Sidee daawladnimo ku waartaa? Qodobka 3aad. “Nabadd Waarta” (WQ: Xasan C Shire)

Nabaddu waxay had iyo jeer ka mid tahay qiimaha ugu sareysa ee aadanaha – qaar ka mid ah, haddaan eegno xikmadaha laga yiri nabadda ee dhaxalgalka ah; 1 “Nabadgalyada ugu liidata waxay ka fiican tahay dagaalkii ugu da’da yaraa ee koonka ka dhaca.” 2 “Nabadgelyadu way ka muhiimsan tahay caddaaladda oo dhan” Rasuulkeena suuban naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahata e, waxa uu ku ducaysan jiray “Alloow amni iyo iimaan” oo muujinaysa ammaanku inuu saldhig u yahay waxkasta.

Hase yeeshee, aragtida ugu caansan (Galbeedka) waxay tahay in ay u yaqaanaan nabadda “maqnaanshaha muranka, rabshadaha, faqriga, maamul-xumida ama dagaal, waxa ay saldhig uga dhigaan nabaddla’aanta macnaha laga helo Axdiga cusub oo midho la’aan laga dhaxlay”.

Qaaybo kamid ah hannanka nabadda:

1. NABADDA LOOGU TALAGALAY GARGAARKA BULSHADA

Muuqaalkayga iyo macnaha guud ee la xidhiidha nabadgelyada waxaa ugu wacan dhowrka mabaadi’da nabadda lagu dhiteeyo bulshada ee ay kamidtahay nabadda lagu ilaasho in dadka saboolnimada laga dhoowro si’aanay u keenin nabbad-darri saameeysa inta waxhaysta ugu na muhiimsan in gargaar kala duwan loo fidiyo bulshooyinka la takooray, la ildaran dhibaatooyin “dadka aan waxba haysan adduunka meelna malaha” waa fikran caanbaxday oo katimid aragtidii Maltous nuxurka waxa weeyaan dadka fuqarada ah ee aan lahayn guryaha iyo dhaqaalaha dhibaato kuma hayso nabadd darrida jirta waayo habeenba halka ay rabaan ayay u hoydaan, waa in dadkaas la dejiya loona abuura nolol .

2. Mabaadii’da Isdhexgalka

Isku dhacu waxa keena baahida isu-dheellitirnaan la’aanta awoodaha ee ka mid ah danaha, awoodaha iyo rabitaanka. isku-dheelitirnaanta is-dhexgalka ee waxa ay dadku rabaan, heli karaan, oo diyaar u yihiin raacidda nidaamka loo qorsheeyay waxay keeni kartaa nabadd waarta. Dabeecadda isku dhaca, ha ahaato falalka colaadeed, rabshad, ama dagaal waa habab iyo muujin nabbad-darri oo ay keenayaan nidaam kala fogaanshiyo ama fahanla’aan ka jirto dhanka hogaaminta bulsho ama dal ee dhanka isdhaxgalka iyo qaabsiga khayraadka bulsho si laysku soo gaadho.

3. Hanaanka hub-ka-dhigista, kala-daadinta iyo isdhexgalka;

Dagaal in la qaadaa waxa ka wanaagsan in loo diyaar-garoobo isdifaac, isdifaac na waxa kasii wanaagsan in aad nabad ku raadiso hannaanka iyo tubta hub ka dhigista loo marayo hab wada-xaajood, dhaqaale bixin iyo inaad la timaado mashaariic isdhexgal lagu na abuurrayo nolol bulshooyinka saboolka ee u nugul in ay qori qaataan lana baro nolosha dhadhankeeda lagaga badbaado hammiga colaadda ee caqliga saboolka inta-badan ka guuxaya ama dadgaar ah ku abuuraan, u fiirso meelaha nolosheedu hooseeyso waxa ku badan qalaalashe awaarsan!

