haddii mucaddalka sicirbararku uu yahay 2%,  macnaheedu waxa weeyaan, xabbaddii nacnaca ahayd ee sannadkii hore ahayd  $1, maanta waxa ay joogsanaysaa $1.02. Kolkaa halkii dollar wuu qiimo dhacay oo intii uu  sannad ka hor kuu gooyay maanta ma gaadhi karayo. Sicirbararku waa masiibo noocaa ah oo adiga oo lacagtaadii jeebka ku haysta haddana aanay waxba kuu jarjayn ee aad ka bakhtiyayso!

Kolka ay taasi muddo socoto, waxa ay saamayn taban ku yeelataa dhaqaalihii waddankaasi uu lahaa. Dadka wax haystaa mararka qaar si togan ayuu u saameeyaa sicirbararku oo hayntoodu kor bay u kacdaa, kuwa saboolka ahi se, way ku baaba’aan, dayn badan oo aanay ogayn in ay iska bixin karaanna way galaan.

Dhowaan tallaabadii iyo qorshihii ay xukuumaddu damacsanayd in ay kaga hor tagto oo kula dagaallanto sicirbararka, go’aamaddii ay ka soo saartay waxa ay muujiyeen in aan si taxaddir leh looga fiirsan wax ka qabashada mashkillada sicirbararka wadanka ka jira. Lama dhayalsan oo isku day waa la sameeyay, sida ay u muuqato se waa la hareer maray dawadiisii. Sicirbararka maanta Somaliland ka jiraa shalay muu dhalan, muddo dheer ayuu soo jiitamayay, mar ba heer buu taagnaa, qiime dhaca lacagta Somaliland marba hoos buu u sii dhacayay, illaa halka maanta aynu arkayno uu soo gaadhay. Daawaynta sicirbararka maanta Somaliland ka jiraana “45” dharaarood lagagama bogsan karo.

Guddidii loo saaray in ay mashkilladan wax ka qabtaan, waxa ay u dhaqmeen sidii daaweyntiisu ay amarro dawladeed oo qudh ah ku imanayso, ama ba ay ogyihiin in cid lagu eedaynayaa ay jirto oo ay ugu hanjabayaan in ay ka waantoobaan abuurridda sicirbararka! Guddidu go’aamadooda kumay salayn sabab ay soo daraaseeyeen oo ay hubaan in dawadeedu ay noqonayso go’aamadii ay soo saareen.

Somaliland waxa ay daabacday lacago noodhadhkooda ay ugu weyntahay 5000 Shilin. Cid maanta sababayn karta baahidii keentay in lacagta Somaliland noodhkeeda illaa heerkaa la gaadhsiiyaa ma jirto. Wakhtiga lacagtaasi la daabacay, dhammaan suuqyada waddanka Somaliland waxaa ka taagnnaa sicirbarar iyo qiimo dhac lacagtii Somaliland ay sii baaba’aysay. Lacagtaasi daabacaddeeda waxaa ku baxday lacago malaayiin dollar gaadhayay. Malaayiintaa doollar waxa ay wax ka qaban karaysay, lacagta dollarka ah ee qiimaheedu kor u socdo ee tii Somaliland madaxa kaga taagnnayd ee suuqyada buux-dhaafisay. Sidaa lama yeeline, sidii Siimbaabwi ayaa ‘Shan kun’ oo jeebka sare lagu qaadan karo la inoo soo daabacay.

Dhammaadkii bishii Jeenaweri ee 2017-ka ayuu madaxweynihii hore ee Siilaanyo guddi u saaray in ay talo ka soo saaraan sidii sicirbararka wax looga qaban lahaa. Guddidaasi waxa ay soo saareen 17 qodob oo aan mid ka mid ahi ka dhaqan gelin. Ma ogi in ay guddidan cusub ee Muuse Biixi magacaabay ay ka war hayso guddidaa hore iyo talooyinkoodii iyo sababta ay u hir geli waayeen. Waa hubaal in aan guddidaa hore na raadraac ka tegin, balse guddidan danbe in ay waddadii kuwii hore uun maraan iyada oo dad iyo dalba aynu baaba’ nahay waa mashkillad kale oo hor leh. Cudurka in la daweeyo waxaa ka horreysa in la helo dhakhtarkii ku habboonaa, cudurkii oo la garto waxa uu hayay, ka dib dawaayantu ma cuslaato ee si uun baa loo maareeyaa. Waddankastaa kolka uu mashkilladdiisa xallisanayo waxa uu ku salleeyaa xaqiiqada dhabta ah ee isaga ka dhex jirta. Sicirbararka Maraykan ka jira iyo ka Somaliland ka jiraa,  dhan kasta iskaga mid noqon maayaan, xaalado gaar ah oo ay ku kala duwanaanayaan ayaa jiraya; kuwaasi in si gaar ah loo eego ayaa ka habboon in budhka uun lala boodo.

