Silsiladdii Gorgorka: Q.2aad (WQ: Cabdikariin-Xikmaawi)

Horre ayay soomaalidu ugu maahmaahday “Aqalkaaga hortiina ood baa la dhigtaa, eraygaaga hortiina afeefbaa la dhigtaaye” aan ka afeefto in aanay silsiladdani ahayn wax kaftan dhaafsiisan. Aan baraarujiyo in muddo nus qarni ku siman aan sidan oo kale loo kaftamin. Xusuustiinana aan ku celiyo silsiladihii kaftanka ahaa, ee aan xarafka iyo xuduudka lahaynne, inta lays jaro raaco uun sidii la rabo loo kaftamaayay. Ma Gubaad maqashay, ma Xaydhaad ogayd, ma Halalac dheere ayaad gelin la muusootay, markaas ayay maantana silsiladdani sidoodii oo kale u falkismatay!!

Sida ay silsiladahaas aynnu soo sheegnay maadda, murtida, micnaha, iyo mabda’yada kala duwan u lahaayeen, ayuunbay tanina kala simantahay; inkaste oo aanay tani cid isku dirayn, haddana dabuubta maansada ayaa si ba’an layskugu dibaaqayaa. Hadda ma garatay?

Haddaba, inaasi haddii aan afeef uga dhigto, aan u soo daadago maqaalkeennii labaad, iyo taxanaha giraantan yaabka le. Aan se mar kale dib u noqdo e, halna waa iga sixitaan, halna waa iga raali gelin, halna waa iga ogaysiis.

Hal waa iga sixitaannoo, silsiladdan Gorgorka ama Baqayaha, waxa aan qormadii horre ku sheeggay in uu ibo-furay ninka la yidhaahdo Axmed Nuur Guruuje, waxa aan se hadda qoraalkan ku caddaynnayaa in Axmed Silsiladda uu ahaa qofkii saddexaad ee soo gala, ee ay ka horreeyeen laba nin, oo aynnu dib ka ogaan doonnaa; halkaasi waa iga sixitaan.

Halna waa iga raaligelinnoo, Abwaan Mustafe Xasan Nuur oo loo garan ogyahay (Musfate -Khaliiji) ahna abwaanka silsiladdan ibo-furay ayaan raaligelin buuxda halkan uga dirayaa, aniga oo horrena si gaar ah uga raali geliyay ogaansho la’aantayda aan tixihiisa ku mooddaayay in uu xagga danbe silsiladda ka soo galay, laakiin waxa aan soo xaqiijiyay in meerisyada curashada ah uu isagu tiriyay 12-09-2019, halka uu Axmed Guruuje na meerisyadiisii u horreeyay silsiladdan tiriyay 14-09-2019. Mar labaad iyo saddexaadba abwaan halkaas ka raali ahaw ayaan ku leeyahay, ummadda horteeda.

Halna waa iga ogaysiisoo, in iba-furkii qormada koobaad ee silsiladda aynnu maanta bilaabayno ayaa iga ogaysiis ah, kuwii horre u baahayna aynnu gelin doonno halka ay sheekada ka soo gelayaan, innaka oo aan wax ku noqosho ah oo xagga sharraxa iyo fahamka ah aan hadda ka beddelayn.

Intaas kolka aan ka imaaddo, aan u soo daadago curashadii silsiladda iyo sida ay ku bilaabantay, aniga oo aan dib ugu noqonnayn jawigii horre ee maqaalka horre innoo irdo bixiyay, se tan sheeggayna uun tixaha iyo sansaanka curashadooda, iyo is haysadkooda.

Ugu horrayntii Baqayahan duulaayay ayaa soo weerarray carruur Xirsi Cismaan ah, oo reer Caynaanshe ah, kolkaas ayaa ugu horraynba dacaayaddu ay ka dhex bilaabmaysaa Xirsi Cismaan dhexdiisa. Halkaas iyada oo ay sheeko marayso, ayaa nimanka Reer Wayd la yidhaahdo, oo Xirsi Cismaan-ka ka tirsani yidhaahdeen ‘bahalkii carruurta cunnay Xalxalis ayaannu ku dilnay’ kolkaas ayaa ninkan Abwaanka ah, ee Mustafe-Khaliiji uu odhanayaa, ‘shinbirkii Samatar Axmed ayuu jooggaa, samatar Axmed iyo Xalxalisna aad ayay u kala fogyihiin, markaas waa yaab waxa aad sheegteen reer Wayddaw e, bal hadda wax innaga hubsada’ ujeedka tiraabta noocaas ah isaga oo laba meeris ku xariirraaya; waxu yidhi:

“Gorgor Samatar xiimaya oo, xawli soconnaaya

Oo xuur xalxalis loogu dilay, waa xujiyo yaab”

Mustafe Xasan Nuur (Khaliiji) waa abwaan reer Burco ah, waxaana uu culuumta Shareecada ka soo bartay Jaamacad ku taalla dalka Soodaan. Waa macalin wax ka dhiga dugsiyada sare–ee dalka, iyo qaar ka mid ah jaamacadaha. Reer ahaan waa Habaryoonis oo Reer Caynnaanshe ah, oo reer Kooshin ah.

