Maqaalkan iyo kuwa kale ee kusaabsan caafimaadka ee aan akhristayaasha u soo gudbiyo ujeedadoodu waxa weeye in aan akhristaha fursad u siiyo uu kaga bogto mowduuc saamayn ku yeelan kara caafimaadkiisa ama caafimaadka qof ku dhow. Xogta guud ee kusaabsan caafimaadku wakhtigan aynu joogno aad ayaa looga helayaa meelo badan laakin waxa jira dad badan somali ah oo aan si fiican ugaga bogan-karin afafka ajnabiga ah ee ay ku qoran tahay.
Sidaa darteed waxaan ugu tallo galay in aan kaga qayb qaato kordhinta wacyiga iyo garashada bulshada Somaliga ku hadasha. Ujeedada labaad waxa weeye in uu qofku faham-guud kaqaato shaybaadhka kadibna uu awoodi karo in uu dhakhtarka waydiin karo suโaasha ku haboon, si kalsooni lehna ula niqaashi karo. Sidaa iyo akhris wacan.
Astaamaha kelyo xannuunka waxaa ka midd ah:
โข Dhiig kar.
โข Dhiig kaadida soo raaca.
โข Kaadi tag faro badan.
โข Qofka oo ay ku adkaato in uun bilaabo kaaji tegidu.
โข Kaadida oo qofka gubta
โข Labada cumaacumood iyo labada gomodood oo qofka barara.
Astaan keli ahi waxa laga yaabaa in aanay khatar badan tilmaamayn laakin dhowr astaamood ama dhamaantood waxay sheegi karaan in kelyaha qofku aanay si fiican u shaqaynayn. Sidaa darteedna loo baahan yahay in la sameeyo shaybaadh buuxa oo kelyaha.
Hadii arinku sidaa yahay, waa kuwee shaybaadhka ay tahay in lagaa qaado?. Maxay tahay ujeedada loo qaadayaa iyo sababta la raadinayaa?. Sidee loo fasiraa shaybaadh-ka kelyaha oo lagu ogaan karaa in kelyuhu dhib qabaan iyo inkale?. Qormadan gaaban waxaynu si guud ugaga jawaabi doonaa suโaalahaas.
Ugu horayn noocyada Shaybaadha:
Baadhida Kaadida:
Kaadidu waa qashinka kelidu sifaysay, waxa lagala soo bixi karaa macluumaad kusaabsan sida kelidu u shaqaynayso guud ahaan. Laakin saameeya arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiiin; Xubnaha sida Ssanbabka, Maqaarka, Kaadi mareenka, Kaadi haysta, iyo Xubnaha taranka. Sidaa darteed xunbahaas midd-kood haduu buko wuxuu saamayn karaa muuqaalka, tarkiis-ka(Concentration) iyo walxaha kujira (contents) kaadida.
Goorma ayaa la shaybaadhaa kaadi:
Kaadi waxa dhakhtarkaagu kaa qaadi duruufo badan. Waxa ka midd ah hadii qofku qaliin gelaayo oo loodiyaarinayo suuxin. Dadka la ogyahay in ay qabaan kelyo-xannuun, Macaan ama Dhiig kar ayaa si joogto ah dhowr kii biloodba mar laga qaadaa kaadi. Dumarka raba in ay ogaadaan in ay uur yeesheen ayaa iyaguna laga qaadaa kaadi. Shaybaad ka kaadida waxa loo baahan yahay hadii laga shakiyo Caabuqa (infection) kaadi-mareenka, kaadi-haysta iyo xannuunada galmada lagu kala qaado.
Udiyaar garowga shaybaadhka:
Waxa fiican in aad ugu yaran laba koob oo biyo ah sii cabto shaybaadhka ka hor. Midda muhiimka ah ee saamaynta ku yeelan karta natiijada shaybaadhka kaadidu waxa weeye dawooyinka. Sidaa darteed waa dhakhtarka la ogaysiiyo hadii qofku qaadanayo dawooyinkan qaarkood:
โข Vitamin C; waa nooc ka midd ah faytamiinada.
โข Metronidazole; nooc antibiotic-ga ka midd ah.
โข Mithocarbamol; dawo loo adeegsado kaarka iyo xannuunka muruq-yada.
โข Rifampin; anti-biotic loo adeegsado daawaynta qaaxada.
โข Riboflavin; waa nooc ka midd ah fitamiin B-ga
โข Salfasalazine; dawor loo adeegsado roomatiisamka iyo xannuuno dheef-shiidka ku dhaca.
