Silsiladdii Gorgorka: Q.8aad (WQ: Cabdikariin-Xikmaawi)

Darandooriga maansada ee sida darka loo wadaaggaayo ayaynnu hadba dhinca ka eegaynaye, bal hadda markanna aynnu ku durduurranno qaybtii 8-aad, iyo taxanaha giraanteennan yaabka badan. Amarka Illaahay, xifaalaha murti maanseedkeennan innaka oo hadba dhan ugu daansho daanshoonnayna, bal hadda markanna aynnu rag rag ah–oo midiba dhan hoobaanta maansadiisa ugu deexannnayo Isla aragno.

“Sidii geel dareentii gugiyo, doogga miranaaya

Daroogada markii lagu xasilay, daakirkiyo waaga

Dhulka wuxu dawaafaba carruur,  daayacuu helay!

Allaahu akbar. Abwaan Axmed Digaale Qorane, oo ah suugaan dhiidhi weyn, taariikhyahan, afmaal, iyo abwaan gaaso baxay, ayaa markanna silsiladdii Gorgorka gabay la xidhiidha Hargaysa ka soo mariyay. Amarka Illaahay, kolkii raggii adduunkan iyo ubadkan ba masuulka ka ahaa caleenta cagaaran, daroogada iyo doodda ma-dhalayska ah ku foogmeen, ee dad iyo duunyaba wixii masuul looga dhiggay ay dayaceen, ayay haaddii cirka sare maraysay carruur dayacan, iyo duunyo dalanbaabiyaysaba heleen’ ayuu leeyahay.

Abwaan Qorane, oo Tix farshaxan miidhani ka muuqdo arrinkaas ku cabirray, ayaa giraanta silsiladdeennan ku qurxiyay xarafka (D-da). Abwaanku waxa kaluu ka warramayaa intuu jiray in aanu weligii sheeko iyo shaahidtoona ku haynnin haad dadka cunaysa. Shabeel, Libaax, Yay, Dacawo, Weere, Dulin, Abeeso, Halaq, Gaade iyo waliba Dabaqoodhi ummadda dhiba ayuunbaan aqaannaye, waa ii kow haad aadamihii looga taag la’yahay!! Ayuu leeyay.

Qorane hayb ahaan waa nin Ciidagale ah, oo reer Iidle ah, waana abwaan weyn oo dalka iyo dibaddaba aad looga yaqaanno–oo reer Hargaysa, isla haddana wuxuu degenyahay kana shaqaystaa Hargaysa. Alle ha barakeeyo e tixdiisiinna waxay odhannaysaa:

Da’daan ahay Cismaanoow intii, war igu soo duulay

Amma aan duqaytida ka helay, dhaxalki duugoobay

Baqayahan dadqaadki’i hadduu, noogu yimi doolle

Shabeel daran libaax dawriyoon, dad iyo maal dhaafin

Dacawiyo waraabe iyo yey, weere dabajooga

Inta adhiga duurka u gashee, daaqa ku idlaysa

Dulin iyo abees daaliniyo, halaqa duuduuban

Dabaqoodhi iyo guulwadiyo, dawlad bahalawda

Iyo daydaygii waan ogayn, dakharadiisiiye

Duleedkiyo markaan joogi jiray, aqalka daahiisa

Dadqal bay ka sheekayn jireen, dumarku waagaase

Haddaan deyo intuba waysku, dabac waana kala diire

Dugaag horora waa la’ arkijiray, duhur dharaareede

Cirka bahal ka soo dagahayoo, duulayaa yimiye

Da’yarta iyo dabadhoonnadiyo, didi dhallaankiiye

Kuwii hore dawaa loo heloo, duulal bawkacaye

Isagoon rasaas lagu diliyo, diiradle u haysan

Aarkii dabooleba nin baa, doontay kaligiiye

Gorgor samada daanshoon jiroo, ubadka dooxaaya

Aan hilib dad mooyee wax kale, dibinta saaraynnin

Dagmadeenna waa waxan ka jirin,  doorkan ka horoowe

Sidii geel dareentii gugiyo, doogga miranaaya

Daroogada markii lagu xasilay, daakirkiyo waaga

Dhulka wuxu dawaafaba carruur,  daayacuu helay

 

