Dharaaro ayaynnu kala yara dhuumannaye, isma dhimin, anna weli qalinkii maan dhiginne, dharaaraha mashquulka iyo dhacdooyinka maalinlaha ah ayaa ina kala dhantaallay. Ha dheeraannina, ma dhawa, welina darka ayaynnu ka dhurannaynaaye lama fulin. Bal hadda mar kale iyo silsilad maanseeddeennii ‘Gorgorka’ aan halkeenii innooga sii miiso.
Taxanaha giraantani waatay innoo joogtay qaybtii 8-aad. Abwaanniin culculus oo qaybtaas aynnu suugaantooda ku lafo-gurnay ayaa malaha dadka ha ku duxaan aynnu is lahaynne, bal hadda markanna giraanta inta aan dhinac kale u duubbo, lodba lod ayuu la legdamaaye, lodkii ugu da’da yaraa, ee silsiladdan ka qaybqaatay aan soo hormeeyo. Qiyaas ahaan dadka silsiladdan ka qaybqaatay waxa ay noqonnayaan dad kala gedo duwan. Rag da’ ahaan 40-jirro iyo intii kor ka sii xigta ah. Rag 35-jirro iyo intii hoos ka soo xigta ah, iyo lodka ugu yaryar, oo 25-jirro iyo wixii ka sii da’ yara, iyo aniga oo da’ walba la fil ah!!
Haddaba, intaasi kaftan iyo waxsheegmaba hayga ahaato e, aan markanna shuubaasha silsiladdeennan gees kale ka haaneedno. Waa xaraf cusub, jiil cusub, iyo jiho cusub. Waa siday tahaye, doorkan xarafka H:da ayay dhalinyaro aan gedo ahaan kala weynnayni isku halgaaddayaan. Malahayga e, waa qaybtii silsiladdaba iidaamaysay, oo si lagu hilmaamaa ma dhacdo e, aan sheeggo laba qodob oo qaybtan xiiso gaar ah u sii yeellaaya:
1- In ay tahay qaybta kaliyaata ee Gabadhi soo gashay;
2- In ay tahay qaybtii ugu da’da yaryarayd silsiladda.
Labadaas arrimood haddii aan halkaas u dhiggo, mabda’a iyo midhahana waa togba taagtiiye, aynnu ku durduurranno maansooyin kooda iyo mabaadiidooda doodda dhaliyay.
Qaybtani way isla haysataa, waana is maandhaaf iyo is afgaran waa baahsan. Nin dhalinyaro ah, oo la yidhaahdo Caydaruus Maxamuud Cabdilaahi (Shacraawi) oo reer Burco ah, ayaa laba meeris oo gabay ah tirinnaaya. Caydaruus waxa uu leeyahay “Nimankii Habaryoonis ee aynnu walaalaha ahayn, waakan Eebbaheen haadda ku saliddaye, Habarjeclooy maw hiilinnnaa?”
Waa siday la ahaydde, kolka uu labadaas meeris tiriyo, waxa qoonsanaaya dhalinyaro badan–oo ay isku gedo iyo gabay wadaagba ahaayeen. Inta se aynaan kuwaas u gelin, aynnu soo qaadanno labada meeris ee ninkaas dhalinyarada ahi tiriyay; waxaanu yidhi:
Habaryoonis shinbirrays hayaan, hororro waawaynne
Maw hiilinnaa habarjeclooy, waa hal noo furane?
Caydaruus waa arday culuumta dhaqaalaha ka raacda Jaamacadda Burco, ee gobolka Togdheer, hayb ahaanna waa Habarjeclo.
Labadaas meeris kolka uu halkaas dhigo, waxa meel yar oo gaaban kaga soo wareeggaysa gabadh la yidhaahdo Asma Axmed Cabdilaahi. Asmi waxa ay noqonnaysaa gabadhii koowaad, ee tix ay leedahay soo gasho silsiladdan Gorgorka. Malahayga–e waa sidii silsiladdii Siinlay, kaalintii ay kaga jirtay Caasha Jaamac Ibraahim; ayay Asmina tan ka ciyaarraysaa.
Asmi waxa ay haysataa ninkaas dhalinyarada ah, ee yidhi “Habaryoonis ma u hiilinnaa?” Waxaanay leedahay:
Hadduu qoom asaagii hafiyo, hibana dheeraado
Hujuumkiyo cadaawuhu hadduu, heeri kari waayo
Inaadeer Shacraawoow hubaal, cawri waw halise
Hayeeshe mid aan laba hurayn, habarta weeyaanne
Mid kolkuu la haaday shan kale, soo habaanhabbiye
Hal iskama dhimaysee xirsiga, haw halaanhalinna
Cajiib! Meeriska ay leedahay: “Hayeeshee middaan laba hurayn, habarta weeyaanne, Mid kolkuu la hadday shankale, soo habaanhabine” ayay maskaxdayda ku soo dhaceen meerisyadii uu Hadraawi ugu hanjabaayay taliskii Siyaad Barre, kolkii uu lahaa:
“Deldellaadda boqol boqol
Kala daran iskugu xidho
Kun markaydun duugtaan
Annakaa kun dihannee”!!
