Siyaasadda Cynicismka iyo doorashooyinka (WQ: Cabdilaahi Xaaji Saciid)

Political cynicism, Cappelle iyo Jamieson waxay ku qeexaan, is aamin laโ€™aan siyaasadeed oo asalkeedu ka yimid danta guud oo laga yeelo dan shaqsi . Lane iyo qayrkii waxay qabaan in Cynicism tahay qiyam iyo mabda ย laโ€™aan siyaaseed.

Dalka marka siyaasada nuucani ka hargisho, waxa dhacda in qofkastaa isagu warbaahin isku noqdo, wakaaladaha afka dawalada ku hadlaan ay noqdaan masdarka ugu wayn ee laga baahiyo beenta. Dalkuna wuxuu waajahaa siyaasi laโ€™aan iyo nidaam laโ€™aan siyaasadeed oo is huwan. Dawladuna waxay noqotaa magac u yaal, sida garoon diyaaradeed ย oo aan la ahayn diyaaradihii ka kici lahaa iyo duuliyayaashii kicin lahaa.

Dhan ka kale,ย  Chaluopka ย wuxuu ย ku doodaaya ย marka dhaqan kani noqdo mid faafa oo la qabatimo in ay meesha ka baxda kalsoonidii dadka iyo dawladooda isku haysay. Waxana dhacda in cid walba dib isku xisaabiso, miisankana saarto (power sharing) ama saami qabysi .

Sida Sloterdijk uu ku sheegay buugiisa maranka baddan dhaliyay ee The Critique of Cynical Reason, Siyaasiga dhabta ahi marka arimahani soo waajawahan, waa markaย  Cynicism uu badallo Kynicism.

Waa marka hogaamiyuhu baddalo dhaqamo horoo lagu yaqaan oo ay ka mid tahay danaysi, xigta jacayl iyo musuq . Farsamadan waxa isticmaalay Puttin ka dib guushii uu ka soo hooyay doorashadii labaad ee dib loo doortay . Wuxuu Soo laabtay isagoo nin kale ah, taasina waxay u keentay in ilaa hadda calankiisu dhici waayo.

Taa badalkeeda siyaasiyaanta aan caqliga furnayn, waxay waqti qaliyaa sidii sax iyo qallad ba ay doorashada danbe igu guulaysan lahaayeen. Maalinta la xilka loo dhaariyay waxay bilaabaan kaambaynkii ay dib ugu soo laaban lahaayeen, halka ay ka ahayd in ay fuliyaan ballanqaad yadii ay hore u soo galleon.

  1. Achen isagoo cusknaaya aragtida โ€œfolks theoryโ€ wuxuu ku dhigay buugiisa Democracy for realistst in ay shacabku yihiin cadawga ugu wayn ee dimiqraadiyada, marka ayna garanayn mabaadiโ€™da saxda ah ee wax lagu doortoโ€

India waxa lagu tiriyaa wadanka ugu dimiqraadisan aduunka, waxaana marlwaba doorasha u dareera in ka baddan 900milyan oo qof. Haddana, taasi kama dhigin India dal hodan ah oo lagu soo hirto, waxayse ka yeeshay taa badalkeeda dalka ugu tuugsiga baddan aduunka.

Susana Rikkhoff waxay leedahay dadka ha u dirin in ay wax doortaan hadii ay gaajoonayaan, waxay ku doodaysaa adigu adiga ma tihid markaad gaajoonayso โ€you are not you when you are hungryโ€

Haddaad fiiriso deegaanada Soomalida, gobol kasta doorashaa lagaga hadlayaa ama ka socoto, waxa is badalla oo muuqda oo la taaban karana ilaa hadda lagama gaadhin doorashooyinkaa oo aan ka ahayn in kharash iyo hanta baddan lagu burburiyo.

 

WQ: Cabdilaahi Xaaji Saciid

Eamail: Cubeesh.com@gmail.com