Abwaan Qorane kolka uu halkaasi dhigay tixdiisaa qiimaha badan, waxa isagana bal aynnu eegi doonnaa nin Jamaal C/Raxmaan Aadan la yidhaahdo, oo reer Burco ah. Jamaal waa nin dhalinyaro ah, oo bartay, ilaa haddana wada cilmiga shareecada. Waana macalin dugsiyada Qur’aanka ee Burco midkood ka hidiya qawlka Raxmaanka, iyo qiyamka wanaagsan ee Islaamka. Jamaal hayb ahaan waa nin Habarjeclo ah, oo Faarax Cubulle ah. Jamaal isaga oo ka warramaaya siduu silsiladdan ku soo galay, iyo sababta kaliftayba waxa uu yidhi:

“16-9-2019 ayaan maalin soo hor maray albeerko la yidhaahdo ‘Jaar’, waxaanan ku soo maray nin lagu urursanhay, oo tirinnaaya gabay. Markaa maan garannaynin ninka. Ka dib wuu dhammeeyey gabaygii. Gabaygiisa waxa ka sii mid ahaa: “Adigoo xalxalis jooga oo, xuladna maalaaya” Ka dibna waxaan soo raaacay labo nin oo suuqa ku soo socday, waxaanan wayddiiyey ninkan gabayga tirinnayaay, waxaanay i sheeggeen in la yidhaaho ‘Mustafe-khaliiji’

Intaas ka dib waxan is idhi ‘tolaw ma ka gabaydaa meeshaa xuurtaa laga gabyaayo?’ ka dib waxaan go’aansaday in aan ka gabyo, ilaa subaxiina waxaan ka fekerraayey halkii aan ka gali lahaa silsiladda, waxaanan markaa anigu arkay gabayada labo nin, Mustafe-khaliiji’ iyo C/Xakiin-Kurlibaax. Arrinka oo caynkaas ah, ayaan maalintii labaad helay halkii aan ka gali lahaa silsiladda; waanan tiriyey gabay. Markaa labadii nin een gabayadooda arkay ayaan u jeedday; labada nin oo isku qolo ah, oo 2-duba Xirsi Cismaan yihiin. Markaa waan ku hal qabsaday labadoodiiba. Mid waxaan ku idhi:

“Mustafoow xigaal baynnu nahay, xoon walaalo ahe”

Ka kalana waxaan ku idhi:

“Xaajadu siday tahay Cabdaw, waa xuji yaabbe”

Markaa taasina waa u jeeddadii gabayga aan u tiriyey.”

Hadalkaas dheer waxa inala wadaaggaayay Jamaal oo ka warramaayay sida ay tixdiisu ku curataye, haddii innakuna aynnu is yara dultaagno gabaygiisa, bal hadda wixii innooga soo baxa aynnu wada eegno.

Mustafaw xigaal baynnu nahay, xoon walaalo ahe

Misna xaaladdaan kugu ogaa, xoorte sharaftiiye

Xidinxiito laga yaac malaa, waa xan iyo beenne

Xaajada raggii goyn jiree, xiito dhicinnaayey

Xog waxaan ku haynaa innay, xuurta ka ordeenne

Haddaan dawlad xoogliyo kufrigu, xodayo soo jeexin

Ma lahayn xigaalkaa marbay, xuunsho soo didinne

Xaajadu siday tahay cabdaw, waa xujiyo yaabbe

Cajiib. Jamaal oo aad mooddid in uu labadii nin ee silsiladdu ku bilaabantay kala raacay, oo ninkii Mustafe-Khaliiji ee xuurta dhaleecaynaayay inta uu geed ku xidhay, dhankii Kurlibaax raacay, ayaa wuxuu leeyahay: ‘nimankii aan is lahayn xuduudka iyo Xabashidaba way ku filanyihiin, haddii ay Xuur ka soo cawdeen, oo waliba inta ay Xabashi u qayshadeen maanta baroortoodii uunku wada maqlay, alaylahee haddii aan reer Xalxaliseed ama Habarxabuushi u gurman waa loo yaabbi lahaa. Waxaan se leeyahay iskaga kaalaya faranta intaan xuunshadu idin laasannin’!!