Qodobada ay guddidan cusubi soo saartay, way kala dhantaallanyihiin, dhammaantoodna waxa ay xal ka doonayaan ciddii laga difaaci lahaa qiime dhaca lacagta Somaliland. Ganacsatada Somalilnad waa cadaw middiyaha u lisanaya dhiigga saboolka hawlkarka ah ee shilinkooda soo dhidida iyo dawladnimo awood yeelata oo ay Somaliland yeelato. Labadaa midna ma oggolla; ciddiyaha ayaanay ku dagaallmayaan inta ay karayaan.

Guddida waxaa looga fadhiyay in ay ugu horreyn cudurka farta ku fiiqaan oo tilmaamaan halka ay u arkeen in ay masuul ka tahay sicirbararka. Marka labaadna sida ay go’aamadoodu daaawo ugu noqon karaan sicirbararka maanta ka jira Somaliland oo faahfaahsan. Sidee lacagta uu Bakhaarka Oomaar sarrifaa ay sicirbararka ku keentay?

Haddii ZAAD iy eDahab la yidhi lacag $100 ka yar ha dirina, sidee bay sicir bararka daawo ugu noqonaysaa? ZAAD iyo eDahab soo weli lacag dollar ah oo ka badan $100 oo aan cid ka warhaysaa jirin xaddigeeda suuqyada ma wareejinayaan. Wixii boqol doollar ka yar soo dadka intii danyarta ahi ismay dhaafsan jirin uun? Ma intaasaa sicirbarar ka sabab u ahayd. ZAAD iyo eDahab toona intaa waxba ma yeelayso ganacsigooda, sicirbararkii iyo qiimodhacii lacagtii Somaliland na waxba ka tari mayso.

Ganacsadaha Somaliland ee qaadka keena haddii cashuurta lagu kordhiyay, soo isna inta cunta uun qiimaha ku kordhin maayo? Dadka qaadka cunaa wakhtiga ay qaadka iibsanayaan waxa ay ku qasbanyihiin in ay qiime kasta oo uu taaganyahay ku iibsadaan. Kolla qaadwalaha cashuurta lagu kordhiyay wax ka tari mayso in sicirbararka lagu daweeyo. Qaadku kolkiisa hore ba waxa lagu iibiyaa qiime xad dhaaf ah oo aad uga badan ka lagu soo iibsado.

Qaad soo dejiyaha cashuurta lagu kordhiyay sidee ayay sicirbararka daawo ugu tahay? Iyadana Muuse Biixi iyo guddidii arrintaa ka soo talisay shacabka ha uga jawaabaan. Ilayn wixii aad xal u aragtay waa in ay jirtaa si aad ugu wanacsanaatay xalnnimadooda’e.  Ganacsadaha qaadka Itoobiya ka keenaa, waxa uu waddanka ka saaraa lacag adag oo dollar ah. Lacagtaasi waxa uu ka sarriftaa suuqamadaw, qiimaha uu doono oo aan cid ka xakamaysaa jirin ayuu ku sarriftaa. Doollarkaa Itoobiya lama galee, Baanka xabashida ee Wegagan ayuu kaga beddeshaa lacagta Itoobiyaanka ee Birta. Taasuu ku soo gataa qaadka. Giraantaa meersan ee dan alla dan Somaliland ugu jirtaa aanay jirin  in la jebiyo oo ganacsadaha qaadka lagu qasbo in uu lacagta ka sarrifto baananka Somaliland ayay ahayd, isla markaa cashuurta lagu kordhiyo, faa’iidada uu qaadka ka helana la cashuuro iyada lafteeda oo refeniyuuga dawlada lacagi ka soo gasho. Kolka dawladdu ay hanti leedahay ee wax gacanta ugu jiraa ay jiraan ayay sicirbarar la dagaalami kartaa. Dawlad aan waxba lahayni sicirbarar ma xakamayn karto. Ganacsiga iyo wershadaha waddanka wax alla wax ay ku leedahay ma jirto,  1% meel ay ku leedahay ma jirto. Kuwii ay lahayd ayaabay maalin kasta iibisaa.

Dawladnimadu askar dadka laag la dhacda oo qori la ordaysa uun ma ahee, waa in ay jirtaa awood ay ku leedahay go’aaminta dhaqaalaha dalka ay maamusho.  Xukuumaddu waxa ay u baahantahay in dhismaha dhaqaalaha waddanka ay wax ku yeelato, saami ku yeelato iyada oo xaq-dhowraysa suuqa xorta ah, haddana waa in ay ku talogashaa in ay awood iyo karaamo ku yeelato fulinta danaheeda xukuumadeed oo dan u ah dadka hoose ee danyarta ah, sida askariga, macalinka, iyo xoogsadaha muruq maalka ah.

