Sidee Loo noqon karaa qof caan ah(Aragtida Nicollo Machiavelli) (WQ: Rashiid Odowaa)

Waa abuurka aadamiga ee caadiga ah inuu shakhsi kastaa jecel yahay inuu magac iyo maamuus ku yeesho bulshada shexdeeda uuna noqdo qof ka madax taagan dadka kale ha noqoto Madaxnimo,maalqabeenimo,Geessinimo,aftahanimo iyo waxyaabo kaloo badan.
Haddaba waxa la ogaaday daraasado la sameeyay dhowaan in arrimahani isu beddelaan xanuun(Pathology) ku faafa bulshooyinka ama waddamada dagaaladu ka dhacaan ka soo kabasho dabadeed,waxaan qarsoonayn saamaynta taban ee ay arrintani keento.
Dad badan ayaa doona inay soo shaac baxaan iyagoo aan tallaabo tallaabo u gudbin oo Matalan wuxuu rabaa qofku inuu muddo yar oo gaaban ku noqdo taajir sidas darted wuxuu jiidhayaa giddarro badan oo isaga iyo bulshadaba u keenaysa saamayn taban.
Dad badan oo kale waxay rabaan inay helaan magac aqooneed ama mansab aanay kasban Sida Aqoonyahan,Suldaan,madax sare iwm lkn ma rabo jagadan inuu wakhti iyo dadaal ku soo bixiyo ee wuxuu rabaa inuu meelo dhow oo qardo-jeex ah kaga boodo taasina dhibteeda ayay leedahay.
Waxad in badan arkaysaa goobaha xafladaha ama munaasibadaha la isugu yimaaddo iyagoo dadku kala boobaya ama isku garbinaya dhinaca kamaradda si uu hadhow uga soo muuqdo ama waxad arkaysaa iyadoo microphone ka la isku qabsanayo anigaa hor hadlaya iyo maahee aniga waxanad in badan arki kartaa dad ku kala cadhooday wuxuu ii diiday in aan hadlo oo salaanta iska qaadi waayay, igu sawir ayaan iuaduna xad lahayn oo waxa jira dad maalin kasta ugu yaraan 20 sawir gala.
Bulshadeenna dhexdeeda Shaqooyinka ugu dhow ee qofku si fudud ugu soo bixi karo waxa ka mid,Abwaanimada,Saxaafadda Siyasadda,Suldaanimoda iyo qaar kaloo badan oo dhamaantood iska yeel yeel ah,way jiraan dad badan oo haybad u leh shaqooyinkan aan kor ku soo xusnay ama hibo ilaahay u siiyay lkn waxan ka hadlaynaa qaar aan u dhalan oo doonaya inay ku gaadhaan yool iyaga u cayiman ama mansab taasina waxay noqonaysaa howl kale oo ka baxsan xikmaddii ay lahayd abwaanimadu.
Haddaba waxay dad badani door bidaan inay isu caleemo saaraan Title aanay lahayn ama khasab ah Sida Suldaan,Boqor.Caaqil abwaan ama mansab Siyaasaded oo aanu aqoonteeda lahayn Sida guddoomiye,Xildhibaan ,sacaadatul wasiir,IWM sidaas darteed wuxuu hurayaa hanti badan Waxanu odhanyaa jagadaas ii doorta ama ila Riixa halkii ay ka ahayd in lala jeclaado ama looga maarmi waayo oo uu qadimo (CV) waxanu sidaas u yeelayaa inuu bal sallaanka Siyaasadda ama magac doonka mar uun cagaha ula gaadho.
Waxa la ogaaday in dad badani iyagu ay soo diyaarsadaan waraysiga laga qaadayo iyo Suaalaha la waydiinayo isla markaana warbaahinta ay lacag badan siiyaan si uu Head line ka ugu soo daro wararka caawa baxaya.
Beelaha ama qabaailka ayaa iyagana si guud u aaminsan inay magacoodu ka muuqdo beelaha kale dhexdooda waxanad arki kartaa reer Hebel oo shiraya,ama ka tashanaya aayahooda ama ka fiirsanayana dhinaca ay u jihaysanayaan.Sidaas darteed waxad shaashadaha warbaahinta ka daawan karta beelo dhan oo odayaashoodii iyo waxgaradkoodii soo galeen safaf dhaadheer oo ay hadlayaan lkn baadhitaan ka dib waxa la ogaaday in shakhsiyaad ku dhex jiraan doonaya inay ka soo mudhaan beesha dhexdeeda.
U fiirso Siyasiga talyaniga ah ee Niccolo de Bernando Machiavelli wuxuu dhiiri geliyay in Siyaasadda dhinaca khaldan loo adeegsan karo”Waddo kasta khalad iyo sax kay doonto ha noqoto ee mar waxa muhiim ah inaad guul gaadho, Tusaale ahaan tallaboyinka khaldan ee kalitalisnimo waxay saamaxaysaa guul inuu hogaamiyuhu awoodda ku sii negaado dhinaca kalena qofka mucaaridka ahi dagaal ha soo galo si uu uga ritto xukunka oo uu isaguna guul u hantiyo,sidoo kale qofku ha sameeyo waddo kasta oo uu mari karo si uu guul u gaadho, waxa kaloo uu aaminsanaa in qofku ku kaco waxyaabo laga xishoodo si uu guul iyo magac u helo waxanu yidhi waxa muhiim ah guusha ee maaha muhiim waddada aad maraysaa”
Haddaba innagu maadaama ay nahay umad diin leh waxa muhiim ah inuu qofku ku soo shaac baxo aqoon uu kasbaday oo uu wakhti iyo adduunba geliayay.ama Ganacsi uu kobciyay oo uu ku sameeyay (Evaluation) heerar kala duwan.
Waxa kaloo u furan inuu aqoonta heerar fiican ka gaadho si uu dhab ahaan u hantiyo waxan uu rabo isla markaana u huro wakhti,dadaal,hanta iyo karti si uu qofku u yeesho taariikh ifaysa oo laga akhrisan karo Biography ama taariikh nololeedkiisa.
waxa kaloo u furan wanaag iyo isu soo jiidid uu dadka kaga dhex shaqeeyo abwaannimo ama aftahanimo uu wax ku soo kordhiyay tii hore u jirtay oo ah (Constructive) wax dhisid haddii ay abwaanadii hore ee imika sii gabaabsiga ah sida Hadraawi.Xassan ganay.Dheeg.Cabdi qays.Siciid saalax,Yusuf Aadan Xussen iyo qaar kaloo badan hadday heer soo gaadhsiiyeen Bulshada abwaanada hadda kacay waxa ku habboon in aanay ku noqon halkii 1972-kii ee ay iyaguna qayb kaloo horumar ah dadka gaadhsiiyaan oo ay abuuraan (H)lay ka hadlaysa Horumar ama (A)lay ka hadlaysa Aqoon iyo mawduucyo kale oo badan.
Haddiise ay dib ugu noqdaan abwaaniintu xilligii kacaanka Deelleydii,Shiinleydii iyo Siinleydii oo Qarni badhkii haddana dib loo guuro, miyaanay u ekayn sidii uu yidhi Abwaan Yusuf Aadan Xuseen(Dib u soco hore u soco darandoorri jaan qaad maxaa daal la kororsaday)
Wa billaahi towfiiq
Rashiid Odowaa
khadarsalaan@gmail.com
0634101213