Nimankii xirsiga sheegan jiray, xuunsho lagu cawlye

Nin xaguugga jooggoo haddana, xuur ka ladi waayey

Oo xabashi qayshi u dirsaday, xaalkeen ma ahaynne

Xaajadu siday tahay Cabdaw, waa xujiyo yaabbe

Mustafaw xigaal baynnu nahay, xoon walaalo ahe

Misna xaaladdaan kugu ogaa, xoorte sharaftiiye

Xidinxiito laga yaac malaa, waa xan iyo beenne

Xaajada raggii goyn jiree, xiito dhicinnaayey

Xog waxaan ku haynaa innay, xuurta ka ordeenne

Haddaan dawlad xoogliyo kufrigu, xodayo soo jeexin

Ma lahayn xigaalkaa marbay, xuunsho soo didinne

Xaajadu siday tahay cabdaw, waa xujiyo yaabbe

Nimankiinan maansada xulka ah, xarakadaynnaaya

Xabashiga ragiinaa dalbee, haadka ka xarooday

Xadku waa dayacanyahay haddaan, reer Cismaan xidhinne

Amma aan tolkaa habarxabuush, xaakim kuu bixine

Ama aan xagiyo reer Xuseen, kaaga iman xooge

Ka Xarooda duudaha intaan, xuurtu idin laasan

Oon jeeni xero yaal sidii, haaddu kugu xoomin

Jamal Cabdi (Jamaal-Sanka)

Haddii uu Jamaalna halkaas wax mariyay, waxa isaguna gabay hal-xidhaale ah Hargaysa ka mariyay nin la yidhaahdo C/Shakuur Muuse, oo reer Hargaysa ah. C/Shakuur tixda waxa uu ku wareejiyay xagal sagaashan ah, waa la kaftamayay oo kaliyaata e, isagu inta uu maanka hal-abuurka cariyo, ayuu su’aallo door ah–oo wada okoboon wayddiinnayaa raggii ka qaybgalay silsiladda guud ahaanba.

Malahayga e, C/Shakuur waxa uu maanka ku hayaa sidii raggii horre xifaalahooda, aannay marnaba hal-xidhaalayaashu uga maqnaan jirin. Waa suuro e, bal horta laba iyo saddex meeris inta aan innoo soo qabto, waxa abwaanku inna leeyahay aynnu isla aragno.

“Gaajada waxaan kaa tirayn, camalna kuu gooyay

Oon oonka kaa go’nnahayn, garannayaw sheegga?!”

Cajiib. Anigu aan xaggiinna u soo riixo; garan maayo e, bal hadda garannayaw sheeg. Wax aan gaajo iyo harraad toona kaa tirayn, haddana uu camalkaagu kuu gooyay sheeg’ ayuu abwaanku leeyahay. Ma camalkii shaqadaa, ma kii khayrkaa, ma kan, ma kan, ma….. Ma ogiye, bal hadda tixdan badanaa tixihii horre baarka sare ka martay, ee iyadu dib layskugu xujeeyay, inta aan idiin kala baxo, dibna aan abwaanka idiinka sheego.

Gallaydh kaa hawada duullayee, laga galiilyooday

Waligiiba wuu gooshayoo, godob ma keennaynne

Wuxuu maanta reeraha u galay, garannayaw sheegga?

Gugoo soo hillaaciyo cirkoo, fadad ku gawddiida

Misna guunyo aan lagu horrayn, garannayaw sheegga

Gaajada waxaan kaa tirayn, camalna kuu gooyay

Oon oonka kaa go’nnahayn, garannayaw sheegga

Mar bay noloshu geed kaa gashaa, gudinna, waydaaye

Godob li’i waxaan lagu helayn, garannayaw sheegga

Iyadoo nimcadu gees ka gees, gaadhay aradkeenna

Waxan gulufka uun nagu salliday, garannayaw sheegga

Gabyaagii intuu gube marshee, uunka kala geeyay

Ee haddana gadaafada necbaa, garannayaw sheegga

Afartaa gabyaagaw furfura, gobo’du waa meelle

Hadalkayga aan sii gundhabo, oon gunaanado e

Gorgorkani ma dheerree haddaan, guulle laga yaabbin

Walee inuu garnayl kaaga iman, samada guudkeeda’

Allaahu akbar. Allaw garnayllo iyo gumucyo toona taag uma haynno e, carrabka abwaanka inta aad noo raacdo, Eebbaw ha dhabaynnin daryadiisaa. C/Shakuur Muuse Cabdi, waa nin dhalinyaro ah, oo reer Hargaysa ah. Waa nin dad iyo dalba yaqaan ah, oo inta uu jiray, inta uu dhul jeexay ay ka badantahay. Hayb ahaanna waa nin Ciidagale ah, oo Abokor Muuse ah.

Maxaa dhici doonna?

La soco qaybta 9-aad.

W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi