Sidigta Siyaasada (WQ: Maxamed Cumar Dhagax)

 

(Western Mutual Policy among African Leaders): 

African leaders usually betray their communities, and this creates African citizenships armed conflicts and their armed conflict management becomes hard, this puerile betrayal thought was an ascended from western communities, who you always hear the international community”!

African delusional leaders, it is a true note which is far from the political mirages, you usually hear from the western media. 

Daw iyo dariiqiyo

Deraa loo jibaaxaa

Halka doonistaadiyo

Danahaagu yaaliin

Cabdiyahaw ma daw baa

Inaad diifta taaliyo

Darayada la jiiftaa

Mise waa daliil kale

Halkay dunidu joogtiyo

Degelkaay mushaaxaan! 

Qormaddan aan halka ku soo bandhigaayo ee la magac baxday Sidigta Siyaasada, waxaan kaga hadlayaa aragtiyaha Siyaasadeed ee ay leeyihiin reer Galbeedku waxay saamayn balaadhan ku leedahay dadyowga Afrikaanka ah ama dalalka Afrika, dalalka Afrika waxay intooda badani ama dhamaantoodba ay fuliyaan oo meel mariyaan dhaqamada ay xanbaarsan tahay Siyaasada Galbeediga ahi, sidaas awgeed dalalka Afrika ama Qaarada Afrika waxay Sidig u tahay Siyaasada Galbeedka; hadaan amin yar ku bixiyo erayga Sidigta, maadaama ay ka mid tahay eryada waayadan danbe aan inta badan la adeegsan, sababtoo ah guda galka magaalooyinku ama reer magaaloobida, oo wax badan oo ka mid ah erayadii Afka Soomaaliga ahaa ee waayadii hore dadku adeegsan jireen amaba ahaa erayada dhaqankeena ku suntanaa, maxaa wacay soomaalidu waxay ahayd xoolo dhaqato, dhaqashada xooluhuna waxay lahayd Af adeegsi u gaar ah balse waayadaa hore caan ahaa oo la adeegsan jiray, markaasi eraygan SIDIG iyaduna kuwaas bay ka mid tahay, fasirka erayga SIDIG waa wadaagista ama u dabranaanta neef geel (Tulud/ Hal) ahi ku dabran yahay ilme tulud kale oo geela ka mid ah, geela marka HAL Geela ka mid ah uu ilmaheedu ka dhinto waxaa loo sameeyaa laba arimood midkood, kuwaas oo kala ah

  1. Sidig: wadaajinta laba halaad hal nirig, oo labada midkooda dhashay midna ay la wadaagto.
  2. Maqaar saar: maqaar geedo ama doomaar ama dhirba lagu guray oo hasha lagu maalo. Waxaa kale oo iyana dhacda in hasha ilmuhu ka dhinto layska maalo ama ay irmaanaato oo caanaha laga maalo taasna waxaa loo yaqaanaa IGADH.

Haddaba Sidig waa ku maalista neef geel ah ilmo/nirig hal kale dhashay, iyadoo u haysata inuu yahay kay/tay dhashay iyadu, taas macnaheedu waa in hashaasi aanay dareemin dhimashadii nirigteeda ama nirigeeda.

Sidaasi awgeed maanta Siyaasada wadamada Afrika waxay ku dhaqmaan oo dalalkooda ku hogaamiyaan dhaqan siyaasadeed ka timaada galbeedka, dhaqan siyaasadeedka galbeedku wuxuu meesha ka saaraa dhaqankii siyaasadeed ee ay iyagu lahaayeen, ama waxaan marnaba is waafaqayn dhaqanka dalkooda ka jirta iyo dhaqan siyaasadeedka ay adeegsadaan ama ay ku hogaaminayaan dalalkooda, arintanina waxay keentaa in si toos aan marnaba loo gaadhin yoolka ama hiigsiga dalalka Afrika leeyihiin, amaba waxa adkaata in xal loo waayo is maandhaafyada/is diidooyinka ka dhaca ama dhasha dhulkooda, sababtoo Carro-edeg noolaha ku dhaqan qolo kastaa ama qaarad kastaa ama dal kastaa wuxuu danihiisa, doonistiisa, yoolkiisa, hiigsigiisa, iyo jamashadiisa ama ku xalishaa dhiif, dhib, is diido, ama khilaafyadooda dhaqankooda, isla markaana siyaasadahooda waxaa gundhig u ah dhaqanka, dhaqaalaha iyo mabaa’diida dalkaasi leeyahay, haddaba dalalka Afrika siyaasadahoodu maxay ku fadhiyaan ama maxaa gun dhig u ah?

