Somaliland: qaran baadi-goob ugu jira mahadigii siyaasiga ahaa ee caymin lahaa (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Ma-hadhada adduunku waxa ay inna bartay in ummad kasta RABBI uu mar ka soo dhex saaro mahdigii ka samato bixin lahaa dhib ay muddo ba ku riiqdeen, oo ay maarayn kari waayeen. Muddo dheer ayuu qarankan Somaliland ku jiray marxalad kacaa kuf ah. Waxaa dalka ka bilaabmay goor aad u horreysay oo dalku xaalad adag ku jirey, waxa loo yaqaan “ Hannaanka xusbiyada badan.” RABBI ha u naxariistee, waxaa ku ammaanan madaxweynihii hore ee Somaliland ALLE u naxariisay; Maxamed Xaaji Ibraahim “Cigaal,” Markii ay timiday geeridii naxdinta lahayd ee Cigaal, dunidu waxa ay astaamaaha Layaabka iyo waydiinta saartay, sida luugu heshiin doono cidda loo dhiibayo hoggaanka dalka. Marka runta halkeeda loogu tago, goortaa waxa jiray siyaasiyiin dalka xoog badan ku lahaa oo isla-markaana dalka u soo dagaalamay, una arkayay madaxweyne ku xigeenkii dalka mudane Daahir Riyaale Kaahin nin halgankii ka soo horjeeday. Siday-doonta ha ahaatee, RABBI wuxuu inna garansiiyay in sida uu qorayo sharciga aynu dhigannay la yeelo. Sidaa ayuu madaxweyne ku noqday Daahir Riyaale Kaahin.

Daahir Riyaale Kaahin wuxuu suuro galiyay nidaam dowladnimo oo dhinacyo badanna kan hadda jira kaga wanaagsan. Hasa yeeshee, aan kobcin dhaqdhaqaaqa dhaqaale. Waxaan odhan karnaa Daahir Riyaale Kaahin, wuxuu ku hawlanaa inuu hirgaliyo siyaasaddii madaxweynihii ka horreeyay ee Maxamed Xaaji Ibraahim. Guulaha ugu waaweyn ee Daahir Riyaale Kaahin aan u tiranayo waxaa ka mid ah; In uu dadka baray waxa ay tahay dowladnimadu. Wuxuu xabsiga u taxaabay mid ka mid ah hoggaankii SNM oo marka ummaddu u aqoonsanayd in uu ahaa muhaajid weyn, waa Eng. Maxamed Xaashi CIlmi. Sidaa wuxuu ku baabiyay awoodaha barkuma taalka ah ee nimanka faraha badan ee SNM baanu ahayn yidhaahda ay ummadda ku horrowsadaan, qaarkoodna hantida ummadda ku xalaalleystaan shaadhka mujaahidnimo.

Waxa kale oo uu xabsiga u taxaabay Dakhtar caan ahaa, waa Gaboose. Markii nimanka miisaankaa lahaa la xidhiyay, dadku waxa ay qabeen baqdin xad-dhaaf ah, waxaa la filayay in dhulku garriiri-doono, hadh iyo habeenna warbaahinta hanjabaad ayaa ka socotay, haba u badnaadaan mujaahidiintii SNM’e.Hasa yeeshee, DEERO DEERO MA HIRDIYIN.

Guushii ugu weynayd ee baddashay sawirka Somaliland dunidu ku leedahay waxa ay ahayd, markii doorashadii madaxweynenimo laga helay Daahir Riyaale Kaahin, Sannaddii 2010.bishii July. Daahir Riyaale wuxuu qaatay go’aan geesinimo badan leh. Markuu go’aankaa qaatay dunida oo dhan ayaa looga soo hambalyeeyey. Waxaanu ka tagay Somaliland oo mid ah.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” sidaa ayuu kula wareegay hoggaanka dalka. Isna wuxuu ku guulaystay in uu kor u qaado miisaaniyadda dalka. Waxbarashii hoose iyana lacag la’aan ayuu ka dhigay, ciidankii qaranka wuxuu siiyay summaddii lagu kala garan lahaa. Waddooyin badan oo dalka anfacayna uu dhisay. Hasa yeeshee, maamulkan kulmiye ee uu hoggaanka u yahay Axmed Maxamed Maxamuud, waxa ay sida macdanta yuraaniyaamta ee laga sameeyo hubka wax gumaada u kobciyeen (QABYAALADDA)

