Si maan-fur ah oo garaadsan qoraalkan, waxa aan ugu lafa-gurayaa in yar oo kor-xaadis ah sooyaalkii dowladnimo ee S.land oo xeerin iyo xurmayn ba huwan. Waxa aan gundhig qoraalka ku bilaabayaa in kala taagnaanta iyo dhugasho yaraanta tagtada, taaganta iyo timaadadu ay sabab u tahay fahan daradda nidaamka dowladnimo. Gorfaynta aan ku eekeeyo tagtadii cimrigii dowladnimo ee S.land, Dheeliga 28 sanno Jirka ah, Guulaha iyo Guuldarooyinka aanay wali xalka iyo xakamaha u helin.
Dunida aynu joogno dowladnimada noloshu waa u tiir dhexaad iyo lafdhabar ; waa mid lagu hirto, liibaano, lagu kala badbaado; waa mid wakhti, maal iyo muruq ba la geliyo si libin iyo tub/ jiho ummadeed loo gaadho. Waa sababta keentay inaan u qalin-qaato soo koobida sooyaal dheer oo aynu soo marnay.
Hordhac
– 26, Jan, 1991-kii waxaa hilfaha loo laabay taliskii Kacaanka Oktoobar, halkaas waxaa ku soo af-jarmay 21 sano oo Madaxwayne MSB uu ka talinayay Somaliya. Maalintaa wixii ka dambeeyay waxaa meesha ka baxday dowladii dhexe oo guud ahaan mulkiyadda maamulka gacanta ku haystay, waxaa qori caaradii xukunka lagaga tuuray taliskii milatariga ahaa, waxaa cagta la mariyay, raad kasta oo qaranku lahaa, taladu waxa ay gacanta u gashay jabhadihii xukuumadda ka soo horjeeday. Goboladda Togdheer iyo Maroodi-jeex waxaa badi gacanta ku dhigay Jabhadii SNM, halka Gobollada Koonfureed jabhado kala duwan kala qaqabsadeen. Jabhad kasta oo hubaysan iyo maleeshiyo beeleed kastaa waxa xidhatay deegaankii ay gaarka u lahayd. Markii meesha laga saaray dowladii dhexe, ayna burburtay Goboladda Waqooyi waxa ay ku dhawaaqeen inay gooni-uga baxeen Midowgii Goboladda Koonfureed, lana soo noqdeen xornimadoodii daleed iyo dhuleed.
Muddo dheer oo shirar ah oo la falanqaynayay xaalada guud, marxalada gaar ahaaneed iyo ta caamka waxa ay isla qaatay in dib xoriyadiii asqowday 1960-kii ee midowgii goboladda waqooyi iyo koonfur dib loola soo noqdo.
Bishii shanaad 1991-kii waxaa geyiga Soomaalida lagaga dhawaaqay Somaliland oo dib u curasho ah. Maadaama oo ay ahayd dal xornimada qaatay 26 June 1960-kii oo lix cisho ka dib 01 July 1960-kii la midoobay Jamhuuriyaddii Soomaalida. kor-xaadiskaa taariikheed kadib 28 sano oo ay Somaliland gooni u madax banaanayd waxay gaadhay guulo sareeya, waxay hirgelisay hay’ado dowladeed oo shaqeeya oo taabo-galiyey amni, xasilooni iyo kala dambayn. Somaliland in kasta oo aysan ictiraaf caalami ah helin, waxa ay ku talaabsatay guulo lagu faani karo.
Guulo
1. Somaliland waxa ay rukunada u taagtay haykal iyo hay’adaha dowladnimo, sida dastuur, calan, lacag, ciidan, axsaab, dhamaan sumadaha iyo astaamaha dowladnimo.
2. Somaliland waxa ay sal-dhigtay aasaaska axsaabta siyaasadda, qabashada doorashooyinka (One Man One Vote) ah ee golayaashada Deegaanka, Wakiiladda iyo Madaxtooyadda.
3. 28 sanno gudaheed waxaa hirgalay mashaariico waaweyn oo aan hore loogu talaabsan oo qiimaha dowladnimada iftiimiyay sida wadooyinka, goobaha waxbarashada, caafimaadka, ceelasha, maxkamadaha, saldhigyada iyo xarumaha addeega maamulka.
