Somaliland: Saamiqaybsiga Waashay Iyo Soo Jeedinta Madaxwaynihii Hore (WQ: Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”)

Madaxwaynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale

Dahir Rayaale maanta isagu Madaxwayne maaha xiligiisii si fiican buu uga soo gudbiyay Somaliland, wax lagu xuso oo lagu xasuustana (legacy) wuu ka tegay. Nin dhawrsan oo dulqaad leh ayuu ahaa. Nin xilka uu ummadda u hayay iyo milgaha kursiga uu ku fadhiyay garanayay oo aan la gebi-dhaclayn ee sharafta ka raacayayna wuu ahaa. Maanta isagu waa Madaxwaynihii hore sida Axmedba yahay. Ninka maanta ay talo haysato ee indhaha lagu wada hayaa waa Madaxwaynaha xilka haya.

Horta muwaadin Somaliland ah oo saami-qaybsiga talo ka soo jeediyay oo kuraasida ka hadlay aniga ayaa kow ka ahaa oo ka qoray maqaal cinwaan aan uga dhigay (TALO KEENA AMA TANBA QAATA. Hadda waa tan iyo intii ka dambaysay dhamaadkii muddo-xiladka Wakiilada oo hadan 10 sanadood in ka badan maraya. Qofkii ugu horeeyay ee i labeeyayna wuxu noqday Dahir Rayaale Kaahin. Madaxwaynihii hore ee Somaliland. Labada talo ee uu soo jeediyay Rayaale midi hadii aan dastuurka la furin suurogal ma noqon karto oo waa ta uu yidhi “ha la kordhiyo tirada xildhibaanada wakiilada ee 82ka ah”. Ta kale ma kala foga taladii aan hore u soo jeediyay, in kasta oo isagu uu ka duulayay saami-qaybsigii 1993kii, isagoo sheegay ama ka hadlay Gobolka Awdal oo keliya uu sheegay in ay ka maqan yihiin 3 kursi markaa qiyaastii Awdal wuxu u qoondeeyay i16 kursi. Aniguna Awdal waxan u qoondeeyay marka aan loo noqon shirbeeleedkii Borame 15 kursi. Halkaa ma kala fogin tiisaba hadii ay noqoto. Rayaale isagu kama hadlin cid kale oo ay wax ka dhiman yihiin iee aniga ayaa sidiisa beeleeyay kuraasida oo waxan soo jeediyay in halkii beelaha aan ahayn Beesha Dhexe ay ka heleen 2005tii (isaga oo markaa Rayaale laftiisu Madaxwayne ahaa) 25 kursi Beesha Dhexena 57 kursi in beesha dhexe yeelato 49 kursi beelaha kalena ay helaan 33 kursi, anigoo ka duulayay 33kii kursi ee 60kii tiradii ay ka heleen beelaha kale oo ahayd 13 kursi. Anigu waxan soo jeediyay in beelaha Bariguna 16 kursi helaan galbeedkuna 15 kursi halka beelaha laga tirada badan yahayna aan soo jeediyay ugu yaraan 2 kursi.

Hadaba anigu waxan mar kasta qabay hadda oo la joogana aan qabaa in uu xal jiray haddana uu jiro. waa marka caqligu shaqaynayo daacadna laga yahay. Hore-na waa u sheegay hadana waan qabaa saami-qaybsiga xal looma waayine daacad baan laga ahayn oo waxan daacad ka ahayn intii dadku ay aamineen taladoodana ay u igmadeen. Hadii aanay sidaa ahayn maxaa iyaga looga waayay cid keliya oo talo ka soo jeedisa, madaxtooyo, Wakiilo, Guurti, iyo xisbiyo. Markaa anigu soo jeedintaydii hadii aan wax ka bedelo Galbeed ( Gadabuursi iyo Ciise) waan ogolahay in 3 xubnood loo kordhiyo. Weliba waan u sii kala qaybinayaa 12 iyo 4. Reer Borame ha i dhagaxtuuraan hadii ay doonaan eh.

Beelaha Barigana iyaga reero ba’ay kamay soo hadhine iyaguna 60kii wixii ay lahaayeen ayaan qabaa in iyaguna ay yeeshaan (7kursiX 2.5) waa 17.5 u buuxi iyagana maxaad ugu diidi saw Beesha Dhexe uun kama go’ayso. 18 kursi ayay yeelanayaan. Beelaha la haybsooco kursigii Shuuriye iyaga ayaa iska lahaa, waayo reer Hargeysa ha ahaado balse nin Tumaal ah oo ka soo jeeday beelaha la haybsooco yaa u diidan? Wuxu u noqday 2.5 kursi u buuxi iyagana oo wuxu u noqday 3 kursi. Isu gee hadaba cadka beelaha kale ay qaydhinka ku qaadanayaan (16+18+3) waa 37 kursi oo kelya. Maxaa u soo hadhay tii Dhexe? 45 kursi saw maaha? Dee ha iimaansato waa adkaynta gooni-isu-taaga eh. Hadii kale Federaalka ha iska ogolaato waa la hubaa in reerka keliya ee sedbursiino loo ogol yahay ay iyaga yihiine oo soomaali dib ha isula doontaan ilayn iyaga oo keliya ayaa kari kara oo keligood kala haya eh.

Anigu labadaa ma sadexaynayo ee Isaaq laba daran waa la kala dooran karaaye dee mid ha doorto oo ha ku calool adaygo. I waydiin maayaane hadii ay aniga wax iga waydiinayaan waan garanayaa ta u roon ee ay ugu badinayso. Waa hadii caqligu shaqaynayo. Hadii kale iyadana xalki wuu jiraa ee ha qaataan.

Caligurey