Xaayndaabka Qarsoon “Invisible Fences” (WT: Xasan Cabdi Shire)

 

Halkan ayaan fadhiyaa, waa gegiga diyaaradaha ee Los Angeles. Waxa aan u joogaa inaan kula hadlo koox firfircoon oo ka shaqaysa dabgalinta korontada guud (General electerical). Waxa uu ku saabsan yahay hogaaminta aan lahayn mansab cayiman (Leader have not title). U istaagista heerka ugu sarreeya bulshada. Ku saabsan na sida ugu wanagsan ee aay dhamaantood u qaban karaan hawlohooda.
Markii aan dhameeyay soo jeedintaydii, waxa igu soo noqotay intii aan sii socday, sababta inteenna badani ay ugu dul ciyaaraan inyar oo kooban oo xagga sare oo nolosheennaa kamid ah.

Maxay tahay sababta aan u diidno isbedelka? Maxay tahay sabata aynaan u curin una soo bandhigin hal-abuurka caqliga badan ee sarreeya, kaa soo laga dhaxlay mid innaga mid ah. Maxaynu u diidnaa inan aqbalno farriin kasta oo inooga timaadda nolosheenna. Iyo inteenna badani maxaynu halkudhig ugu noqon waynay inaan ahaanno ama keenno arrimo wax ku ool ah. Jawaabta weydiimahaasi waxa ay noqotay in ay jiraan xayndaab qarsoon.

Halkan ayaan kaga hadlay waxa ay ku saabsantahay sheekadani. Waxa aan qaatay gaadhi siaan u aado miyiga todobadii caano maal ee lasoo dhaafay. Si’aan u helo hawo wanaagsan. Si naftaydu u neefsato. Si aan u fikiro. Waxa aan arkay calaamad ku taalla shirkad ku tababarta Eyda dhul cawseed ama dhul daaqsimeed. Waxa Eyga la hadlaya xayndaab aan muuqan, una sheegaya in uu jiro soohdin aanu dhaafi karin. Habkani wa nidaam lagu jaangooyay dhawaaq leh xuduud aan muuqan, kaas oo Eeydu aanay dhaafin Karin.

Ugu dambayntii Eygu waa u laqabsady oo qaatay habkaas, xitaa haddii habkaas dhawaaqa ah meesha laga qaado weli ma dhaafi karo xayndaabkaas aan muuqan. Eeygu kuma ordi karo waxkabaxsan xayndaabkaas hore. Eygu waxa uu maksaxdiisa cabirtay xaddidaad kaas oo jaangooyey xaqiiqda noloshiisa. Waxa laga yaabaa innagu na inaan sidaas oo kale nahay dad ahaan. Sidaan ku kornay, sidaan ula qabsanay aaminaadaha khaldan ama taban iyo malaha beenta ah iyo caqabadaha baqdinta ee innaga ga yimi dunida innagu xeeran. Kuwaas ayaa inoo noqday xaayndaabyo aan muuqan.

Waxa aan aaminsanahay in ay kuwo dhab ah yihiin. Marka aan riixno caqabadahaas waxyaabaha kasoo horjeeda goobaha shaqada ama nolosheenna, halis ayaaynu galnaa. Waxa aynu aaminsannahay xuduudahaas in ay runyihiin. Sidaas darted, waxa aynu ku gaadhnaa inaay la jaar noqono/ sameyno/ama haysanno. Khiyaaligaas waxa uu u muqdaa inuu xaqiiqo yahay. Laakiin maaha xaqiiqo jirta. Fadlan xasuuso arinkaas.

Hadaba waxa aan kugu casumaya inaad iswaydiiso xaayndaabyada aan muuqan ee aad leedahay. Ka warhay xaayndabyadaas. Daraasadeey xaayndaabyadaas. Isku day in aad imtixaanto. Haddaba marka mid kamid ah xayndaabyadaasi ku carqlad galiyo, intii aad ka carari lahayd carqalada xayndaabkaas, shaqadaadu wa inay noqota sidii aad xoog u galin lahayd, qalbigaaga aad u siin lahayd sidii aad ugu dul ordi lahayd caqabadahaas oo aad meesha uga saari lahayd. Ku saabsanaanta dareenkaagaa wanaagsani, ee suurtogalinimada noloshaada waa inaad ahaataa sidaas. Sababtoo ah waxa aad iska caabisaa waa ku sii jilcaa/ama waa aad ku sii raad-joogtaa, Balse tan aad la jaashaa/saaxiibtaa waa kugu sii waddaa sida xayndaabakaaas.

Xigasho waxaanu qoraal ka so xigtay buugga uu qoray: Robin Sharma

Waxa qoray Xasan Cabdi Shire