Shaybaadh ku dhowr hab ayuu kaadida u baadhaa:
Waxa la eegaa midabka iyo tarkiiska kaadida. Tusaale ahaan hadii kaadida midabkeedu casaan ama bunni-rasiin ah noqdo waxay tilmaami kartaa in dhiig ama dheecaan la socdo. Mararka qaar waxa lagu arki karaa dhagxaan yaryar. Urta kaadida ayaa iyana wax laga fahmi karaa, sida xannuunada macaanka iyo caabuqa.
Tallaabada labaad, waxa kaadida lagu ridaa waraaqo midabaysan oo kimiko lagu diyaariyay (Reagents strips ama Dipsticks), waraaqdu waxay sheegaysaa heerka Aysiidha kaadida iyo in kaadida ay la socoto barootiin, sonkor ama dhiig.
Ugu danbayn, kaadiba waxa lagu fiirsan Maykar-Iskoob (Microscope) si loo eego in ay lasocoto Bakteeriya, dhagxaan, Unugyada dhiiga (Red blood cells, while Blood cells) iyoย Unugyo kansar ah.
Hadaba waa in aad ogaato kaadida sida dabiiciga ah looguma talo gelin in ay sido Bakteeriya, Sonkor, Dhiig, Barootiin, Unugyo iyo Dhagxaan midna. Barootiin badan oo soo raaca kaadidu wuxuu tilmaan u yahay xannuunada ay ka mid yihiin; Macaanka, Dhiig-karta, Roomatiisamka, Kansarka dhiiga, Xannuunka wadnaha, iyo qaar kale.
Hadii wal-xahan laga helo kaadida waxaad ogaataa in ay suuro gal-wayn tahay in kelyahaagu aanay sidii loogu talo galay u shaqaynayn waana in la sii baadho sababta.
Baadhida Dhiiga:
Dhowr arimood ayaa dhiiga laga baadhaa si loo qiimeeyo shaqada kelyaha. Si kooban ayaynu mid walba u sharaxi doonaa si qofka ugu fududaato in uu fahmo shay-baadhka laga qaaday isaga ama qofka uu masโuulka ka yahay.
Kiriyatiniin (Plasma Creatinine):
Kiriyatiniin waa maadad ay sameeyaan muruqyada jidhku markasta oo ay shaqo ku jiraan, hayaraato ama hawaynaato shaqadaasi. Waa maado ah qashin oo ay tahay in jidhka si degdeg ah looga saaro. Sida dadku ukala muruqyo badan yihiin ayay u kala Kiriyatiniin badan yihiin. Sidoo kale dadka ciyaara jimicsiyada muruqyada lagu dhiso iyo dadka soonka ama gaajadu ku badan tahay way ka Kiriyatiniin badan yihiin dadka inta kale.
Qashin saarka Kiriyatiniin-ta waxa u xilsaaran kelyaha, sidaa darteed hadii kiritatiniin ay jidhka ku badato waxa laga yaabaa in Kelyuhu aanay sifiican u sifayn.
Xadiga dabiiciga ah ee Kiriyatiniin(creatinine) wuxuu u dhexeeyaa:
(0.6-1.3milliGram/decileter raga) iyo (0.6-1.1 mg/dl dumarka).
Hadii hal-shaybaadh oo qofka laga qaaday uu sareeyo, waa in laba mar oo danbe lagu celiyo.
Creatinine Clearance (CrCl):
shaybaadh-kan waxa la is barbar dhigayaa Kiriyatiniin-ta dhiiga ku jirta iyo Kiriyatiniin-ta kaadida soo raacday ee kelyuhu sifeeyeen. Farqiga labadaas u dhexeeya ayaa sheegaya in kelyuhu sifiican u shaqaynayaan iyo inkale.
Xadiga dabiiciga ah ee shaybaadh-kani waxa uu u dhexeeyaa:
(97-137 milliLitre/minutes raga) iyo (88-128 ml/min dumarka). Tirooyinkan macnahoodu waxa weeye in qofka dhalin-yarada ah ee caafimaadka qaba, halkii daqiiqo kelidu nadiifiso (97 -137/ml) oo dhiig ah oo ay ka saarto kiriyatiniin-tii ku jirtay. Dumarka in yar ayay raga kayara hooseeyaan, sababta oo ah kala duwanaanshaha dhisma jidhka labada nooc. Hadaba, markasta oo intaas ay hoos uga dhacdo, waxay tilmaamaysaa in shaqadeedu hoos u dhacday.