Si kastaba ha ahaatee waxaa jirta odhaaho siyaasadeed ka hadasha oo ay leeyihiin reer galbeedku isla markaasna ay adeegsadaan Afrikaanku, odhaahahaasna waxaa ka mid ah, “ markaad doonaysoo ama u tartamayso helista ama hanashada kursiga ama jagada hogaamiyenimo waxaa muhiim ah inaad wadato ama kaxaysto dadka labeenta ah ee bulshadaasi leedahay sababtoo iyaga ayaa loo istaagayaa oo dadku kugu raacayaan, ka dib markaad hanato ama hesho kursiga dadkaas baalkooda ama la socoshadooda waxaadna kaxaysataa dadka aqbalka diyaarka kuula ah (yes man) sababtoo ah markaad hogaamiye noqoto dadkan labeenta ahi waxay soo iba furayaan waydiimo, rayiyo, xusuusinta balankii aad dadka la soo yeelatay waagaad ololaha ku jirtay, hase yeeshee dadka aqbal keenka ahi marnaba kaama hor imanayaan ee way ku raacayaan waxaad u sheegtaana waa xadiis, lagama hor yimaadaan”.(Xigasho; Yuusuf Shaacir, Maansada Dhakafaar)

Haddaba odhaahdan siyaasiga ah ee galbeedka ka timaadaa miyaanay kuu muuqan markaad ka eegto dhinacyo kala duwan ama badan, bal hadda u fiirso xil doonka u cararaaya hanashada kursiga sare ee hogaaminta qaranka dadka inta uu wataa waa kuwo noocma ah? Miyaaneey ahayn labeentii dalkaas? Ma jiraa xil doon Afrikaan ah oo wata dadka hoose ama inta lidata dadka waaguu u cararaayo hanashada kursiga?! Warcelinta adigaa iska leh, balse aan in kooban ka xuso, midhadhka hanka leh ee cararaaya kursiga hogaamiyenimo markay wax doonayaan dadka way miidhaan oo waxay raadiyaan midba midkuu ka qaalisan yahay dadka, sida Culimada, Aqoonyahanka, guurtida ama wax garadka, dadkani waa kuwa keliya ee u soo hoyn kara codka bulshada maxaa yeelay waa dadyoow leh xushmad oo wax laga dhegaysto, halka qaar kalena ay ku kaalmaynayaan hal abuur ama aragtiyaad hufan oo uu ku heli karo kursiga, sidoo kale wuxuu wataa kooxaha dhaqaalaha haysta, kuwaasna wuxuu ka rabaa hanti oo waa kuwa maalgelin doona!

Sidoo kale waxaa odhaahaha siyaasadeed ee reer galbeedka ka soo hayaama Afrikaankuna adeegsadan ka mid ah; “ ka dib helitaanka kursigii hawsha badani kaaga soo baxday waxaa ku raacaya sadex nooc oo dayn ah kala duwan, sidaas awgeed marka kursiga hesho ma wada bixin kartide waxaad bixisaa midhka ugu mudan ee ay dhiishaadu ku buuxsami karto (Saving), daymahaasi waxay kala yihiin sidatan:

  1. Dayn dhaqaale oo ay kugu leeyihiin maalgelayayaashii hantidooda kuu huray (political investors)
  2. Dayn aragtiyeed oo ah dayn kaa raacday dadkii dunta wacnaa ee kugu kaalmeeyey aragtiyahooda quruxda badan, kuwii kula dejinaayey qoroshaha aad codka ku raadinaysay, ama waa kuwii dadka kuu soo hojiyey (campaign, political, creativity and motivators)
  3. Dayn cod: daynta codku waa shayga ugu culus ee aad ku heshay kursigan raaxadan macaan waa dadka inta ugu badan oo waa bulshada dalka oo dhan dayn ay kugu leeyihiin (civilians’ vote loan)

Siyaasada galbeedku waxay Afrikaanka kula taliyaan in aanay wada fulin Karin sadex qaybood ee daynka ah balse ay bixin karaan oo keliya hal midh, midhkaas ay bixin karaan-na uu yahay hadba kay dhiishooda ku buuxsan karaan ileen waxa la doortay waa mudo koobane, qaybtaas dayntoodii loo celinaayo waxay ugu sheegaan in ay yihiin kooxda kowaad, [Dayn dhaqaale oo ay kugu leeyihiin maalgelayayaashii hantidooda kuu huray (political investors)], waxaa is waydiinteedu kolkaasi curataa sidee ayaad kooxdaas keliya wax ugu celin kartaa kooxaha kalena aad indhaha uga qarsataa, soo jeedinta keliya ee galbeedka ka timaada waa in ay urursadaan kooxo iyaga daacad u ah oo aan warkooda ka hor iman marnaba, isla markaasna dadyoowgoodana ay u kala jebiyaan kooxo kala duwan oo aad u kala fog kuwaasoo ah qabyaaladda, qoomiyadaha ama diimaha, qaybintanina waxay dhalisaa in dadyoowgii dalku kala fogaadaan oo aanay marnaba isku raaci Karin diidmo ama la xisaabtanka odaygay cimaamada saareen! Dafiraada awoodii bulshada ama danihii rasmiga ahaa ee uu ku yimid kursiga uu haatan hayo, waxayba u eeg tahay xikmadii Soomaaliyeed ee ahayd RAH QAAMAYSAN!

According to the media, you always hear that the International criminal court (ICC) was accused and charged an African leader, why not other continents’ leaders are free from it?! Because the accused was made from the west and its article of accused was ready before making the crime and the forming charge is building in west since they influence mutually within African policy 

Do not say impossible, because the word impossible is in the dictionary of fools! 

Do not forget why kill Qaddafi (president of Libya), he always denies the agents of western interests and the conception those they suggest the Africans, Arab league, and issued to implement their policy.

Adigoo maanka ku haya oo ku xisaabtamaaya dhacdooyinka ka jira qaaradan madoow ee Afrika ama intooda carabta ahba, miyaanay arimahani ahayn kuwo ina haysta timaado kasta? Aqriste horta indhahaagu ma arkaan waxyaabahaas mise anigaa arka haboowsan?

Waxba hadalku yuu ila sii durkine aan dulucda soo gooyo, Afrika waa qaarad balaadhan isla markaana waa qaarada labaad ee Carro-edeg, waa qaarad dihin oo u baahan cid maasha oo la soo baxda qaniimada ku awdan, waa qaarad cimilo ahaan degan oo ka wacan Carro-edeg inteeda kale, waxaase Qaaradan daboolay oo diiday in ay meel marto oo manfacsato khayraadkeeda, isla markaana abuurto aqoontii, qorshihii, awoodii, iyo qalabkii lagula soo bixi lahaa, waxay noqotay Qaarad SIDIGNIMADA SIYAASADA  reer Galbeedka, Hal sidig ahi Ilmaheedii ma tawdaa?! Haday tebayso Sidigta laguma maaleen ee way carari lahayd, isku soo wada duuboo Afrika weli kama ay xoroobin Gumeysigii lagu dhaxladay 1884kii ee waa la Fool gediyey keliyaata, oo waxaa loo bedelay Maanka in laga haysto, waa dulinimada haysata maanta mar ay ka bixi moojaane!

“The justice of International community is fleeing the Africans, because they are the merely dependent societies around the globe”!

Mahadsanid

Maxamed Cumar Dhagax