Ugu horeyn ,Xaaladda Deg-degga ahi waa marka dawladda loo ogol yahay in ay soo rogto ama adeegsato tallaabooyin iyo siyaasaddo aan loo ogollayn in ay adeegsato caadi ahaan marka aan wax dhibaato ahi jirin ama ay xaaladdu degan tahay.
Xilliyada dawladdaha awoodda loo siiyay in ay soo roggaan xaaladdan waxaa ka mid ah ; marka ay jiraan Masiibooyinka Dabiiciga ah, Kacdoon Shacab , Dagaallo ama Cudurada faafa oo dillaaca .
Sidoo kale ,waxay leedahay hab raac loo maro oo dhammaan dawladdaha qaybta ka ah heshiiska Caalamiga Ah Ee Xuquuda Madaniga iyo Siyaasigu ,ay raacaan. Haddaba Somaliland xeerkani ma waajib ayuu ku yahay ?
Sida saxda ah ee axdiyada iyo xeerarka caalamiga ah uu waddan kaga mid noqon karaa waa saddex hab ; ka koowaad waa marka uu saxeexu u furan yahay waddankuna goob joog yahay marka heshiiskan la ansixinayo ee ay gelayaan laba dowladdood iyo wixii ka badan. Markan madaxweynuhu wuxuu kala tashanayaa baarlamaanka 2/3 marka ay ansixiyaan ayuu isna saxeexayaa.
Marka labaadna waddanka oo aan goob joog ahayn markii heshiiska la galayey ayaa isagoo la isku soo raacay uu aqbalaa waddanku marka loola yimaado .
Marka saddexaadna wuu dhaxlaa wadanku ,sida Eritrea ay uga dhaxashay xeerarkii caalamiga ahaa ee Ethiopia ay gashay xilligii ay midaysnaayeen.
Si lamid ah sidaas , xeerka Caalamiga Ah Ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasiga waxay Somalia sexeexday 24kii bishii 1aad 1990, xilligani waa ka hor intii aanay Somaliland madaxbanaannideeda kala soo noqon Soomalia . Sidaa awgeed Somaliland xeerkan waxay ku heshay habkan saddexaad.
Dhanka kale , sidee ayaa loo soo roggeyaa xaaladda Deg-degga ah ?
Sida ku cad xeerka Caalamaiga Ah Ee Xuuqda Madaniga iyo Siyaasiga (ICCPR ) qodobkiikas Afraad (4) waxa xaalad degdeg ah la soo roggeyaa marka ay lagama maarmaan noqoto toyoo ay jiraan sababa kor ku xusanni, waxaana waajib ah marka baarlamaanka waddaku isla qaatan soo rogidda xaaladdan in warqad loo diro Xoghaya Guud Ee Qaramada Midooway, si uu ansixiyo.
Ka dib marka uu soo ansixiyo ee la soo roggo Xaaladda Degdega ah , xuquuqaha qaarkood dawladdu ma joojin karto ama kama xayuubin karto dadka rayidka ah, sida xuquuqahan soo socda :-
6. Qof kastaaba wuxuu xaq u leeyahay in uu noolaado
7. Qof kastaaba wuxuu xaq u leeyahay in aan maskax ahaan iyo jidh ahaan midkoodna jidh-dil loogu geysan.
8.Qofna looma haysan karo sifo addoonsi ah ama lama addoonsan karo
9. Qof kastaaba wuxuu xaq u leeyahay in aan loo xidhi karin heshiis uu u’ gudan kari waayey sidii uu u’ galay.
15 . Qofna dembiile uma noqon karo fal uu sameeyay kaas oon aan ahayn fal dembiyeed.
16. Qof kastaaba wuxuu xaq u leeyahay in qofnimadiisa la garawsado sharciga hortii.
18. Qof kastaaba wuxuu xaq u leeyahay in uu u madax banaanaado ra’yogiisa iyo diintiisa.
Ugu dambayn, xaaladda deg degga ahi waxay soo martaa ama soo raacdaa jaranjartaa dheer , waxayna u baahan tahay taxadar iyo in la tix geliyo xuqaaaqaadka aan la joojin Karin.