Glomerular Filtration Rate (GFR):
GFR waa qaaciido lagu raadiyo shaqada kelyaha, gaar ahaan marka qofka kelyo xannuun mudo dheer hayay ee la hubo in shaqadii kelyihiisu is-dhintay. Markan oo kale waxa la rabaa in la ogaado inta ay is dhimeen. Waxa kale oo la adeegsadaa marka qofka dawooyin lasiiyay ee la doonayo in la ogaado in ay wax u tareen oo kelyuhu kasoo raynayaan iyo in kale.
GFR waxa lagu helayaa afar shay; kiriyanitiin-ta, daโda (age) qofka, lab iyo dhedig midka uu yahay (sex) iyo cirqigiisa(race).
Qofka caafimaadkiisu fiican yahay GFR-kiisu wuxuu ka sareeyaa 140ml/min/ยฒ. laakiin wixii ka sareeya 90ml/min/1.73mยฒ waa natiijo caadi ah oo aan dhib lahayn.
Shaybaadh kan waxa kale oo loo adeegsadaa in Is-dhimida shaqada kelyaha loogu qaybiyo derajooyin ku salaysan sida ay u kala khatarsan yihiin. Iyadoo loo qaybiyo shan derajo oo ah:
1. Derajada koobaad (stage 1): waxa weeye kelyaha oo buka, dhaawacna gaadhay laakiin shaqadoodu fiican tahay oo ay tahay ama ka sarayso 90ml/min/1.73mยฒ.
2. Derajada labaad (stage 2): shaqadii kelyaha oo inyar oo sahlan hoos u dhacday. Waxay u dhaxaysaa- 60-89ml/min/1.73mยฒ.
3. Derajada shadexaad (stage 3): shaqada kelyaha aad ayay hoos ugu dhacday. Waxay u dhaxaysaa- 45-59ml/min/1.73mยฒ.
4. Derajada afraad (stage 4): shaqada kelyaha si xad-dhaaf ah ayay hoos ugu dhacday. Waxay maraysaa– 15-29ml/min/1.73m ยฒ.
5. Derajada shanaad (stage 5): heerkan haday gaadhaan kelyuhu way fadhiisatay kelidu, wax shaqo ah oo jidhka wax u tarana malaha– โค15ml/min/1.73mยฒ
Tusaale hadii la yidhaa qofka GFR-kiisu waa 60ml/min/1.73mยฒ macnaheedu waxa weeye in qofkaa kelidiisu boqolkiiba lixdan shaqaynayso, afartanโna is dhintay.
Barootiin:
Barootiin-ka Micro-albumin ayaa la qiyaasaa, sababtu waxa weeye waa barootiin xajmigiisu wayn yahay isla markaana ah barootiinka ugu badan ee dhiiga kujira. Qofka caafimaadsan barootiin la dareemi karaa sooma raaco kaadida. Sidaa daraadeed wax ilaa xad yar oo aan saamayn ku lahayd jidhka ayaa dhacda in wakhtiyada qaar kaadida soo raaco (0-30mg/dl). 30-300mg/dl waxay tilmaamaysaa kelyo bilaabay in ay dhintaan oo shaqadoodii gabay. Xadiga ka badan โฅ300mg/dl waxay tilmaamaysaa in kelyahaasi derajo hoosaysa marayaan.
Blood Urea nitrogen (BUN):
Jidhkeenu wuxuu sameeyaa maadada Urea marka uu burburiyo barotiinada kala duwan ee aynu cuno. Shaybaadh-kani wuxuu is dhinac dhigayaa Urea-da dhiiga ku jirta iyo Urea-da kaadida soo raacday ee kelyuhu soo sifeeyeen.
Arimo dhowr ah ayaa saamayn kara shaybaadh-kan oo ay kamid tahay qofku hadaanu cuninba barootiin badan, dhiig-bax caloosha dhexdeeda ah, xannuunada wadna, sidoo kale waxa jira dawooyin shaybaadh-kan nisbadiisa kor u qaadi kara.
Arimahaas oo dhan waxa isku miisaami kara oo faham sax ah kasoo saari kara dhakhtarka.
Blood urea nitrogen (BUN) dabiicig ah waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 7-20mg/dl.
Dr.Abdikarim Dahir Hassan
MBBS general Physicions
MSc Diabetes and Endocrinology
Contact: Qurbe206@hotmail.com