3. Mabda ‘Iskaashiga

Wadashaqayntu waxay kuxirantahay waxa laga filayo e waafaqsan awoodda bulsho iyo taariikhda heshiisyada la galay ee masiiriga ah. Iyadoo loo marayo dejinta iskahorimaadka xaalad gaar ah ee hore bulshada uga soo dhexdhacday lana abuuraa in bulshooyinku isu-tallaabi-karaan, dheelitirnaanta awoodaha iyo heshiiska la xidhiidha dhaqanka nabadeed e bulsho iyo mid dhaqan-dhaqaale. Miisaankani waa isku-dheelitir qeexan oo ku saabsan danaha, kartida, iyo rabitaanka dhinacyada. Qeybta qaab-dhismeedkani iskaashi waa xaalad, ama rajooyin gaar ah oo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka qofka ama bulsho. Isku dhaca waxa keena kara in la iska-indha-tiro heshiisyada bulsho ee taariikhiiga ah waa sababata ay isdhaafiyaan nidamka markaas gacanta ku hayda gaar ahaan Afrika heshiiska ay hore u la galeen qabiil, jabhadd ama kooxo mucaarad ah oo wuxuu galaa isku dheelitirnaan-la’aan gaar ah ee awoodaha iyo qaabka la xidhiidha waxyaabaha laga filayo.

3. Mabaadii’da Fudud

Farqiga u dhaxeeya filashooyinka iyo awoodda ficil ayaa sababa khilaaf ama dadka qaar ayaa qaba filasho aadu sareeysa ka hor intaan awoodda gacantaada soo galin. Qaab dhismeedka laga filayo, marka la dhisto, wuxuu leeyahay istiraatiijiyad bulsho oo la taaban karo, iyada oo dheellitirka taageerada awooddiisu ay si dhaqso ah u bedeli karto caqabadaha jira. Dareemayaashu way isbadali karaan, awooddooda cusubi way kobcin kartaa, doonistaad waxay xoojin kartaa ama daciifin kartaa waxa ad rabto inaad qabato muddada awoodaadu gacantaada ku jirto laakiin dadyoowga saboolka ah ama baahani waxay jecelyihiin in waxkasta dhacaan sannadaka koowaad ama bilaha hore taas oo ka baxsan fahanka daawladnimada ama qabashada haawl-culus dadyoowga qarkood u qaataan in la sakranayo tiiyoo socoto dadaalo xooggan, arrintani waxay u baahantahay wacyigalin xooggan oo abuurikarta in dadka maankooda lagu abuuro xasilooni nololeed laga na hortaggo in ay maskaxda dadka hantaan si-xun-wax-u sheegga.

4. XAALADAHA SHARCIYADA BULSHADA

Heshiisyada bulshada waa saldhigga aasaasiga ah ee nabadda sida halkan ku qeexan, waxay qaadataa qaabab badan oo isdhex gala oo isku dhafan habab kala duwan, habka adag ee lagu amro bulshada iyo ururada bulshad. Waa in la ilaashaa ama la dhisaa qandaraas bulsho – nabadgelyo – waa wejiga kaliya ee lagu xalinkaro helitaanka ishaarada iskahorimaadka, waana sida si siman oo ku habboon dhaqdhaqaaqa muddada fog ee xidhiidhada dadka, bulshada, ama caalamiga ah.

5. Filashooyinka iyo fikirdhiibashada

Rajadu waa saadaashii ku saabsan natiijada dabeecadda qofka, qabiilka ama bulshooyinka, heshiiska bulshadu waxa uu iswaafajiyaa qaar ka mid ah filashooyinka ka dhexeeya dhinacyada; taas oo ah, waxay u suurtogelinaysaa qof kastaa si kalsooni leh u saadaaliya jawaabaha kale ee dhici-kara. Fikradaha noocan oo kale ah waa kala duwan yihiin; filashada muwaadiniinta ama bulsho waa in aan la takoorin iyaga ayaa si fiican loo horumariya oo la dhisaa loona rogi kara faa’iido.

~~~~~~~~~~

la soco qaaybta 6aad–

Xasan C Shire