QAYBTA Koowad “Maamul-wanaag”.
Daawladnimo ku dhisan maamul wanaag waxa laga rabaa in laga arko qodobada guud ee maamul wanaagga lagu yaqaan sida:
1. Hufnaan- mid dhaqaale, khayraad, fursadeed, waxbarasho IWM, waa in la helaa hufnaan caddaynaysa habka wax u dhacayaan, u baxayaan iyo qaababka loo cuskaday dhammaan arrimo bulshadu u simmantahay taas oo loo baahanyahay in ay daalacankaraan dhammaan muwaadiniinta xaq u leh in ay ogaadaan arrimaha masiiriga ah ee dhaqan-dhaqaale. Sida tabta muraayad nadiif ah oo qofkasta arki-karo ama garankaro.
2. Isla-xisaabtan- waa in ay fududdahay in dadku la xisaabtami-karaan metelayaasha dhabta ah ee ay cugteen, sidoo kale waa in ay metelayaashu xisaabin-karaan ama hubin-karaan dadka aay shaqalaysiiyeen si’ay ugu adeegaan bulshada soo dooratay!
Haddaba, haddii aanay dhicin taasi, waa in ay dadka muwaadiniintu helaan meelo ay ku gudbinkaraan tabashadooda iyo baahida ay u qabaan inay ka cawdaan ama dhaliilaan hannaanka adeeggu ku soo gaadho ama hab macaamiilka u dhexeeya metelaha iyo bulshada.
3. Ka qaaybqaadasho- waa in ay dadka muwaadiniintu helaan meelo ay ku gudbinkaraan fikirkooda xorta ah ee haddana masiiriga ah guud ahaan maalmaha oo dhan e an ku koobnayn maalmaha doorashada, sidoo kale quudinkara go’aamada qaran ee la qaadanayo, saamaynna ku leeyihiin dadku isbedelada dhacaya ee hore loo qaadayo ama lagu qancinkaraa dhacdooyinka dhabta ah ee habsan ama hummaag habsan.
4. Metelayaal-waa in bulshadu heshaa metelayaal u fadhiista kuraasta iyo miiska go’aanka lagu qaadanayo masiiriga ah ama danta iyyaga u ah kuwaas oo ka turjamaya danahooda, isla markaas iyyagu soo doorteen bulsho ahaann metelayaasha kuraastooda loo qoondeeyay.
6. Fulinta iyo dhismaha qaanuunka, xeerarka, hannaanka cadaaladda iyo kala-dambaaynta- Dhammaan hay’adaha u adeega garsoorka qaranka wa in ay bixiyaan garsoor caddaaladeed iyo sinnaan adeeg oo hufan dhammaan bulshada noocyadeeda kala duwan oo aan lahaayn kala-sooc ‘kooda waayn iyo kanyar, ragga, dumarka iyo dadyoowga naafada ah” Waa in sharciga iyo xeerarka kala duwan loo fuliyaa si dhexdhexaad ah gaar ahaanna dhanka xuquuqda aadmaha.
7. Falcelin ama Jawaab-celin: Dhammaan haya’adaha u asaasan shaqada qaranka, iyo adeegga bulshada waa in ay ka falceliyaan baahiyaha dadka ka imanaya iyo kuwa hay’adahaha daawliga ah ama kuwa bulsho ku ogaadeen cilmi baadhis daahfurtay heerkeeda, dhanka kale waa in ay ka jawaaabaan cabashada bulsho.
8. Loo simmanyahay- Waa in dadka oo dhann qabiilo, kooxo iyo dadka naafada ah u wada simmanyihiin khayaraadka oo aanay miiran kooxo gaar ah ama qofaf gaar ah. Sidoo kale waa in caddaaladda iyo asaasiga nolosha si dhammays ah loo wada helaa.
9. Oolnimada iyo waxqabad wanaagsan- Hayadaha waxsoosaarka iyo kuwa bixiya adeegyada waa in ay la miisaanyihiin ama la kulmikaraan baahida muwaadiniinta iyyagoo isticmaalaya khayraadka ugu wanaagsan ugu na kharashka yar.
10. Sahaminta Hiraalka guud- Waa in hogaamiyayaasha hay’adaha daawladda iyo kuwa bulshada sahammiyaan ama banneeyaan tubta ugu hagaagsan ee lagu gaadhi-karo hiraalka guud si’aan rabshad iyo xanaflahayn, sidoo kale qoondeeyaan habkii lagu gaadhilahaa hiraalka guud ee qaranka ama muwaadiniintu leeyihiin, taas oo si cad loo wadagarankaro halka loo guuraayo ama muwaadiniintu markhaati ka noqonkaraan dhacdooyinka kala duwan (taban ama togan).
Xasan Cabdi Shire.
La soco qaaybta 2aad…….