“Somaliland oo ah qaran wali baadi-goob ugu jira helitaanka mahdigii uu RABBI ku ilhaamin lahaa in uu ka samato bixiyo caydhnimada, shaqo la’aanta, jahliga,qabyaaladda,eexda, qaraabo kiilka, dowlad xumada, caddaalad-darrada, musuq-maasuqa iyo laaluuska.” Waxaa jira astoomo lagu garto mahdiga, kuwaas ah;

1) Mahdigu waa mid aqoon leh, aqoonta jecel, dadkiisana kula dadaala in uu ka xoreeyo jahliga.
2) Mahdigu muddo yar ayuu waxbadan ku beddalaa, markuu dalkiisa gaadhsiiyo meel wanaagsan oo laga sii qaadi karo, waxuu iskaga dagaa xilka, si uu ummadda u baro in ay jiraan shakhsiyaad isaga ka sii wanaagsan oo dalka halkan uu gaadhsiiyay ka sii horumarin kara.
3)Mahdigu caqliga dadka ayuu dhisaa, si iyaguna ay dalka u dhistaan.
4) Mahdigu wuxuu arrimaha ugu horreysiiyaa; b) Caddaaladda t) Waxbarashada j) Caafimaadka x) Waddan jeceylka kh) Kobaca dhaqaalaha. IWM.
5) Mahdigu wuxuu leeyahay aqoon iyo xirfad marka uu xilka ka dago uu ku shaqaysan karo.
6) Mahdigu wuxuu saaxadda siyaasadda ku soo dhoweeyaa da’yar firfircooni hor leh ku jirto, waxaanu ka faa’iidaystaa waayo aragnimada dadka waaweyn.
7) Mahdigu waa nin dadku u siman yihiin oo lagu soo hirto.
8) Mahdiga waxaa ku xeeran oo uu talada wax ka siiyaa aqoonyahanka, indheer garadka, culimada, hal-abuurka iyo cidkasta oo maskax wanagaasan oo fikir hurumareed keeni karta.
9) Mahdigu iin ama godob ma leh markuu xukunka qabanayo, taasina waxa ay sahashaa in dadku si siman u rumaystaan ugu na kalsoonaadaan.
10) Mahdiga kibar iyo santaag toona lagu ma arko ee waa nin is-dhul dhig badan.

(Hogo-tus; Mahathir Mohamad kii Maleesiya)

Dalka Maleesiya oo ka mid ahaa, dalalka dunida ugu saboolsan RABBI wuxuu u soo saaray Mahdi noloshii dhaqan-dhaqeele iyo muuqaalkii dunidu ka aaminsanayd waddankan u beddelay mid qurxoon. Mahathir wuxuu dhashay December 20.1925. Wuxuu ku dhashay Alor Setar, ee gobolka Kedah ee dalka Malaysia. Wuxuu ka baxay jaamacadda Maleesiya. Mahathir ka hor inta aanu siyaasadda soo galin wuxuu ahaa Dakhtar leh xirfad uu ku shaqaysto. Taasi macnaheedu waxa weeyaan, haddii uu xilka ku guulaysto oo uu muddo xileedkiisa dhammaysto waxaa u muuqata in uu xirfad uu ku shaqaysto leeyahay. Halka innaga siyaasigeenu uu ka yahay danlaawe aan wax xirfad iyo camal toona hayn. Oo keliya xil uun suga. Intuu xilkaa haynaa ka warwar qaba barri haddii la eryo wuxuu cuni doono.

Tusaale aan u soo qaato Mujaahid Muuse Buuxi Cabdi. Intaan aqaannay maalin keliya maan arkin isagoo shaqo uu leeyahay u kacay. Waa muddo ku siman 16 sanno. Haddii aanan khaldanayn.
Mohathir Mohamed wuxuu xubin firfircoon ka noqday United Malays National Organization (UMNO), Mahathir wuxuu Maleesiya hoggaaminayay 22 sanno.

GDP-ga Maleesiya 1970 wuxuu ahaa 3.7 billion US dollars. Halka GDP-ga Maleesiya uu sannadkii 2013 ka noqday 312.4 billion US dollars.Halbeegga kobaca dhaqaale ee intaa leeg waxaa loo nisbeeyaa in lagu gaadhay dadaalkii,aqoontii iyo sahankii uu qaranka Maleesiya u dejiyay Mahdigii Maleesiya ee Mahathir Mohamed.