4. SL waxa ay qiyam iyo haybad u yeeshay ciidamada, waxaana la bixiyay darajooyinka ciidamada milateri, bileys, asluub iyo qaybaha kale ee ciidamadda.
5. xarakaadka siyaasadeed ee xisbiyadda, tartanka iyo loolanadda siyaasadeed ee heerarka kala duwan ee doorashooyinka.
Guuldarooyin
1. Goboladda Bari wali waxa ka jira colaado iyo ciidan beeleedyo u abaabulan hab-qabiil kuwaas oo xasiloonidda nolosha, amniga iyo kala dambaynta khatar ku ah.
2. Si garaadsan, qiiro kala saraysaa qaranimo ma dhaqdo. Dal, waxaa dhismihiisa iyo dhidbidiisa qaranimo gudbi kartaa bulsho Ka siman dareenka hoose. Nasiib darro S.Land weli kuma aysan guulaysan hirgelinta waddaniyad sinta niyada dadka ku dhaqan Lowyacaddo ilaa Taleex.
– Dabcan, qayb ka mid ah Bulshada markaad hoos u dhugato dareenka waddaniyadda iyo aragtidooda, waxaad dareemaysaa in maankooda ay ku duuggan tahay qiiro waddaniyadeed oo ka saraysa dareenka waddaniyadeed ee qaybo ka mid dadwaynaha ku uuman S.land.
– Somaliland uma baahna dareen caadifeed ee waxa ay u ooman tahay samaynta aragti quman oo bulshadu si siman ugu istareexsan tahay, waddaniyad miisaaman oo mugeedu dalnimo ku fadhiyo.
3. baadigoobka ictiraaf caalami ah, waxaa cad in somaliland ku guuldaraysatay inay gobolka Geeska Afrika iska daa adduun-weynaha e ay ka kasbato gacan-qabad siyaasadeed. Wali siyaasadda arrinaha dibadu waxa ay la mutaxan tahay dood-rakhiisa oon dunida iyo gobolka ba aan ka gadmayn.
4. Sharciga oo sareeya iyo maamul wanaaga ay cadaaladu ugu mudan tahay ayaa ah dabka dowladnimada nooleeya. Somaliland 28 sanno way ku liidataa dhowrista, fulinta iyo ilaalinta saraynta sharciga iyo maamul wanaaga.
5. Marka aad jaleecdo wadadii 28 sanno la soo maray rubuc qarnigan, waxa ay muujinaysaa in dhabada lagu taagan yahay aanay Somaliland marnaba gaadhsiinayn yoolkii iyo himiladii la sawiray ee GOONI ISU TAAGA, waxa ay hadda u eegtahay badeecad aan ku iibsameyn qaabka ay u taal suuqa.
6. Qabyaaladda, qaraabokiilka, sad-bursiga, naas-nuujinta iyo sinaan la’aanta fursadaha waxbarasho (Scholorship), shaqo iyo manfaca dowladnimo ayaa ah waxa xadhkaha goostay ee sababi kara kala-irdhow bulsho.
7. Nidaamkii Somaliland lagu yagleelay ee beelaha deegaan-wadaagta ahi isku darsadeen ee xilligii adkaa lagaga soo baxay habka wax-isku-darsiga iyo wada samaysashada hal nidaam dowladeed, oo u muuqda in hal beeli isku wada fuuqsatay manficii qaranimo iyo dowladnimo. Beelaha Sool, Sanaag iyo Cayn way sii durkayaan ilaa in badani fogaadeen oo jabhado iyo maamulo yabyabeen. Waxa kale oo dareen tabasho aad u wayn ka oogan yahay Goboladda Awdal, Gabilay iyo Salal oo aanay in badani imika u sii laab dayn.
8. Maanta 28 sano kadib waxa jirta kala qaybsanaan weyn oo sababi karta dib-u-dhac baahsan. Beesha Isaaq oo tiirasha udub dhexaadka u ah yagleelka Somaliland waxa ay u kala qaybqaybaan tahay reero, jilibo iyo raasas manfaca Isaaqnimo u wada ruclaynaya.
WQ Bashir Maxamed Bashir
Borama, Awdal
Basiirmaxamed653@gmail.com