Somalia Iyo Somaliland Oo Ka Baxay Shantii Somaliyeed (WQ: Maxamed Daa’uud)

Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), way u kala qalan tahay arrintu. Sida ragga qaarkiina iskuma qaldo magacyadii la kala odhan jiray labadii dal ee midoobay oo kala ahaa Somaliland Republic (Jamhuuriyadda Somaliland) iyo Republic of Somalia (Jamhuuriyaddii Somalia).

Ka dib markii ay labadii Jamhuuriyadood ay midoobeen 1dii July 1960, waxay la baxeen magac cusub oo waxay ka guureen labadii magac ee ay kala siteen ee ay ku qaateen xoriyadda. Dad badan ayaan ilaa maanta garanayn ama ku dawaqsan magaca cusubi wuxuu kaga duwanaa labadii magac ee hore. Af Ingiriisi wuxuu ku noqday magacii lagu midoobay… Hee?! Waa Somali Republic (Jamhuuriyaddii Somaliyeed … Somali oo dhan ama shanta Somaliyeed). Haddaba Farmaajo markuu sheeganayo Federal Republic of Somalia (Jamhuuriyadda Fadaraalka ee Somalia), jamhuuriyadda uu Fadaraalka u samaystay waa tii Talyaanugu xoriyadda siiyay oo qudha. Afartii Somaliyeed ee kale kuma jiraan magacaas. Waxaana si cad u sheegaya Dastuurkii loo codeeyay ee lagu midoobay 20 June 1961kii. Sharci ahaanna iyaga laftooda (Fadaraalka) ayaa ka baxay midnimadii Somaliyeed … Somali idilkeed ama Somaliweyntii lagu heshiiyay 1960kii