Tacadiyadda ka dhanka ah jinsigu waxay ka kooban yihiin noocyo kala duwan oo ay ka mid yihiin kufsiga, faro-xumaynta, gacan-ka-hadalka guriga iyo weliba iyadoo gabdhaha loola macaamilo six un oo aanay raali ka ahayn. Waxa kale oo ka mid ah in la joojiyo caadooyinka waxyeelada leh ee ka soo jeeda dhinaca dhaqanka ee uu ka midka yahay gudniinka gabdhaha.
Guud ahaanba yaraynta tacayidada ka dhanka Jinsiga waa bulshada caalamku isla qaateen iyadoo la doonayo in la hor mariyo xuquuqda bani-aadamka kuwaas oo horumarkooda la taaban karo marka ay bulshaddu gacmaha iswada qabsato sidii loo yarayn lahaa tacadiyadaas.
Inta bulshooyinka ay ku badan yihiin tacadiyada ka dhanka jinsigu waa bulshooyinka ku nool waddamada saboolka iyo kuwa dhaqankoodu ku salaysan yahay garaacista iyo kala adkaanta.
Inta badan mudan la hortago sidii loo yarayna lahaa ka tacdiyada ka dhanka jinsiga kuwaas oo dhaqaale, ku xadgudub xuquuqda aadamaha iyo yareeya isdhexgalka bulshadaba yaree ayaa waxa laga maarmaan ah in la yareeyo sidii loo cidhib tiri laha ama loo yarayn lahaa tacadiyadan kor ku xusan.
Haddaba si loo yareeyo tacadiyada ku dhaca jinsiga waxa loo baahan yahay in la hor mariyo qododadan hoos ku xusan:
- In dumarka, dhallinyaradda iyo qaybaha u nugul la xoojiyo awoodood dhaqaale iyo aqooneedba.
- In kor loo qaado aqoonta bulshada ee ku salaysan tacadiyada ka dhanka ah jinsiga
- In bulshada samaystaan kooxo ka hortagi tacadiyada ka dhanka ah jinsiga
- Baarujinta culimada ee joojinta tacadiyada ka dhanka jinsiga
- In la helo xarumo siiya dadka ay ku dhacday tacadigu in la
Qodobadan aan kor kusoo xusnay waa kuwa haddii la hor mariyo joojin kara ama yarayn kara tacadiyada ka dhanka jinsiga kuwaasi oo ka soo horjeeda xuquuqda aadamaha iyo horumarinta bulshada.
Khadar Yuusuf
Member ย of Gollis University Club