Waxa aan ku talin lahaa: xukuumaddu  dib ha iskugu noqoto oo afar tan qodob wax sicirbararka maanta jira wax lagaga qaban karayo ma ahee, talo tan ka duwan oo dawladnimo iyo aqoon xanbaarsan halla timaaddo, xukuumaddu ha soo ceshato hantidii dawladdu ay lahayd, sida warshaddii korontada, warshaddii sibidhka, saami ha ku yeelato is-gaadhsiinta, ha dejiso siyaasaddii cashuurta faa’iidada shirkadaha (corporate taxes) Telesom waxa ay faa’iddaa sannadkii boqolkiiba laba boqol. Lacagta intaa le’eg xukuumaddu senti kuma laha! Bal ogow adeegyada, jidadka, hawada, dhulka, cirka, iyo dhammaan hawl-fududeeyayaasha kale oo dhanna waxaa maamusha xukuumadda. Waddada jajaban ee Hargeysa dhex marta inanka gaadhiga cad wata ee Telesom u shaqeeyaa waxa uu xukuumadda ku maagaa in ay dhisi wayday waddadaasi. Xagay ka keentaa? Haybadda dawladnimadu waxa ay ku jirtaa in aad u madaxbannaanaato maamulkaaga. In awoodda Baanka Dhexe ee garbaduuban faraha laga qaado si uu u dabbaqo oo u fuliyo awoodihiisa iyo xeerarkiisa. Haddaad akhrido xeerka Baanka Dhexe iyo awoodda uu leeyahay isagaaba ku filan sicirbarar iyo doollar barar kasta. Xukuumaddu ha yeelato kayd lacageed, oo weliba lacag adag ah, sida doollar ku fillaada in ay kaga hortagto lacag kasta oo suuqyada soo gasha, dibna ugu soo celiso qasnnadda dawladda si ay u joogtayso awooddeeda dhinaca dhaqaalaha ee ay ku xakamaynayso sicirbararka. Sicirbararka lama tirtiri karo raytkiisa, balse waa in meel lagu ogaado oo halkaa lagu ilaaliyo. Tusaale ahaan waddamda horumaray waxa ay ku ilaaliyaan 2% illaa 3%. Intaa hadduu ka kordho, fadhigaa laga kacaa oo waa loo gurmadaa sidii loo hakin lahaa. Xukuumaddu ha dhiirri geliso wax soo saarka gudaha waddanka, hana ka xoroowdo ganacsadaha kibray, cashuurta waddanku xaqa ugu leeyahayna hallaga qaado.

Madaxweynaha ayay dadku doorteen. Guddida arrimaha sida sicirbararka oo kale ama abaaraha loo magacaabo maxaa madaxweyaasha Somaliland ka reeba? Hawlaha sidan oo kale badbaadada ah waxaa looga baahanyahay in uu isagu hoggaamiyo, oo guddida dhex fadhiisto oo talo ku yeesho, isaga oo aqoonta iyo waayo-aragnimadana mudnnaanteeda siinaya. Dhaqankaa “guddi magacawga” madaxweynuhuna gurigiisa ha ku nasto waa saaqidnimadii xukuumaddii Siilaanyo. In laga baydhaana way ila habboontahay.

Ugu danbayn waxaan ku gebgebaynayaa, xukuumaddani wax ha ka barato tii ka horreysay ee sidii jin dagaagay waddanka dam ku tidhi! Ha barato sidii hawlaha loo kala horreysiiyo. Somaliland 27 sanno ma malaha siyaasad cad oo gooni isku taagga Somaliland tilmaamaya. Miyaad maqasheen ‘Siyaasadda gooni isku taagga’. Xukuumaddii hore waxa ay ka koobnayd 70 wasaaraddood, hal wasaarad oo arrimahaa gooni isku taagga iyo ictiraafka ku shaqo lahaydna may jirin, xitaa komishan ama hay’adi may jirin. Waxaa jirtay ‘Wasaarradda Wershadaha’ Halkeebay wersheduhu ku yaallaan? Xukuummaddan cusubina bartii ay tii hore ka miistay ayuun bay ka sii miistay. Wasaaraduhu ha tiro yaraadaan, weli se waxaa maqan, in wasaaradaha iyo baahiyeenna la is waafajiyo. Kuma qasbanin in dhismihii xukuumaddii kacaankii Siyaad Barre uun la isku eekaysiiyo oo wasaaradihii iyo magacyadii uun la daba socdo. Maanta waxa aynu baahannahay Wasaaradda Ictiraaf Raadinta!

Waxa Qoray: Mustafe A. Nuur

manmustafa@gmail.com