Haddaba, abwaanku kolkii uu halkaas dhiggay labadaas meeris ee kaftanka, dhaygagga, iyo wax is waydiintuba ka muuqato, waxa halhaleel ugu soo jwaabbaaya nin lagu magacaabo Cabdixakiim Muuse Cali, oo ah aqoonyahan muddo ku dhaw 20 Sano Bare iyo maamuleba ka soo ahaa dugsiyada Somaliland, gaar ahaanna kuwa Burco iyo Hargeysa. Ustaad C/Xakiin hadda waxa uu jooggaa dalka Turkiga, halkaas ayaanu tixdan ka soo giraangiriyay. Hayb ahaanna waa nin Habaryoonis ah, oo Xirsi Cismaan ah, kana sii ah Reer Wayd, waxaana uu ka soo jeeddaa deegaanka Xuurta lagu dilay, waana sababta keentay in xaladda xifaalaha iyo murtida uu kor u sii qaado, uguna halgaadtamo ninkii Khaliiji.

‘Haddii aannu Reer Wayd nahay, rag idiin tol ah, oo Xuurna Alle ha ka yeello e, cadawgiinna neceb ayaannu nahay. Markaas qoladiinaa Reer Caynaanshe ee Xuurta ka baqay, annaka ayaa idiin joogna e, ha werwerina’ ayuu C/Xakiin, Mustafe ku didsanayaa. Kolkaas ayuu tixdan yar bulsho weyntii ku jalbeebinnayaa.

Marka horeba xuurbay ahayd, aan xishood barane

Hadday reer xalxaliseed dileen, waa xamdi ilaahe

Nimankiinna xuunshada ka baqay, waa xujiyo yaabbe

Caruurtiinna xoolaha jirtiyo, xilaha yaa dhawrri?!

Marse haddaa xigaal leedihiin, uu xalxalis joogo

Ka xil beela cadawgiinna waan, kala xanaaqnaaye

Halkaas marka uu C/Xakiin ridmada kaga gig siiyo, ayuu mar labaad isa soo malmalayaa ninkii Mustafe-Khaliiji, oo inta uu saaxiibkii si guud mara wax ugu sheeggo, uu ku leeyahay: ‘Waar weligayo annaba cadaw kugumaannaan daawan jirinne, horre ayaannu intaas oo goor garab iyo gaashaanba kuugu tarnay, hal marna nagamaad maqal in aannu nidhaahno nimankii Reer Wayd way baqdeenne, se waa Alle mahaddii uun, mar haddii Xuurta aad disheen aad bahal ahaan u xisaabsateen’!!

Adigoo xalxalis joogga–oo, xuladna maalaaya

Markii cadawgu kugu xoomayee, xiito ololaysay

Xigaalkaaga goortii la dhacay, lana xabaalaayay

Waataan xanaaqii ku galay, xaasidkii cadawe

Xilahaaga waataan xafiday, xumana gaadhayne

Xarbigiyo dagaalkii markaan, cadawga xiiraayay

Xeradaada waataan ku shubbay, xiito oo idille

Xilligaa adaa baqay ma odhan, kumana xaalaynne

Xamdu mahad haddaad xuurta bahal xawda kaga goysay!!

Mustafe oo si xeeladaysan sheekada ugu soo xarakeeyay saaxiibkii, ayaa iyada oo bilaa dareen ah si farshaxaman ugu soo hudamiyay dhankiisa. C/Xakiin oo aad mooddo in aannu Mustafe ka diiddin garabka uu sheeggaayo in uu u taray, aan se laftarkiisu hawl yaraysanayne aashiisa warramaaya, ayaa Mustafe waxa uu ku leeyahay ‘waar ninyaw cadawgaaga waji kaliyaata lagama fisho e, hadba cayn isaga oo ah ayuu kuu imannayaaye, Rabbi haddii uu xuur idin cunnaysa idinku salliday, ha dhayalsanina waxani waaba Xabashi malaha e!! Rag se xigaalla oo kaftamaya ayaynnu nahaye, abaalkaas iyo wanaaggaas aannu idiin galnay ha ilduufina, reer Xalxaliseedna awgiin ayay shinbirtaba u dileenne, ha abaal dhicinna’ waxaana uu yidhi:

Rag xigaal kaftamay baynu nahay, oo is xaal garane

Ninna lagama xaasido waxii, libin u xaasila ahe

Marba cadawgu waxuu soo xidhaa,

Xeelad gooniya e

Haddii xuur illaah kugu salliday, xabashi weeyaanne

Mar haddaan xasuuqoo deldelay, waa xigaalnimo e

In xalxalis la soo maago oo, lagu xaraabaysto

Ood gabay ku soo xaabisaa, nagu xaq maa haynne

Ha xistiyin nin hiil kuu xukumay, hana xifaalaynin.

Maxaa dhici doonna?!

La soco qaybta 3-aad.

W/Q Cabdikarii-Xikmaawi

Fg: Si ay silsiladda iskugu kaa xidhmato, fadlan raadso qaybtii horre, kolka aad isla heshana, qaybtan hadda 1-aad ka dhiggo, qaybta kalana 2-aad ka dhiggo; mahadsanidiin jaallayaal.