Madaxweyne ku xigeenka Jsl iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta kulan la qaatay madaxa fulinta shirkada duulimaadyada ee flyDubai

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinaayo wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb. Muniir Cabdillaahi Abusite oo ku guda jira safarkiisii Imaaraadka Carabta ayaa maanta kulan la qaatay madaxa fulinta shirkada duulimaadyada ee flyDubai, Mr Ghaith Al-Ghaith.

Waxaanu kulankaasi ku salaysnaa is xogwaraysi iyo xoojinta xidhiidhka ganacsi ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadk Carabta iyo sidii FlyDubai ay uga qayb-qaadan lahayd horumarka dhinaca maalgashiga ee Somaliland ay dedaalka ugu jirto in ay beesha caalamka ku soo jiido si ay ugu soo hirtaan ganacsatada adduunku. Iyadoo flyDubai ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka hawl-gala gudaha Somaliland, gaar ahaan dhinaca duulimaadyada.
Image may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 3 people, people standing