Somaliland: Sababaha, saameynta sarrif bararka Q. 2aad (WQ: Axmed Cabdilaahi Cumar “Diini”)

 

SEETAYNTA SARRIF BARARKA 

Guddidda Sicir Bararku wali wax lataaban karo ka may qaban arrintii Sicirka iyo Sarrif Bararka. wax aad moodaa in midkoodna aannu baran maadada dhaqaalaha 101. Taasina waa ta keentay in ay awoodi kari wayaan in ay si cilmiyeysan oo gundheer u lafo-guraan sababaha aasaasiga ah ee Sicirka iyo Sarrif Bararka. Shaqadoodii wax ay ku koobeen dhiirigelinta isticmaalka shillinka iyo Adeega Moobilada Lacagta. Isirro badan oo loo aaneynayey in ay yihiin sababaha aassaasiga ah ee keenay ama dabka ku sii huriyey Sicir Bararka iyo Korodhka maceeshadda weli kamay hadal. In ay ka hadlaanba ha joogtee qaarkood wax ay dhawr jeer ka dhawaajiyeen oo muuqbaahiyeyaasha la soo horfadhiisteen in aan dalka Sicir Barar ka jirin ee wax keliya ee jiraa yahay qiima dhaca ku yimi shillinka maxalliga ah. Arrintaasina wax ay inoo iftiimineysaa in xittaa aanay ka war heyn warbixinta xaga sare aynnu ku xusney ee natiijada halbeega qiimaha iibsadaha (CPI report) ee ay soo saartay waaxda Statistics-ka ee wasaaradda qorsheynta Somaliland oo kamida xukuumadda ay ka tirsanyihiin. Sidaa daraadeed wax aan ku talin lahaa in la joojiyo  arrintan dhaqanka inoo noqotey ee haddii mushkiladdi inagu timaado guddi aan aqoon lagu xulin loo saarayo iyada oo hay’ado dawladeed oo arrimahaa ku shaqo lehi jiraan.

Xukuumaddu si ay arrintan u xakameyso wax loo baahnaa inta aanay go’aamo soo saarin in ay samayso xog-raadin tifatiran, deraasad hufan iyo cilmibaadhis dhamays ah oo lagu qaadan karo go’aamo midho-dhal ah oo saameyn togan keena, iyada oo kaashaneysa xeeldheerayaal iyo aqoonyahanada ku talaxtagay ee ehelka u ah cilmiga  dhaqaalaha. Sidoo kale in ay casharo ka barato go’aanadii Xukuumdadihii ka horeeyay sida ay u shaqeeyeen iyo caqabadahii ka horyimi. Tusaale ahaan Xakuumaddii Madaxweyne Cigaal ayaa si ay u xakameyso sicir bararka wax ay go’aamisey in ganacsatadu badeecaddaha ay dibadda ka keenaan shillin ku iibiyaan, marka alaabta ay keenaan dhammeeyaanna uu baanka dhexe  doolar ugu bedeli doono taasina wax ay keentay in ganacsatadii wixii ay shillin ku iibiyaanba ay si dhakhso ah baanka uga doontaan in uu doolar ugu bedelo si ay khasaaraha sarrifku keeno isaga ilaaliyaan maadama shillinka qiimihiisu aannu fadhiyin oo aad isu bedbedalayey. Hasayeeshee waxa dhacdey in baanka dhexe u waayo lacag adag oo kafeysa baahida lacageed ee ganacsatadu u baahantahay maadaama baanka dhexe wax kayd ah aanu lahayn.

Mar kale waxaa dhacdey in Cali Warancadde oo ahaa Wasiirka Ganacsigu uu soo jeediyey in ascaarta qiimo loo gooyo, taas oo marka cilmiga dhaqaalaha la eego aan ahayn mid suuro gal ah. Hasayeeshee Dawladdu isku dayday in ay socodsiiso. Arrintaasi waxa ay ahayd mid dawladdu ku degdegtay iyada oo aan dhinaca aqoonta dhaqaale iyo suurogalnimada ka eegin. Sicir bararkii wuu sii balaadhey, ascaartii dawladdu goysayna wax ka garab bilaabmey ascaar suuqu gooyey. Waxa la gaadhey heer marka aad mukhaayad cunto u soo fadhiisato lagu yidhaa ma bariis Warancadde ayaad rabtaa mise bariiskii caadiga ahaa. Haddaad tidhaa bariis Warancadde waxa lagu soo hor dhigayey nafar bariis ah oo sidii biyaha looga soo saarey ah iyada oo aan xataa saliid lagu darin. Marka ka caadiga ah aad dalbatana wax aad helaysay bariis dhadhan leh oo suugo iyo sanuunadi u dhan tahay, lacagtuna qaddimaad ayay ahayd.

Sidoo kale iyana waxa aynnu u soo joogney in xukuumaddii Kulmiye ee hore ay tiraba dhawr jeer ay soo saartey go’aamo lagula tacaalayo qiime-dhaca shillinka maxaligga. Dhammaan go’aanadaasi wax ay noqdeen hal bacaad lagu lisey, qaarkoodna iska daa in ay maaro u noqdaan mushkiladda sicirka iyo sarrif bararka lakiin way uga siidareen xaalkuna wax uu noqdey “Kud ka guur oo qanjo u guur”. Tusaale ahaan 24/1/2017, shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha wasiirada Somalilaland, wax ay soosaareen dhawr iyo toban qodob oo ay sheegeen in ay u arkaan xalka sicirrka iyo sarrif bararka labadaba. Qodobadaas wax ka mid ahaa qodob odhanaya “in aan sarrifka Doollarku dhaafi Karin 7000 SL.sh”. arrintaasi wax ay keentey sarrif bararkii in uu sii balaadho, sidoo kalena wax ay abuurtey suuq madow oo sarrifkii markii hore taagnaa 10,000 SL.sh uu gaadho ilaa 11,000 SL.sh, sarrifkii dawladdu goysayna wax ka garab bilaabmey sarrif suuqu gooyey.

Xalka degdegha

Sida ugu dhakhsaha badan waa in bangiga dhexe uga madax banaanaado xukuumadda, loona sameeyo Guddi (board) lagu soo xulay aqoon iyo waayo aragnimo oo aaney ku jirin ganacsato iyo siyaasiyiin  sidii hore u dhacdey. Haddii hore loogu tilmaamijirey bakhaar dawladdu lacagta dhigato, kanala baxdo. Waa in laga hawlgalo awoodeynta bangiga iyo abuuuridda kalsoonida shacabka iyo ganacsatadu sidii lacaggohooda u dhigan lahaayeen.

Inkasta oo aynaan keyd lahayn, haddana dayn iyo deeq mid ay noqotaba Xukuumaddu, iyada oo sii marineysa Baanka Dhexe ee SL waa in ay Raasammaal ku talaashaa dhaqaalaha dalka si loo xasiliyo shillinka maxaliga ah, la isaguna ilaaliyo ama la isugu miisaamo shillinka iyo doollarka, maadama aynnu isticmaalno labada lacagoodba (dual cuurency).

Mustaqbalka dhow.

waa in bangigu ka hawl galo sameynta iyo dejinta xeerarka iyo shurrcda maaliyadda iyo lacagta sida:- financial Instituions Act, foreing exchange act.

Bangiga dhexe waa in uu hirgaliyo waax u qaabilsan sarrifka lacagaha iyo suuqa lacagta, Tani wax ay keenaysaa in bangigu si buuxda u xakameeyo suuqa sarrika iyo sarrifleyaasha.

Banigaga dhexe waa in uu dajiyo istaraatiijiyad iyo siyaasado uu ku faragelin karo suuqa sarrifka lacagaha qalaad. Taasi waxa ay meesha kasaareysaa in sarrifka lacagtu noqdo mid laga ganacsado oo tartan hawaawi ah loo galo (Currency Speculation).

Mustaqbalka fog 

Sida mushkuladu u adagtahay, waa wakhtigii ugu haboonaa ee aynnu si dhab ah ugu qaabeyn lahayn gun iyo baar qaab dhismeedka dhaqaaleheena. Saldhigasho la’aanta xaddiga sarrifku wax ay sicad inoogu tilmaameyssaa in dhaqaaleheennu u baaahan yahay in la balaadhiyo wax aynnu dhoofino iyo in ayynnu hoos u dhigno dhammaan wax yaabaha aan daruuriyaadka ahayn ee aynnu soo dhoofsano, si loo hakiyo lacagta adag ee innagaga baxda. Waxaa kale oo jira badeecooyin daruuriya oo u baahan in laga ilaaliyo in xadi dhaaf lagu keeno sida alaabta dhismaha, gaadiidka, iyo cuntada qasaacadeysan.

waa in xal loo helo arrinta gansiga qaadka ee ah in lacag doollar ah Ethiopia lagaga keeno iyo in laga shaqeeyo sidii xayiraadda xoolaha looga qaadi lahaa suuqyo cusubna loogu raadin lahaa.

Mustaqbal ka fog si aynnu hoos ugu dhigno ku tiirsanaanta xoolaha nool oo kaliya, waa in Dawladdu imika sii dejiso istaraatiijiyad iyo siyaasado ku qotoma sidii qaab dhismeedka dhaqaaleheena aynnu uga dhigi lahayn mid kala duwan.

Ahmed Cabdilaahi Cumar (Diini)

Hargiesa Somaliland

diini129@gmail.com

0633030031