Waaba caynkaase, inantu waxa ay leedahay ‘Nimankan Xirsi Cismaan haw werwerina, warwarba iska dhaafe, waa niman halyayo ahoo, waxaaba suure ah in la cawryo cududdooda iyo farahooda!! Haddii mid iyo laba uu haad ka cunana, dumarkoodu waa qaar durba dhalaaya diricyo kale; meel rag la’aan looga warwarana maaha’
Asma waa gabadh Habaryoonis ah, reer sugulle na sii ah. Halkaas kolka ay dhigtay inantaasi maansadaas quruxda badan, ninkii Caydaruusna ay ka soo qaadday nin Habaryoonis hiil u raadinnaaya, ayna u sheegtay in uu ka gam’o nimankaasi–oo ay isku filanyihiin, waxa mar labaad ku soo noqday Caydaruus, oo leh:
Inanta gabayga hiil ka ah wadee, hagaf kasoo siisay
Ee moodday inaan hiifayuun, haybta qolodeeda
Axmedow hal baan odhan lahaa, loo hanwaynyahaye
Bal inay hormuud gabadha too, hadalku deeqaayo
Ooy hidin karaysooy murtida, tahay hormoodkeeda
Intaan calanka haaf-saydhku dhicin, yay horbahanteeya?
Su’aashaa gaaban ayuu wayddiiyay nin ay saaxiib yihiin, oo siduu ii shaaggay la yidhaahdo Axmed-Yaasiin Maxamuud Cabdi, kolkaas waxa uu ku leeyahay “waar saaxiib inanta bal iiga soo warran anigu garan maayo e, in ay tahay dhabeel iyo gaari hadalka aan gawdhgawdhaynne sida gobta u turxaan bixisa, iyo in ay tahay gabadh aan weedhu ku habboonnayn oo aan iskaga aamuso, inta aanan khalad horraad degdeg ah gelin”
Waa dhabeel; alaylahee waa dhabeelle, iyadii ayaa u jawaabtay ninkii, iskuna caddaysayoo, isaga Axmed, iyo waliba Jimceele oo ay jaar yihiin in aannu midkoodna dhaayaha saarin ayay ku jalbeebisay. Kaaga daranne, hablaha tii warwareegta, ee aan anshaxa wacnayn ayaa warkeeda hore loo helaaye, anigu gaari aan gurigooda dhaafin ayaan ahay, dhalayalna iguma xog waraysan kartide, lugaha isku duwo’ ayay leedahay. Arrimahaas oo hubsiimadu calanka u siddo iyada oo ka haydlaysay tidhi:
Hubsiimadu mid weeyaan habboon, wanna la hubaaye
Wiilyahow hablaha tii baxdee, uunku wada hiifay
Habeenkiina guuraysa ee, soo hadh gali weyda
Ee haloow ninkii soo yidhaa, hay (Hi) u celinnaysa
Middaasa xogteed loo helaa, hawl yaraan fududde
Jimcaalaan hummaaggay arag, hoyna ii xigga’e
Axmed oon hubaashi kasayn, duni halkaan jooggo
Iyo hebelo may qeexi kari, ruuxdan hibadeeda?
Waa hagaag. Asmina halkaas ka fadkudisaye, Allaw yaa isku afgarta dhalintan!! Halkaas kolka ay sheeko marayso, ayuu soo galayaa nin la yidhaahdo Cumar Axmed, oo Cumar-Faray loo garan ogyahay, waxa uu leeyahay: ‘inkaste oo uu dhibaatooyin dhimasho, dhaawac, iyo dhaygagba leh gaystay bahalkaasi, haddana mar haddii uu nin yari bahalkii dilay, alaylahee waa libin iyo guul ay Habaryoonis gaadhay, anna aniga oo ka soo jeedda huwanta galbeed, hanlayo ayaan nimankaas u dirayaa’
Cumar waa nin dhalinyaro ah, oo ka shaqeeya magaalada Hargaysa, waana aqoonyahan da’ yar, hayb ahaanna waa nin Sacad Muuse ah, oo Yaasuf sii ah. Aragtidiisa isaga oo gabaygan kooban ku cabirraayana waxa uu yidhi:
Inkastuu la haadduu carruur, heeray dhabankooda
Inkastuu hilbaha jiidhka iyo, haragga qaar jeexay
Kol hadduu halyaygii yaraa, hanaqa soo gooyay
Hurintii galbeed iyo anoo, huwan kasoo jeeda
Hambalyaan u dirayaa tolkay, hanaddo weeyaane
Cumar kolka uu arrinka halkaas mariyay, waxa ku soo laabtay ninkii Caydaruus-Shacraawi la odhannaayay, Cumar inta uu ku soo hal-qabsado, ayuu ku leeyahay ‘Cumarraw iminka marka bahalkii la dilay in aad gabaydo waa laga wanaagsanaa, in aad hanbalyo soo dirtana waxa ka qurxoonnaa adiga oo hiil soo huddamiya. Haatan iyo dan, hadalkaas intood iska dhaaftid, bahalkii hadduu soo aar tago, oo nimankii dib u soo weeraro, ma soo galaysaan dagaalka mise waa maya?’ Arrimahaas isaga oo dhawr meeris ku soo koobaayana waxa uu yidhi:
Cumarow haddeer gabayga, waa laga habboonaaye
Hambalyada waxaa kaba wacnayd, hiil adoo gala’e
May hadhinna haaddiiye way, habar wacdeen uunne
Ma hujuumi doontaan hadduu, horarku soo aaro?!
Caydaruus kolka uu wayddiintaas saaxiibkii ku halgaaday, waxa warcelin degdeg ah soo siiyay saaxiibkii Cumar–oo yidhi: ‘haddii lays haleelo oo inta col laysku soo dumiyo uu rag jilbaha is daro, dhanka ay kaa xiggaan cadawga waad kaga gam’aysaa nimankaas Habaryoonis. Kaaga sii darane, sida ay doonnaanba haw dagaalamaanne, nimankani waa waran, birmad galbeed iyo mid bari toona uma baahna e, malaha waanad aqoonnin nimanka?’ isaga oo hadalkaa tixeeyayna waxa uu yidhi:
Haddii lays haleeloo rag uu, dirir ku hawshoodo
Halgan iyo dagaal iyo haddii, ciidan lagu hoobto
Waa niman halkay kaa jiraan, cadow ku heerayne
Kun hagoogan, kun hillaaban iyo, kuman hub soo qaatay
Waa niman hagaag ugu dhacoon, Ka habranayn jeere
Galbeed hiil ka sooo kacay amaba, haamo bari yaalla
Uma baahna–oo waa hodan ilayn, tuuray heeryada e
Qaran weeye habaryoonis dhaba, waad Ka hurudaaye.
Halkaas kolka uu Cumarna wax mariyay, oo ay u muuqato Cumar iyo Asmiba in ay Caydaruus u arkaan labadiisii meeris ee u horreeyay gaf, kaas oo uu Habaryoonis guud ahaan ka galay, ayuu mar kale Caydaruus hadalka ku soo noqday. Tix dheer, oo dhinacyo badan taabanaysa ayaanu isku samato bixiyay, in kaste oo iyada lafteeda wali rag badan fari uga taagantahay, haddana isagu taaggii waa dedaallay; waxaanu yidhi:
Ha’da gabayga, tixahaan la helin, halista suugaanta
Hogga maanso, hadaf beegan iyo, curinta hoobaanta
Hal-abuurka hooshaarka saar, hodanka geeraarka
Hanaqaadka eraygaan idhaa, shacab halhayseedka
Ku hadaaqa heelladayda iyo, heeso tirintayda
Habeen goor ah, hillaacii baxiyo halalac muuqiisa
Waa hogol kaliil da’ aysa oo, haamo loo dhiggaye
Waa gabay hanaayiyo lahayn, xume la hiifaaye
Iga hooya caawaan murtaan, heego dhacayaaye
Afartaa sidii sagal hanqadhay, mawga halac siiyay
Afar kalana aan soo hormee, hooya iga dhuuxa
Cumarow ha’dii gabay haddaan, halal yar sii raacsho
Oon hujuum warkaagi mar kale, heesta ka bilaabo
Hooyaale kuu soo ceshee, fahan higaaddayda
Oo kaamil hufantii wacnayd, maqal dheh hawraarta
Lamahuraan ninkii dalab naxwaha, hadalka gaadhsiiya
Wuu soo haliilaye Qabyana, hubi dheh luuqdaada
Qaran weeye habar yoonis aan, hadal ka taagnaynne
Haamaha isaaq bay yihiin, haybta ugu roonne
Waa niman halkii ay galaan, holacu duulaaye
Waa wada halyay aan Xirsina, cidiba hiifayne
In loo hiiliyana ilama aha, inay hagaaseenne
Waa hanaddo inay leeyihiin, hurin walaalleedde
Ragguna hooda iyo hiilintay, kuba heshiiyaanne
Iyadoo la hiiggoo boqnaha, nacabku haylhayllay
Hantaaqada walaalkii nin raggi, waw hanfi iyo ceebe
Gurmad bay ha’daydii ahayd, loo hubaal dayaye
Nin hujuumay Habaryoonis oo, gabay ku haaraamay
Oo hadal xiggaalkii ku gannay, hay malaynnina e
Afartaa sidii sagal hanqadhay, mawga halac siiyay
Afar kalana aan soo hormee, hooya iga dhuuxa
Soo aaray horarkii sidaan, horaba sheeggaayay
Hubka gurte oo habarxabuush, dirirna heenseeye
Burco oon hal reer naga maqnayn, heelki wada buuxshe
Gabaygan oo aanan soo wada qaadan ayuu markaasna ninkii Caydaruus tiriyay, isaga oo sheeggaaya in Habaryoonis uu si wacan u yaqaanno, tixdiisiina aanay nimanka liiddaynne, ay ahayd uun ragga in la tuso in ay walaallo leeyihiin; mudanyihiinna in haad iyo haanraawaba looga hiilliyo, se la qalad fahmay.
Maxaa dhici doonna?
La soco qaybta 10-aad.
W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi